Raage Ugaas

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
hanad_mn
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2595
Joined: Sun Mar 30, 2008 3:33 pm

Raage Ugaas

Post by hanad_mn »

Ninkaan Wuxuu dilay nin qabay gabar dhalatay gabadha uu qabo oo misana uu abtigiis dhalay (The husband of his wive's sister who was also his own cousin) so that he can marry his own sister-in-Law. It was Ok in the Ogaden Culture at that time to marry two sisters at the same time. They didn't have religion and they believed in Nasty culture.

this is the nastiest culture oo aan waligeey maqlay. waa meesha ay kakeeneen ogadeenku aqli xumada.

He recited the Poem,

qar hadumo qiyaamana hadhoco qowsna yuu harine, qabka waaga labadeena qolo haysku qaateene, haba layqalee ina abtaa mar isku kay qaawi when he was asking the girl to undress herself.
User avatar
GacanSareeye
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1410
Joined: Fri Jan 15, 2010 8:39 pm
Location: Minnogadishu

Re: Raage Ugaas

Post by GacanSareeye »

ma caqli xumee waa waxay ku tarmeen, raga bey xaniinyo iyo geesinimo dheeryihiin. adigu soomalia dhan gubay baa dhaqan xuma iyo diin ka hadlaya :down:
User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: Raage Ugaas

Post by new-york24 »

Hanad,

Your ignorant about the history of somalis,considering the ABSAME besides the dhulbhante and sade are the only history somalis can claim.
Raage ugaas was promised a wife as is the costume of the somalis and muslims,than the father changed his mind at last minute and gave her away to the son of WIIL-WAAL,when raage showed up the father trying to calm things gave him his younger doughter.Things went down hill from there,but i dont expect ciyaalka xaafada to understand nor to have the mental capasity to take it all in.

This is how it all went down.

Raage Ugaas ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu
way madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal. Warkii
markuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan layidhaahdo Alleyl Dumay.

Xilligaas way adkayd in guur iska daaye lahawaysto gabadh u doonan nin kale khaasatan rag-adagaaga, nin
karmeedka, laqanka ah, haday dhacdana waxaa lafilan jiray halaag, basbeel iyo moore-duug.
Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye
Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye (soo maroo, na waa la akhriyey)
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye

Tuduca ka horeeya midka uu gabaygu ku dhamaado ee ah "Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye"
ayaa xilligii dawladdii ugu dambaysay ee Soomaliya ay uruurinaysay suugaanta Raage Ugaas ayaa loo
badalay "Nin ugaas wallaalkii yahoo eeday baan ahaye." Marka siddaa ula soco haddii ay kuugu muuqato
in gabayga wax laga badalay. Tuduca u dambeeya isna wax baa ka badalan oo sidan ma ahayn asalkiisu
ma hayno asalkii ee nala soo socodsii haddii aad isagoo sax ah hayso.

Raage markuu gabaygaa mariyay, ayuu odaygii gabadha dhalay siin iyo meher isugu daray da'dii ka yarayd
gabadha oo aan ayadu waxba ka liidanin tan weyn. Waatii Soomaalidu tidhi "nin meeli u cadahay meeli
ka madow e" Raage gabadhii waa la'aqal galay, laakiin indhihiisu waa dhaafsanaayeen. Caado waxaa
ahaan jirtay marka gabadh laguursado inay reerkooda ladaganaato sanadka ugu horeeya si loo sidaa
baro maamuuska iyo maamulka reer leeyahay, daraadeed Raage iyo Faarax waxay inalayaal u noqdeen
reerkii ay gabdha kaqabeen. Maalin maalmaha kamid ah ayuu Faarax Wiil-waal haweenaydiisa usheegay
inay sifiican usoo labisato, soona kaxayso walaasheeda ka yar oo ah xaaska Raage, dabadeed ku soo agmaraan
dulleed ka reerka. Faarax intuu u yimid Raage ayuu ku yidhi war inakeen aan kabdhoodka shax kusoo ciyaaree,
kadibna waa laysraacay. Ayagoo shaxaya ayaa dumarkoodii soo kor mareen, dabadeed waxaa la'is waydaarsaday
tixahan halgaada ah:

Faarax:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Qiyaasli'i ninkii ugu tagow qoomamaa xigiye
Kannaan dagay............................................

Raage:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Manala qoonsanaayaa haday fuulmo nooqabato
Kannaan dagay..............................................

Faarax:
Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quuto
Qooraansigiisaa kuugu daran quud aan lacunaynin
Kanaan dagay..................................................

Raage:
Qumbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto
Ma nalagu qoonsanaayaa haday gaajo noo qabato
Kanaan dagay..................................................

Faarax:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa fiican
Ma lagu qoonsanaayaa haduu gabadhi kaa qaaday
Kanaan dagay...................................................

Raage:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidan
Mala qoonsanaayaa haduu rubadda kaa qaado

Raage intuu ablaydii iska gooyey ayuu Faarax laba u kala gooyey, dabadeed gabadhuu jeclaa ee xilaha u ahayd Faarax
ayuu faras kiisa ku ritay, lana tagay oo reerkoodii la aaday. Raage markuu tagay reerkoodii ayuu gabay ugu sheegay
wixii dhacay digniina kusiiyey in waxa uu sameeyay rag badani u gu'i doono. Wuxuuna yidhi:
Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo!

Waxaa ku deeqay Cabdi Xiis. Mahadsanid saaxiib.

Digniin: Ujeedo aan taariikh iyo suugaan xifdin ahayn oo ay bahda doollo.com ka lee dahay suugaantan iyo
taariikhdeeda midna ma jirto. Haddii aad si kale u isticmaasho ama u qaadato waa adiga iyo khayaarkaa.


I dont expect you to understand any of that,so let me say it in way you will understand.."ASK ABOUT US NUGGA".
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Raage Ugaas

Post by hanqadh »

Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo!
This last bit is epic from Raage and summarises the whole story and the consequences that would follow.

Dont expect this airhead to understand sugaan iyo gabay, ileen dhaqan uma lehee. :lol:
User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: Raage Ugaas

Post by new-york24 »

hanqadh wrote:
Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo!
This last bit is epic from Raage and summarises the whole story and the consequences that would follow.

Dont expect this airhead to understand sugaan iyo gabay, ileen dhaqan uma lehee. :lol:
Hollywood couldnt write such true story :lol:
Waa xigmad aan bacaad ku lisnay,the audience are goats.
User avatar
shiniile9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1271
Joined: Sun Feb 15, 2009 11:52 am

Re: Raage Ugaas

Post by shiniile9 »

new-york24 wrote:
hanqadh wrote:
Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo!
This last bit is epic from Raage and summarises the whole story and the consequences that would follow.

Dont expect this airhead to understand sugaan iyo gabay, ileen dhaqan uma lehee. :lol:
Hollywood couldnt write such true story :lol:
Waa xigmad aan bacaad ku lisnay,the audience are goats.
:lol: :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”