Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faroole Oo Puntland Ka Dhacay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faroole Oo Puntland Ka Dhacay

Post by EastAfrica »



Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dagaalka Kalshaale Oo Garowe Ka Dhacay


Image

Garowe (RBC Radio):- Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo dagaalka ka bilowday deegaanka Kalshaale ee gobolka Ceyn ayaa ka bilowday maanta magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Dadweyne farabadan oo ka careysan dagaalka ka socda deegaanka Kalshaale ayaa isugu soo baxay barxada weyn ee magaalada Garowe, halkaasi oo ay ka jeediyeen hadalo kulul oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dagaalka ka socda deegaanka Kalshaale.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale dowladda Puntland ku dhaliilay in ay gabtey daaficida shacabkeeda, waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ay ku weerarayeen Madaxda dowladda Puntland, gaar ahaan Madaxweyne xigeenka dowladda Puntland Gen, Cabdi Samad Cali Shire.

Banaanbaxayaasha ayaa dowladda Puntland ku dhiiri gelinayey in ay ka qeyb qaadato dagaalada ka socda ciidamada maamulka Soomaaliland iyo maleeshiyaadka deegaanka, waxayna soo jeediyeen in haddii aysa mas’uuliyiinta maamulku daafici karin dhulka iyo dadkaba in ay iscasilaan.

Ma aha banaanbaxii ugu horeeyay ee ay sameeyaan dadweynaha Magaalada Garowe, kaasi oo ay kaga soo horjeedaan dagaalka Kalshaale, waxaa horey banaanbaxayaal careysan oo ka soo horjeestay dagaalka Kalshaale lagu xiray magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Ma jirto ilaa iyo iminka hadal ay ka soo saartey dowladda Puntland dagaalka maanta ka bilowday Kalshaale iyo banaanbaxa looga soo horjeedo ee ka dhacay caasimada Puntland ee Garowe.

RBC Radio.
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faroole Oo Puntland Ka Dh

Post by EastAfrica »

Banaanbax looga soo horjeedo madaxda Puntland oo ka dhacay gaalkacayo.

puntlandnews24.com


Image

Banaanbaxa ayaa ka dhacay fagaaraha barxada Gaalkacyo, waxaana ka soo qeybgalay dadweyne aad u tiro badan iyo mas’uuliyiin xilal muhiim ah ka soo qabtey Puntland, waxgarad, aqoonyahano.

Wasiirkii hore Caafimaadka Dr.Bashiir Cali Biixi ayaa ka hadlay banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Siyaasada Puntland ayaa sheegey in uu ka xunyahay falalka amnidaro ee kajira magaalada Gaalkacyo,gacan dhaafka dawlada dhexe ee gobolka Mudug aysan kala tashan aqoonyahankiisa,Dagaalkii Kalshaale oo uu sheegey inay Puntland gabtay siyaasadeed isagoo sidoo kalena wax laga xumaado ku tilmaamay xarig ujaristii dawlada Puntland ay dhawaan xariga ugu jartay dawlada Kumeel gaarka ah,wuxuuna shacabka Puntland ugu baaqay inay aayahooda ka tashadaan islamarkaasna aysan u dulqaadan siyaasada madaxweyne Faroole oo uu kutilmaamay mid guracan.

Nabaddoon Yaasiin C/samad Cumar oo ka mid ahaa Waxgaradkii ka hadley fagaaraha banaanbaxa ayaa dadweynaha u sheegay in uu sito qori AK-47, ujeedada qorigaasi uu u qaatayna ay tahay amaan la’aan iyo nabadgelyo darro ka jirta gobolka Mudug, taasina ay sabab u tahay in maamulka Puntland uu ka seexday arimaha horumarinta gobolka Mudug.

