Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Oo Kawaramay Qorshaya

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Oo Kawaramay Qorshaya

Post by FBISOMALIA »

Puntlandi.com(Garowe);- Wasiirka Beeraha iyo waraabka Dawlada Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax ayaa kawaramay qorshayaasha wasaaradiisa iyo waxqabadka dhaw ee ay hiigsanayaan.

ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in ay balaariyaan dhul beereedka puntland iyo in la dhiirigaliyo dadka beeralaydaa ee ku dhaqan deegaanada puntland.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay gacanqabad balaaran ufidinayaan dadka hamigoodu yahay in ay sameeyaan dhul beereed waxaana uu intaa ku daray in ay kacaawinayaan dalagyada ay beeranayaan canshuur dhimis iyo waraabka oo ay kacaawindoonaan.

waxaa uu sidoo kale soo hadalqaaday wasiirka in ay diwaangalin usamayndoonaan Hay’adaha iyo Ururada ku shaqadaleh waraabka iyo beeraha kuna amrayaan in ay layimaadaan waxqabad iyo taakulaynta dadka beeralaydaa.

Eng. Maxamuud Xaaji Saalax ayaa sheegay in wasaarada ay jirto muda koobaan meelmarana haatan kabilaabayaan hadafkoodana uu yahay in ay waxqabad layimaadaan inta ay talada hayaan.

Bulshada Puntland iyo ganacsatada ayuu wasiirka kula dardaarmay in ay ku tashadaan dhulkooda beertaan kana waantoobaan in dalkale ay kalayimaadaan wax dhulkooda laga helayo.

Eng. Maxamuud Xaaji Saalax ayaa kamidahaa shaqaalihii wasaaradii beeraha iyo waraabka D/dhexe ee Somaliya waxaana sanadihii danbe kamidahaa qorbajoogta somalida waxbadana qabtay dhawaana waxaa uu kamidnoqday Golaha xukuumada puntland.

Puntlandi.com Garowe
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”