Maleeshiyaadka SNM oo Dagaalkii maanta ku Hoobtay{Warbixin}
Dagaalkii culusaa ee maanta ka dhacay Kalshaale, Hagoogane iyo Maygaagle, ayaa wuxuu sababay kahsaare Lixaadleh oo loo gaystay maleeshiyaadkii saaka ka soo duuley labada Aag.
Maleeshiyaadka SNM , ayaa waxay sooo qaadeen dagaal loogu magacday Jabkii ugu weynaa ee Waqooyi galbeed, kaasoo maanta sida baalaleyda ay ugu daateen difaaca ciidamada deegaanka SSC, Ciidamada gobolka Cayn difaacaya oo ah kuwo isku dhaarsaday difaaca dalkooda iyo dadkooda aya ajilibka u Aasay maleeshiyaadka SNM ee kaalmaysanaya beelaha dega maamulka uu horboodo Dagaal ooge Siilaanyo.
Weerarkii hore oo ay salaadii subax ku ekeeyeen Maygaagle, ayaa waxaa kaga dhacay jab lixaadleh, kaasoo ay dhabarka iskui saareen ciidamada SSC, oo u muuqdey kuwo aan Libiqsaneyn marna.
Taliyaha guud ee ciidanka qaybta Lugta Col: Faarax Nadiif Aadan Hawd ayaa sheegay in wacdarada lagu dhigay maanta maleeshiyaadka SNM, aysan weligood ilaawi doonin, Col: Cabdullaahi Weerar oo asaguna ah Taliyaha qaybta madaafiicda iyo abaabulka Guud ee Ciidanka ayaa asaguna wuxuu noo xaqiijiyey inuu indhihiisa saaray in ka badan 26 Mayd oo ay ka carareen maleeshiyaadka SNM.
Labada sarkaal oo markaas ka soo baxay jiida ay ku jiidheen SNM, ayaa waxaa hadalkooda ka muuqday kalsooni weyn iyo sida ay uaga Xarago qaateen maleeshiyaadka Soo duuley.
Sidoo kale waxaa jira maxaabiis dhaawac ah oo laga qabtay maleeshiyaadka Siilanyo ee soo doontay dhimashada iyo xabada kulul ee Reer Caymeed, waxaana hada lagu daweenayaa cusbitaalka daryeel ee magaalada Buuhoodle. Waxayna sheegeen mas’uuliyiintu inay si wacan u dabiibi doonaan waxii ay dhawaac ahaan ku qabtaan,
loolana dhaqmi doono si bini’aadanimo leh, Warar aanu ka helanayo dad qaraabo ah oo ku sugan Burco ayaa xaqiijinaya in dhawaac gaadhaya 80 ruux lagu daweynayo Cusbitaalka magaalada, halka magalada Qooriligudna lagu Aasay 13 Mayd ah, ayagoo Aagagii dagalkana kaga firxaday 26 Mayd. Kuwaasoo Hagoogane ay ku Aaseen ciidamada Xaq u dirirku si aanu Bahalku u cunin.
Jabka ku dhacay SNM oo ah koox asalkoodu yahay dagaal doon, isla markaana ku xajiimooda nabada, ayaa waxaa laga garanayaa sida ay xataa u awoodi waayeen inay maydkooda Daad guraystaan.
Dhanka SSC, waxaa ka shahiidey 1 Askari halka ay ka dhaawacmeen 3 ruux oo dhamaan dhawacoodu fudud yahay, waxaana hada lagu daweenayaa Cusbitaalka Buuhoodle, ciidamada deegaanka ee Buuhoodle ayaa waxay wacad ku mareen inay dhulkooda difaacayaan inta Taako ka mid ah ay ku jiraan maleeshiyaadkaasi.
Wararkii ugu danbeeyey waxay sheegayaan in dagaalkii qaboobey hada, isla maerkaana la quusiyey maleeshiyaadkii duulaanka ahaa, kuwaasoo ku riyooda inay yihiin ciidan dawladeed.