Shacabka iyo siyaasiinta ka soo jeeda gobolka mudug ayaa aad iyo aad u dhaliilsan madaxda Puntland wax ka qabashada la,aanta Amniga Puntland waxayna aad u dhaliilayaal sida ay wax u socdaan waxayna cadeeyeen mowqifkooda ah in aanay u dulqaadan doonin waxaa ka socda waqtigan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa muddo 11 bilood ah aan dhaafin magaalada Garoowe in uu cirka uga duulo oo dalal dibadaha aado mooyee, waxaana ka taagan dalka Abaaro ba’an biyo la’aan ma jirto kaalin muuqata oo Dawladda Puntland ay ka geysatey Abaaraha marka laga yimaado in ay booqasho ku tageen meelaha qaarkood, Maamulka Somaliland oo ka faa’ideysanaya sida Puntland uga seexatey gar-gaarka Abaaraha ayaa la sheegaya in meelo badan oo kamid ah gobolada Sool iyo Sanaag ay kaalmooyin gaarsiiyeen

Dadweynihii banaanbaxa sameynaayey Waxayna aad uga xun yihiin dhibaatada lagu hayo shacaba ku nool Gobolada Sool iyo cayn oo aanay dowlada kaba hadlin qofkii ka hadlana xarig loogu bedelaayo ficilkiisa.

Wixii kusoo kordha kala soco puntlandnews24
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faroole Oo Puntland Ka Dh

Post by EastAfrica »

Magaalooyinka Puntland Malaga Yaabaa in ay ku fidaan Mudaharaadyada ka Soconaya Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe???

Waxaa maalintii 2aad galay dibad-baxyo aan wax rabshashado ah wadan oo ka kala dhacaya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, kuwaas oo ay soo abaabuleen dad magac ku leh deegaanka iyo ururada dhalinyarada.

Sanadkan cusub ee 2011ka waxaa aduunka looga aqoonsadaysanadkii isbedel doonka, iyadoo tiirarkii dictatooriyada lugaha loo siibay, waxaana dunida carabta ka hirgalay, isbedelo waaweyn oo aan xataa lagu riyoon jirin.

Waxaa todobaadyo qura xukunkii laga tuuray madax carbeed oo soo talinayey 30-sanadood sida madaxweynihii reer Masar Maxamed Xusni Mubarak, hogaamiyihii dalka Tuunis Zayn Al-Caabidiin Bin Cali, waxaa sidoo kale safafka ku soo jira wadamo kale oo carbeed sida Libiya, Baxrayn, Yemen iyo Jordan.

Magaalada Garoowe waxaa maanta ka soconaya dibad-bax ay dhigayaan dadweyne ka caraysan dagaalka Somaliland ku soo qaaday nawaaxiga Buuhoodle deegaanka loo yaqaan Kalshaale, kadib markii saakay lasoo sheegay in ciidamada Somaliland ku siqeen magaalada Buuhoodle, halka dowlada Puntland aysan wax ficil ah ka geysan dagaalka todobaadyadii u dambeeyey halkaas ka soconayey.

Garoowe oo ah magaalada loogu taageero badan yahay maamulka Puntland, hadana shacabka magaalada kama hor istaagin in ay dareenkooda carada leh ku muujiyaan gardarada iyo duulaanka lagu hayo shacabka reer Sool iyo Cayn.

Dhanka kale, Magaalada Gaalkacyo oo maalmahan ay hareeyeen dibax-baxyo lagu dhaliilayo maamulka uu hogaamiyo madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa si habsami leh uga socda fagaaraha barxada magaalada Gaalkacyo oo loo bixiyey (Taxriir Square)

Hadaba waxaa is weydiin leh maxaa lagu dhaliilayaa, ama ka qaylisiinaya dadweynaha reer Gaalkacyo, oo iyagu laf-dhabar u ah jiritaanka iyo midnimada DGPL.

Dr. Bashiir Cali Biixi oo subaxnimadii saakay bayaan ka hor akhrinayey dadweyne isugu soo baxay fagaaraha barxada magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa qodobada uu ku sheegay khatarta kusoo wajahan reer Puntland iyo kuwa soo marayba ku soo bandhigay qodobo gaaraya ilaa 14-qodob:-

1-Nabadgelyadii iyo fawdadii oo gaartay meel halis ah sababtayna in magaalooyinka qaarkood laga qaxo sababtoo ah :

A. Waxaa la dilay waziir,Xildhibaano,Gudoomiyeyaal Maxkamadeed,Garyaqaano Maxkamadeed,Ganacsato Puntland Caan ka ahaa,Madaxdhaqameedyo iyo wax garad kale.

