War Today ( Somaliland VS Puntland TODAY
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: War Today ( Somaliland VS Puntland TODAY
Punaniland didnt even dare to pass Tukaraq 

- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: War Today ( Somaliland VS Puntland TODAY
baal igaaLiQaaye_TDH wrote:Punaniland didnt even dare to pass Tukaraq

man we take lasscound airport without one bullet and you talking a city was under our comment long time ago

just keep your defend stations in lasscound and don't run like chickens like 2003

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: War Today ( Somaliland VS Puntland TODAY
at least siiland nasty flag we put it down and replace it with puntland flag for the first timeLiQaaye_TDH wrote:airport?

- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: War Today ( Somaliland VS Puntland TODAY
Ciidamada Taliska somaliland ee laascaanood oo saldhigyo Meleteri ka dhigtay duuleedka iyo buuralayda Magaaladaas
Warar kala duwan oo naga soo gaadhaya Magaalada laascaanood ee xaruunta Gobolka sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Somaaliland ay dib u soo galeen Magaaladaasi, isla markaasna ay xaruumo Ciidan oo hor leh ay ka samaysteen buuralayda ay magaaladaasi caanka ku Tahay.
Mid ka mid ah dadka sida aadka ah ugu xeel dheer arimaha dhaqdhaqaaqyadaasi ka socda Laascaanood oo Magaciisa ku soo koobay Zaki ayaa ii xaqiijiyey in socod Meleteri ay dib u bilaabeen Ciidamada Maamulka soomaaliland ee mudada halkaasi ku sugnaa.
Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in shacabka Magaalada laascaanood ay shucuurtoodu aad u kacsan tahay kadib markii halkaasi laga dareemay dhaqdhaaqyo Ciidan oo ay bilaabeen Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaliland oo labbada dhinac Magaaladaasi ka kala jooga.
Zaki oo aan wax ka waydiinay shucuurta shacabka ayaa ii sheegay in ay jiraan kacsanaan heerkeedo sareeyo oo ay bilaabeen dadka ku dhaqan laascaanood, kuwaasi oo ka soo horjeeda Taliska Maamulka soomaaliland ee halkaasi jooga.
Arintaani ayaa ku soo beegmaysa xili deegaano ka Tirsan dhulka la isku yiraahdo SSC qaybo ka mid ah ay ka socdaan saan saan colaadeed iyo weliba meelo kale oo dagaalo rasmi ah ka dilaaceen sida kalshaale iyo Maygaale, waxaa kaloo jirta banaan baxyo looga soo horjeedo Maamulka Somaliland oo ka dhacay qaybo ka mid ah Magaaloooyinka waa wayn ee Puntland.