Idoors & Warlord Siilyanyos Militia Beat back!!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- EastAfrica
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1371
- Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
- Location: Las Anod, SSC-SOMALIA
Re: Idoors & Warlord Siilyanyos Militia Beat back!!
Idoor snm militia suffered the second defeat with less than one month, Masha ALLAH SSC Army are victorious
Idoorkii mar labaad baa lagu jabiyey Kalshaale,iyo Hoogane, dhirbaaxo kulul baa heshay, oo dhagtaa dhiig loo daay

Idoorkii mar labaad baa lagu jabiyey Kalshaale,iyo Hoogane, dhirbaaxo kulul baa heshay, oo dhagtaa dhiig loo daay

- EastAfrica
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1371
- Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
- Location: Las Anod, SSC-SOMALIA
Re: Idoors & Warlord Siilyanyos Militia Beat back!!
Khasaare Lixaadleh Oo Loo Geystay Maleeshiyada Somalidiidka
Buhoodle,(Lasanod Online)-Iyadoo Dagaalkii maanta uu soo gaadhay 6-dii maqribnimo ayaa waxaa sii badanaya dhaawacyada lagu daad guraynayo magaalada burco
oo la sheegay in dhaawaca galabta la geeyay ay gaarayaan 30 askari oo ka tirsan maamulka somaliland
Saaka hal mar ayaa 3 jiho ciidamada somaliland weerar kaga soo qaadeen ciidamada degaanka Buhoodle kuwaasi oo is difaacid adag halkaasi ka sameyeey,waxaana ciidamada degaanku dib u riixeen ciidamadii somaliland ee halkaasi soo weeraray.
Sarkaal u hadlay ciidamada degaanka Buhoodle oo galabta khadka telefoonka ugu waramay xafiiska lasanod Online ee magaalada Buhoodle ayaa shaaciyey inay ciidamadoodu dagaaladaasi guulo ka gareen isla markaasna ay ciidamadii somaliland ee weerarka soo qaadey dhaafiyeen meelihii saaka laysku haystey.
Qasaaraha soo gaarey ciidamada degaanka buhoodle ayaa la sheegeyaa inuu kooban yahay,waxaana la xaqiijiyey laba ruux oo geeriyoodeey & dhaawaca 4 kale oo o fuduud isla markaansa lagu daaweynayo cusbitaalka magaalada Buhoodle.
Sidoo kale sarkaalkaasi waxaa uu sheegey inay gubeen dhawr gaari oo nooca dagaalka iyo mid xaragada ah oo uu lahaa sarkaal sare oo si weyn looga yaqaano Gobollada Somaliland kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Kaahin,waxana uu sheegey in lagu muransan yahay inuu gaarigaasi ku naf waayey sarkaalkaasi balse aan la xaqiijin karin.
Xafiiska Wararka Lasanod Online.
Laascaanood Somalia

Dagaalkii ugu adkaa ee ay soo qadan Ciidamada S/land iyo beesha Isaaq oo saka ka dhacay Hagogane Maygagle oo Soconayay in ka badan 12 Saacadod halkana ay ku Shufbelen kumanan Ciidamada huwanta Naf iyo Maalba Xalaada Degaanadasna ay hada degan tahay, gacantana ku hayan cidamada xaq ku dirirka dhulbahante
Dagaal ba’an oo faraha lagaga gubtay ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay deegaanadii horelaysugu hor fadhiyay deeganadaas oo ay kamid ka yihiin Hagoogane iyo Maygaagle
Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday Ciidamada Soomaaliland iyo Beesha isaaq,
Subaxnimadii hore ayay ahayd markii ay Ciidamadaa S/land iyo Malayshiyo beeled beesha isaaq.
oo ku midoobay sidii ay Ula wareegi lahaayeen dhamaanba Deeganada SSC.