Dilalkaas wax talaabooyin ah kama qaadin xukuumaddu,cid falalkaasi fulisay ama geysatayna lama yaqaan,balse waxaa qaarkood lagu tuhunsanyahay ciidamada dowladda .

B. Magaalooyinka qaarkood oo aan awoodii dawladeed gaarin kana jirin xukunkii iyo dhaqaalihii oo aan baahsanayn loona sinnayn.

2. Gobolka Sool iyo Cayn oo xukuumaddu Gebi ahaanba albaabada ka xiratay taasoo u eg inay siyaasadda dowladdu tahay in goboladaas lagu riixayo kamid noqoshada Somaliland

3. Xildhibaano kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn oo si sharci darro ah looga saaray golaha baarlamaanka iyadoo aan loo marin wax sharci ah.

4. Isimada Puntland oo ah Marjaca loo noqdo oo laga saaray dastuurka xukuumadduna u aragtay inay yihiin odayaal aan waxba ku fadhiyin .

5. Waxaa lasameeyay maxkamad sharci darro ah oo xukumaysa ilaa Dil sidii maxkamadii badbaadada ee Kacaankii 21October ansixinteedana ay diideen Golaha wakiiladu hase yeeshee shaqadeedii iska wadata iyadoo aan haysan wax xeer ama sharci shaqo ah.

6. Go,aankii xukuumaddu gaartay ee lagu joojiyay wadashaqaynta TFG wuxuu ka soo horjeedaa Qodobka afaraad ee dastuurka Puntland waxaana loo qaadan karaa in loo sii gogol xaarayo Goosasho .

7. Xukuumadda iyo golaha wakiilada puntland oo mudadii xil haynta ku kororsaday Hal Sano, taasoo aan waafaqsanayn nidaamkii iyo habkii lagu doortay, Madaxwaynaha,M/ku xigeenka iyo golaha baarlamaanka waxaa 08.Jan.2009 loo doortay loona dhaariyay in ay xilka haynayaan muddo 4sano ah Go,aanka ay gaareen ee muddo Kororsiga ahina waa xaaraan sharci darro ah,Keenina kara isku dhac iyo iska hor imaad dhexmara beelaha Puntland wada dhistay.

8. Xukuumaddu waxay heshiis qarsoodi ah la gashay Saracen International iyadoo aan la marsiin Golaha wakiilada oo Sharci ahaan u leh ogolaanshaha Heshiisyada lala Galo shirkadaha Shisheeyaha ee ka Hawl galaya Puntland .

9. Shirkadda Saracen iyo heshiiska lala galayba waxaa cambaareeyay caalamka oo dhan .

10. Saracen International iyada iyo madaxdeeduba waxay caan Ku tahay Maleegidda Dilal Qorshaysan, madaxdeedu waxay ka soo jeedaan ciidamadii calooshood u shaqaystayaasha ahaa ee Dowladdii midab takoorka ee South Afrika hawlaha ay fuliyaana waxaa kamid ah Boobka khayraadka dalka sida Macdanta,Kaluunka IWM.

11. Canshuur barar 300% kaasoo dhalay:

-Qax Labeentii Baayac Mushtarkii PLS

-Furaskii shaqada Private Sector-ka oo yiraaday

-Amni-xumadii oo korortay

-Tahriibta Dhalinyarada Reer PLS oo aad u siyaadday

-Xag-jirnimada oo xoogsatay

12. Waxaa jabay Qaab-dhismeedka Dastuuriga ahaa ee Ciidamada PLS, iyadoo aan loo marin hab sharci ah.Taassoo sii wiiqday ciidamada Amniga (oo awalba horay u liitay), markii la hoos geeyey Ciidanka Asluubta!

13. Xabsiyadii oo buux dhaafay iyadoo aan la fulin Go’aamada Maxkamadda.

14. Iyadoo si cad loo caburiyay Saxaafadda iyo Xoriyatal-Qawlkii Dastuuriga ahaa oo cidina aysan tilmaami Karin dhaliilaha Dawladda.Saasna ay qaar xabsiyo ku mutaysteen.

