He will now realise he is no different from the O.G from Qalaafe or Dhagaxbuur so much for supporting Faroole's remarks last year,C/rashiid Maxamed Xiddig wasiir K/Xigeenka Isboortiga iyo arrimaha bulshada Dowladda KMG ayaa lagu xiray Magaalada Hargaysa. 17/2/2011
Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa maanta xabsiga dhigtay Wasiir K/Xigeenka Isboortiga iyo arrimaha bulshada Dowladda KMG ah Md. C/rashiid Maxamed Xiddig, kaddib markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Hargeysa.
Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay sheegtay inay baareyso ujeedada socdaalkiisa, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in Wasiirka uu taransit ku ahaa Garoonka diyaaradaha Hargeysa, halkaasi oo ciidamada ammaanka Somaliland ay ka kaxeysteen halkaasi.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Gaboose ayaa sheegay in xukuumadoodu aanay marnaba ogoleyn in xubnaha ka tirsan Dowladda KMG ah aanay ka soo degi karin dhulkooda, wuxuuna intaasi raaciyay in maxkamad la soo taagayo Wasiir K/Xigeenka ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay ay Maamulka Somaliland ay xabsiga dhigaan madax ka tirsan Dowladda Federaalka KMG ah, iyadoo xiritaanka Md. Xiddig ee magaalada Hargeysa uu ku soo beegmayo xilli dhowaan dalka Ingiriiska lagu soo gabagabeeyay shir ay ka wada qeyb galeen dhammaan maamulada ka jira Soomaaliya oo Somaliland ay ka mid tahay.
he has only one option now call Ilay.