Dagaalkas oo ay dhowr jaho ka soo galeen Ciidamadaas huwanta,
ayaa waxaa uu sitoosa uga bilowday Maygaagle iyo Hagoogane oo ay ugu tala galeen inay si dhaso uu gacantooda ku galo.hadaba waxaa halkaa xaadir ku ahaa Ciidamada xaq ku dirdirka ah ee dhulbahante oo ayagu diyaar u ah inay Difaacan dhamaanba Deeganadooda.
Dagaalkan ayaa waxaa uu sitoosa u socday mudo kabadan 10 saacadood khasaaraha rasmiga illaayo hada laga xaqiijiyay Dagaalkaasi ayaa dhinaca deeganka g/cayn ee ciidamada dhulbahante ee xaq ku dirirka ayaa waxaa xaqiiqadiisa ay tahay in dhimashada ay tahay 5 halka dhawaca uu yahay 6,
Dhanka kale ee ciidamada S/land iyo kuwa beesha Isaaq oo aan yagu guud ahaanba u kala hadhin weerarkan saaka ayaa waxaa uu yahay dhimashada ciidamadas hagoogane kaga yaacen waa 7 halka 12 kamida ay qaaten sidoo kale waxaa goobtaasi si rasmiya looga gubay 4 gaari oo yagu 3 kamida ay tahay nooca looyaqaano tiknikada halka ka kale uu ahaa nooca xamuulka,
Xaalada dagaalkan ayaa waxaa uu noqday kii ugu Weerarka badnaa ee Ciidamadu Somaliland soo qadaan iyaga oo ilaayo hada waxa ay qabsadeena uu san jirin maadama ay ku tala galeen inay si buuxda ula wareegan deeganada Hagoogane iyo Maygaagle iyo baliga kalshaale taasina waxaa ay noqotay tasababtay in uu dagaalkani socdo mudo ka badan 10 saacadood,
taasina waxaa dhalisay in uu khasaaraha Ciidamada huwantaa farbato maadama ay weerar ahaayen.xaalada deeganadasi ayaa waxaa ay tahay mid dagan hada maadama oo ciidamadaas
laga safeeyay ciidamada huwantaa,
dhanka kale Ciidamada xaq ku dirirka ee Dhulbahante ee ka dagaalamaya deegankasi ayaa waxaa ay nidar ku mareen inay ladin CiidamadasIyo beeshoduba.
hadaba waxaa noo suurta gashay inaan waraysi lasayno qaar kamida saraakisha ciidamada xaq ku dirirka ah oo lagu Magacaabo Tuur ayaa waxuu sheegay inay ku qanaca san yihiin dagaalka kuna farax san yihiin diyaarna uyihiin inay wadayaan inta ay deeganadaas ku jiraan sool sanaag cayn. waxaa kale uu sheegay sarkaalkani inay ciidamadaas huwantaa ee saaka dagaalka soo qaaday ay la kulmeen jab iyo halaag,
hadaba dagaalkan ayaa waxaa uu eg yahay midaan soo dhamaanayn inta ay deeganada ssc ku jiraan Maamulka S/land iyo beesha Isaaq ee dhuldoonka iyo aarsi doonka ah,
waxii wararna ee soo kordha kala soco hadii Alle idmo Warbaahinta Boocame.com
Xamse Geelle
Buhuudle,SOOMAALIYA

Dagaalkii Labaad ee lagu jabiyay Maamulka SNM
Dagaalkii maanta ay soo qaadeen Ciidamada SNM ayaa waxay ka soo galeen sadex jiho oo ay hubkoodii oo dhan soo galiyeen.
Waxayna dagaal ku bilaabeen Labo BM oo laga soo qaaday magaalada Hargaysa, iyaga oo doonaya illaa buuhoodle in shuf kaga dhigaan waxa duunyo u dhaxaysa kalshaale illaa iyo buuhoodle, waxayna wadeen qorshe ah in Ciidamada lugtu ay ka danbeeyaan Gawaadhida gaashaaman ee BMka, balse arinkaas waxaa ka diiday Ciidamada deegaanka SSC oo la soo baxay sadex BM oo qayladooda laga kala cararay, Waxaana meesha ka dhacay “War nuux taani maxuu lahaa meesha BM ma yaalo”. Waxaana halkaas ku shufbeelay Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Ciidamada SNM.