Dhinaca kale Warar kale ayaa xaqiijinaya in ay dhaci karto in maalmaha fooda inagu soo haya aya dhacaan dibad baxyo kale oo dadweynaha Puntland ku dalbanayaan isbedel deg deg ah iyo wax ka qabashada arrimaha amaanka, abaaraha, dhaqaalaha, canshuuraha la leexiyo, iyo waliba siyaasada.

Magaalooyinka ay dhici karto in dadku isugu soo baxaan, si ay u muujiyaan heerka ay ka taagan yihiin maamulka Puntland iyo waxqbadkiisaba waxaa ka mid ah Buuhoodle, Garoowe, Boosaaso, Qardho, Carmo, Baran, iyo Dhahar.

Madaxweynaha dowlada Puntlland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa muddo ku dhow hal sano aan booqan magaalooyin ka tirsan Puntland sida Gaalkacyo Qardho iyo Boosaaso oo aan wax masaafo fog ah u jirin xarunta dowlada Puntland ee Garoowe.

Maamulka Puntland ayaa mudada jiritaankooda ku darsaday hal sano, iyadoo laga cabsi qabo in ay taasi keento qalaanqal siyaasadeed marka uu Dr. Faroole dhamaysto laba sano kadib oo ay ugu egtahay afartii sano ee lasoo doortay.

Lama hubo in madaxweynaha Puntland uu u dheg raaricin doono dalabka iyo qayla dhaanta kasaoo yeereysan magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale la ogayn in uu booqan doono gobolka Mudug oo ay ka jiraan xaalado amaan xumo oo aad u qalafsan.
RSSComments (4)
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faroole Oo Puntland Ka Dh

Post by EastAfrica »

Mudaaharadyo Ka Dhacay Garoowe iyo Gaalkacyo

Waxaa maanta isugu soo baxay dariiqyada waaweyn ee magaalada Garoowe shacab mudaaharaadaayey kuwaas oo ka cabanaayey sida xukuumadda Puntland ay afka iyo gacantaba uga xiratey colaada Somaliland ka wado gobolka Cayn.

Dadka mudaaharaadaayey oo u badnaa haween, dhalinyaro iyo caruur ayaa socod ku maray jidka ee laamiga ah, ma jirin cidkatirsan xukuumadda iyo baarlamaanka Puntland oo la hadashey, Shacaba mudaaharaadka ka dhigaayey caasimadda Puntland ayaa ugu baaqey maamulka Somaliland in ay joojoyaan dagaalada gardarada ah ee ay ka wadaan gobolka Cayn, waxaana mudaaharaadku ku soo dhamaadey si nabadgelyo ah.

Gaalkacyo

Dhanka kale Mudaharaad ka balaaran kii shalay ayaa markale ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, Mudaaharaadka ayaa waxaa soo abaabuley urarada dhalinyarada ee gobolka Mudug, waxaana ka soo qaybgalay siyaasiyiin uu kamid ayhaya Faarax Cabdi Doorshe oo horey u ahaan jirey wasiiru dawlaha amniga Puntland iyo Wasiirkii hore ee Caafdimaadka Dr.Bashiir Cali Biixi.

Shacabka mudaaharaadka dhigaayey ayaa ku dhaliilay xukuumadda Dr.Faroole in ay ka gaabisey balanqaadkii bulshada iyo hankii loo qabey, waxa ay canbaareyn dusha uga tuureen in xukuumaddu aysan waxba ka soo qaadin colaadda iyo dagaalada Somaliland u tafaxaydatey ee ay ka waddo Gobolka Cayn.

Mudaaharaadayaasha ayaa sidoo kale ka cabanaaya in xukuumaddu ay kor u qaadey canshuuraadka dalka laga qaado iyada oo aan waxba kaga qaban arimaha amaanka gaar ahaan gobolka Mudug oo ay adagtahay in Gaalkacyo si nabadgelyo ah lagu seexdo.

