15/2/2011 JWXO waxay weerar mir ah ku qaadeen Xero ciidan oo gumaysigu ku leeyahay duleedka Jigjiga xeradaas oo la yidhaahdo Garab-Case ayaa cagta la mariyay waxaana la burburiyay dhimayaashii xeradaas si aad ahna waa loo garaacay khasaaraha cadowga halkaas ku gaadhay wali faahfaahin lagama helin dib ayaanan ka soo gudbin doona.
16/2/2011 ayay CJWXO weerara balaadhan ku ekeeyeen ciidanka cadowga oo ku sugnaa meesha lagu magaacbo Haro-Hawd oo Degmada Qabribayax ka tirsan waxaana halkaas lagu burburiyay saldhigii uu ciidanka gumaysigu daganaa, warku wuxuu intaas raacinayaa in ciidanka cadowga khaare culus loo gaystay lagana furtay hubka & qalab ciidanka noocyadiisa kala duwan.
CJWXO ayaa 12 & 15/2/2011 weeraro ku calculus ku qaaday xero ciidan oo Askarta gumaysigu ay Degmada Guunagado oo Gobolka Jarara katirsan kadaganaayeen waxaana halkaas loogu gaystaya khasaare naf & maal isugu jira waxaana si aad ah loo burburiyaya xeradaas & wixii yaalay.
15/2/2011 meesha loo yaqaano Laab oo Gobolka Shabeelle ka tirsan ayay CJWXO Askarta gumaysiga ku weerareen waxayna gaadhsiiyeen khasaare laxaadleh oo aan halkan lagu soo koobi karin.
15./2/2011 waxay CJWXO weerareen saldhig uu ciidanka gumaysigu meesha loo yaqaano Ina Samriye oo Jigjiga ka tirsan saldhigaas oo amin subax hore ah la weeraray ayaa gabi ahaan gacata CJWXO galay iyagoo halkaas ka urursaday raashin, hub, rasaas, daawo & qalab kale oo aan la soo koobi karin CJWXO ayaa markii ay in mudo ah xeradaas haysteen iskood uga baxay.
17/2/2011 CJWXO waxay weerar ku qaadeen ciidanka gumaysiga oo ku sugnaa meesha loo yaqaano Qoraan oo Qabribayax ka tirsan waxaana halkaas cadowga lagaga dilay 1 Askari 2 kalena waa laga dhaawacay sidoo kale hub faro badan ayaa laga furtay.
Isla 16/2/201 CJWXO waxay weerar qorshaysan ku qaadeen meesha loo yaqaano Mooyaha oo Gobolka Jigjiga ka tisran waxaana cadowga halkaas lagaga dilaya 17 waxaana laga dhaawacay 12 iyadoo laga furtay hub faro badan & saanad ciidan oo aan la soo koobi kari.
17/2/2011 CJWXO ayay CJWXO weerar ku qaadeen meesha layidhaahdo Araarso oo Qabribayax ka tirsan waxaana cadowga dagaalkaas lagaga dilay 11 waxaana laga dhaawacay 32 sidoo kale waxaa laga furtay hub & qalab ciidan oo aad u badan.
17/2/2011 waxay CJWXO weerara ku qaadeen ciidanka gumaysiga oo ku sugnaa Galaalshe oo Jigjiga ka tirsan waxaana halkaas cadowga lagaga dilay 9 Askari iyadoo laga dhaawacay 11 waxaana laga dul qaaday qalabkii & hubkii ay wateen oo aan la soo koobi karin.
17/2/2011 CJWXO waxay weerar ku qaadeen ciidanka gumaysiga oo ku sugnaa meesha loo yaqaano Dhabileey oo Galaalshe ka tirsan waxaana halkaas cadowga lagaga dilay 7 Askari waxaana laga dhaawacay 9 sidoo kale waxaa laga qaatay hubkii & saanadii ay haysteen oo nooc walba ah.
18/2/2011 CJWXO waxay weerar qorshaysan ku qaadeen ciidnka gumaysiga oo ku sugnaa meesha loo yaqaano Garsaaley oo Gobolka Jigjiga ka tirsan waxaana lagu gaadhsiiyay khasaare aan la faahfaahinin oo naf, maal & qalab isugu jira.
17/2/2011 CJWXO waxay weeeraro ku qaadeen labada meelood ee loo yaqaano Fariiqa & Garsa oo Baabili kawada tursan waxaana cadowga loogu gaystay khasaare aan wali faahfaahintiisu na soo gaadhin, isla maalinkaas ayay CJWXO weerar kaas la mid ah ku qaadeen Lehelow oo Gobolka Doollo ka tirsan waxaana cadowga lagaadhsiiyay khaaare ba’an oo faahfaahiuntiisa dib aanu ka soo gudbin doono Insha Allaah.
Isku soo duuboo dagaalada & weerarada ay CJWXO Askarta habawag ah ee gumaysiga ku asqaynayaan ayaa maalinba maallinta ka dambaysa sii xoogaysanaya dhanka kalana waxaa isa soo taraya khalkhalka & is aamini waaga ciidamada gumaysiga dhexdooda ka jira taas oo keenatay in ay tabar yaraadaan dhufaysyada ka soo bixi waayaayn weeraraduna ay ka joogsan waayaan.
Xigasho: Qorahay Online
ONLF sweeps across Jigjiga this week.
- hanqadh
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2786
- Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
- Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!
ONLF sweeps across Jigjiga this week.
-
ina aadan
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3629
- Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
- Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
Re: ONLF sweeps across Jigjiga this week.
Guutatii araarso iyo galbeedka dhagaxbuur ka dagaalaymaysay miyaa cagta marisay.
Guul iyo gobonimo.
Guul iyo gobonimo.
- Hard-Rock
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1419
- Joined: Sat Nov 18, 2006 8:16 pm
- Location: Azania state of Somalia
Re: ONLF sweeps across Jigjiga this week.
They should have hit Jeel Ogaadeen and release all those innocents prisoners.
JWXO
JWXO
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 34 Replies
- 6843 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 3 Replies
- 610 Views
-
Last post by sadwiil
-
- 18 Replies
- 2512 Views
-
Last post by Django
-
- 26 Replies
- 2186 Views
-
Last post by ahmed_gurey
-
- 2 Replies
- 779 Views
-
Last post by Oxidant
-
- 3 Replies
- 1452 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 18 Replies
- 1787 Views
-
Last post by new-york23
-
- 22 Replies
- 2186 Views
-
Last post by zidane88
-
- 1 Replies
- 442 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 2 Replies
- 978 Views
-
Last post by balwarama