Dhanaca qasaaraha dagaalkan ayaa ahaa mid aad u baaxad wayn oo Maamulka SNM uu ka qarinayo Shacabkiis waxii kaga soo dhacay kalshaale maanta iyaga oo u sheegay saxaafada Hargaysa inaysan wax sakari ah kaga dhiman dagaal, balse afar dhaacawa uu jiro. Laakiin waxaa jira xaqiiqo ah oo widhwidh online ka heshay deegaanka kalshaale, waxaana maygaagle lagu aasay 16 ka mid ciidamada snm ee halkaas ku hoobtay, mar aan xidhiidh la samaynay Magaalada qorulugud ayaa waxuu noo xaqiijiya nin kani oo ka mid deengaan in halkaas lagu aasay 9 qof oo ragii ku dhintay dagaalkaas maanta ka dhacay maygaagle, Hagoogane iyo SoolJoog.
Wariyaha Burco ku sugan ayaa waxuu kale oo noo xaqiijiya in dhaawac tiro badan la keenay cusbitaalka Guud ee magaaladaas isaga oo sheegay in shacabka reer burco ay aad u kacsan yihiin, waxay ku sheekaysanayaan War Buuhoodle Lascanood meey ka wayntahay mise way ka baalaysantahay.
Guud ahaan Ciidamada deegaanka SSC ayaa waxaa soo gaadhay qasaaro kooban oo dhaawaca uu yahay 4 askari, waxaa kale meeshaas ku dhinta 5 ka mid ah ciidamada deegaanka ssc sida uu Wariyaha Radiowidhwidh ee jiida hore ku sugan u xaqiijiyay.
Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada deegaanka SSC ee buuhoodle ayaa sheegay inay ka gubeen gawaadhi, kana qabsadeen gawaadhida tiknikada loo yaqaan, waxaa kale oo uu sheegay inay ka qabsadeen maxaabiis isaga oo iydhi waxaanu saxaafada u soo bandhigi doonaa dhaqso. Waxaase kaloo arinkaas noo xaqiijiyo Wariyaga ku sugan gudaha Buuhoodle.
Guud ahaan Jabka maanta ku dhacay Ciidamada SNM ayaan wali la yaaban dagaalka maanta lagu soo jabiyay, Waxaana caawa magaalada Hargaysa ka soo baxay Taliyihii Ciidamada SNM Nuux taani oo dhag la qabtaa aysan jirin isaga oo aad ugu naxsan waxa ku dhacay Ciidamadiis ugu geesisanaa oo muddo sadex sanno ka hor uu ku qabsaday magaaalada Lascanood.
Waxaa la sugayaa bal waxa uu ku soo kordhiyo Nuux taani oo muddo Labaatan sanno ah aan wax dagaal ah galin, balse qaad uu aad u dilay isaga oo Cardka uu cayaarayo ay la yaaqaaniin Col Faarax Nadiif oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada deegaanka SSC.
Isku soo waduub Waxaa hada biloowday wajigii sadexaad ee dagaal uu hogaaminayo Col. Nuux taani innuu dhici doono saacadkasta soo socota, maadaama illaa hada la’ayahay Maxmed Kaahin oo gaadhigiisii Madfac uu ku dhacay.
AH KA FOGAAN RADIOWIDHWIDH,

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 298 Views
-
Last post by Nabel
-
- 4 Replies
- 43 Views
-
Last post by zidane88
-
- 4 Replies
- 11013 Views
-
Last post by zidane88
-
- 8 Replies
- 596 Views
-
Last post by samadoon-waaxid
-
- 11 Replies
- 3174 Views
-
Last post by Adali
-
- 1 Replies
- 678 Views
-
Last post by Somaliman50
-
- 38 Replies
- 3117 Views
-
Last post by AbdiWahab252