Dadka mudaaharaadaayey ayaa canbaareyn dusha uga tuurey maamulka Somaliland, waxaana ay ku tilmaameen Madaxweynaha Somaliland in uu yahay dagaal ooge kaas oo shacab badan oo u dhashey gobolka Cayn ku xasuuqey deegaanadoodi.

Si kastaba ha ahaatee waa markii labaad oo magaalada Gaalakacyo uu ka dhacay Mudaaharaad, Xukuumadda Puntland ayaan iyadu weli si toos ah uga hadal mudaaharaadka iyo waxa shacabku ka cabanaayo, marka laga reebo maamulka Gobolka Mudug oo ku tilmaamey dhawr nin oo Makrafoon meel la istaage, Xaaladdu dalku ku jiro ayaa ah mid aad u qalafsan waxaana dadka hal mar ay wada kulaalayaan Abaar, biyo la’aan iyo Colaad is huwan.
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faroole Oo Puntland Ka Dh

Post by EastAfrica »

THANK YOU, People of Puntland for supporting People of SSC and NOT Warlord Faroole :up: :som: :up: :som: :up: :som:


Finally, People of Puntland woke up and realized that Warlord Faroole doesn't care about people of SSC


:som: :up: :clap: :som: :up: :clap: :som: :up: :clap: :som: :up: :clap: :som: :up: :clap: :som: :up: :clap:
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faroole Oo Puntland Ka Dh

Post by Cirwaaq »

Faroole cannot afford to be associated with the conflicts in SSC, not because he is not involved but because he cannot afford to show his support. He was chosen as the leader and leaders must at times think of the greater picture. The greater picture is SSC was created in Pland following the conferences after 2007 loss of laascaanod. What was agreed at that time was for puntland to appear neutral and not show any involvement even if the battle was lost. Infact Puntland has permission to appear negative towards SSC and call them terrorists. If puntland was to change it's approach now it will cost it dearly in many ways. Already facing the PIRACY allegation, The Genocide in GalGala land grabbing exercise now add creation of a PROXY-WAR in a stable part of the horn of africa. This would spell doom for the foreign policy of the Pland admin and would certainly loose them any chance of every dominating the seat of power in Somalia ever again.

Faro ole ole ole Long live the old man he has Pland in his heart, Replace him and you will surely end the existence of Pland and wash away all the progress made in the last 12 years.

Politics is a game without conscience, that is why you do not and will not understand Farology :D

Faroole is a good man :up:
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: Banaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faroole Oo Puntland Ka Dh

Post by EastAfrica »

Shacabkamedia

SSC ayaa ka dambeysay Mudaaharadkii Gaalkacyo:Guduumiye-xigeenka Golaha Deeganka ee Gaalkacyo Axmed Muuse Nuur



Mas’uuliyiinta maamulka degmada Gaalkacyo ayaa ka hadley dibadbaxii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana eeda dibadbaxaasi ay dusha u saareen hoggaanka SSC.
Gudoomiye xigeenka Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in dibadbaxii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee looga soo horjeeday siyaasada dowladda Puntland ay soo agaasimeen dad dano gaar ah wata, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka mid yihiin hoggaanka SSC ee ka dhisan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
“Waxaa maanta banaanbaxii lagu qabtey Gaalkacyo ka hadley xubno SSC ka tirsan, waan ognahay waa dambiilayaal doonaya in ay wadanka iyo dadka kala ququbaan, waxayna doonayaan in ay Puntland kala go’do, mana aha in ay Gaalkacyo ku soo gabadaan oo ay banaanbaxyo ka sameeyaan” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Muuse Nuur yare.
Xildhibaanku waxaa uu sidoo kale beeniyay eedeymo dibadbaxayaashii maanta ay u jeediyeen mas’uuliyiinta Puntland sida Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole.
Ugu dambeyn Gudoomiye xigeenka Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa ka digay banaanbaxyo dambe oo laga qabto gudaha magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in ay gacanta ku dhigi doonaan ciddii dambe ee isku dayda in ay banaanbax qabato.

Rbc-Shacabkamedia
Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”