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: War Today ( Somaliland VS Puntland TODAY
read this FBI
Waa Maxay Ujeedada Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland u Tageen Tukaraq-(Warbixin)-
Lasanod Online. Thursday, February 24, 2011
Sawir kayd ah
Tukoraq,(Lasanod Online)- Waxaa labadii maalmood ee ugu danbeeyey dhaq-dhaqaaq xaddidan ka wadey waddada Laamiga ah ee isku xidha Laascaanood iyo Garoowe
ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland. Ciidankan ayaa waxaa lagu qiyaasay tiradooda 230 Askari oo ah ilaalada Madaxtooyada Puntland, kuwaasoo ku hubaysan 12 gaadhi oo Tikniko ah.
Haddaba waxaan ku samaynay baadhitaan garab ordayey dhaq-dhaqaaqa ciidankaas, ujeeddada laga lee yahay ciidanka la keenay halkaas, waxa ka jira inay doonayaan inay garab u noqdaan Halgamayaasha SSC iyo weliba warbixino kale.
Maxaa Dhaliyey Tegitaanka Ciidankan Ee Tukoraq?
Ka dib dagaalka dabada dheeraaday ee u dhexeeya Ciidamada SSC ee deegaanka Kalshaale iyo maamulka SNM ee beel iyo jabhadba iskaashanaya, ayaa arrintan waxaay si weyn ugu muuqatay guud ahaan beesha Daarood, gaar ahaanna shacabka Maxamed Harti, ee dega gobolada Mudug, Bari iyo Nugaal.
Waxayna shacabku dhaliil iyo dhagax-tuur ula dhaqaaqeen maamulka Faroole uu hago ee Garoowe jooga, waxayna shacabku kala doorran siiyeen in dagaalka la galo iyo in meesha ay ka tagaan maamulku.
Waxaana isku maalin muddahaarad ka dhacay magaalooyinka Galkacayo iyo Garoowe, kaasoo shucuubta dadkaasi ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan fadhiidnimada mamulkooda.
Faroole oo niyadda ku haya awoodda shacabka ee dunida maanta, taasoo ay muquunin kari waayeen Madaxweynayaal badh malyuun ciidamo ah haysta, ayaa si uu u weeciyo indhaha iyo dareenka dadka ayuu wuxuu u yeedhay weriyaha BBC-da ee Garoowe, kaasoo oo uu u sheegay inuu waraysi ka qaado.
Faroole ayaa hadal gooddis ah, oo inta badan shacabka rixinka jilicsan soo jiitey ka yidhi BBC-da isla markaana sheegay inuu dagaalka geli doono. Faroole ayaa isla maalintaas aroornimadeedii u duulay Addis ababa, oo uu Talyaaniga ka sii aadi doono. Wuxuuna amar ku sii bixiyey in ciidan ka mid ah kuwa ilaaladiisa khaas ah loo diro Tukoraq, si loo Xakameeyo cadhada ifa faalaheedu soo muuqdo ee shacabka maamulkaasi.
Arrintaas ayaa dhalisay tegitaanka ciidanka ee Tukoraq, waxaana la dejiyey Istaraatijiyad kale, oo haddana ka tarjumaysa siyaasaddii rasmiga ahayd ee maamulka Faroole, taasoo ahayd Qawda maqashii waxna ha u qaban.
Ujeeddooyinka Qarsoon Ee Ciidankaas.
Ciidamadan ayaa waxaan si rasmi ah u ogaaney ujeedka ugu weyn ee ay u saldhigteen halkaas, taasoo lagu micneeyey labo arrimood oo tan koowaad tahay, inay Af saaraan oo joojiyaan dhaq-dhaqaaqii ciidan beeleed uu Hoggaaminayey Axmed Cilmi Cusmaan ka wadeen halkaas, kuwaasoo mar-marka qaarkood u Humbaalleyn jirey dhanka Laascaanood.
Arrintaas oo wel-wel badan ku beeri jirtey maleeshiyaadka SNM ee awooddoodii dul dhigay Kalshaale. Waxaana ay ciidankan Faroole ku guulaysteen in labadii maalmood ee dagaalku ka dhacay Kalshaale, Hagoogane iyo Maygaagle aysan wax dhaq-dhaqaaq ah samaysan ciidamadii samayn jirey iyo in sidoo kale ay weeciyeen ciidan ka xanaaqay fadhiidnimada Nugaasha, kuwaasoo laga soo celiyey degmada Boocame.
Ka dib markii ay si cadho leh uga baxeen Tukoraq, una sheegeen in ay aadayaan dhanka Kalshaale, waxaa sidoo kale arrintan caddayn u ah, in Dagaal Ooge Siilaanyo oo maanta ka caalaa-calayey BBC-da uusan soo hadal qaadin ciidamadaas Laamiga, arrintaas oo muujinaysa sida uu u kalsoonida uga haysto inaan weerar kaga imaanaynin dhanka Laamiga.
Waxaa kaloo aanu ku xaqiijinay baadhitaan warbaahineedkan, in xataa xidhiidh dhex-maray Taliyaha ciidankaas ee Siciid DHeere iyo kuwa horbooda jabhadda SNM, ayna u sheegeen in dhanka Laamiga aysan ka jirin wax dhibaato ah.
Dad badan ayaa aammisanaa in hadalkii Faroole ugu yaraan meesha ka saarayo isku xidhnaantii labada maamul, laakiin taas waxaa ay beenoowdey, kadib markii SNM oo lagu yaqaaney hadday gabadhi hadasho inay u jawaabaan aysan ka dabo hadlin, halka uu Siilaanyo maanta ku nuux-nuuxsanayey cadaawadda SSC. Marnaba asagoon muujin wax cadaawad ah, oo u qabo Garoowe.
Qaar ka mid ah ciidanka, oo aanu la xidhiidhnay, hase ahaate diidey magacooda sababo xagga ammaanka ah awgood, waxay sheegeen in aysan ogeyn wax dagaal ah, laakiin loo soo direy inay kala fur-furaan kuwa Tukoraq jooga, si aysan wax dhaq-dhaqaaq ah uga bilaabin dhanka Bariga Laascaanood.
Arrintan ayaa marka dhankastaba laga eego ah, in la Hododeeyo ciidamada difaacaya G/Cayn, kuwaasoo la doonayo in sheeko maalmeed lagu maweeliyo, ayadoo la sheegay in arrin noocan oo kale ahna ay gudaha Buuhoodle ka wadaan. Ina Faarax Faruur, oo ka mid ah Wasiirrada Faroole, kaasoo dhankiisa doonaya in uu muujiyo arrimo mala awaal ah, oo uu ugu sheegayo in Laascaanood laga dhabar jebin doono SNM.
Haddaba Maxaa La Gudboon Reer Caymeed Iyo Guud Ahaan SSC.
Waxaa ciidamada xaq u dirirka ah, ee ma soo jeestayaasha ah la gudboon, inaysan isku haleyn kuna habsaamin Sheel-sheelinta Faroole iyo Saraakiishiisa, isla markaana ay deegaankooda ka sifeeyaan cadawga ku soo duuley, isla markaana aysan ogolaan in deegaankaas uu noqdo mid ay ku negaadaan Jabhadda SNM iyo beelaheeda is garabsanaya.
Waxaana sidoo kale laga doonayaa shacabka Mudug, Bari iyo Garoowe, in hadday daacad ka tahay hiilku in ay si qabiilnimo ah ugu hiiliyaan Dhulbahante, ayagoo iska ilaawaya dhalanteedka beenta ah ee Faroole.
Waxaa kaloo muhiim in loo toog hayo. Dhulbahantaha nafta ka sugaya Faroole inaysan mar-marsiiyo ka dhigan karin Puntland baan sugeynaa, isla markaana lagu jiro dagaal soconayey Bilooyin.
Maalin kalena aan lagaa yeeli doonin berigii Puntland baa i hoddey. Waxaana loo baahan yahay in danta Dhulbahante aan loo daba fadhiisan nin dano Siyaasadeed leh, deeganadiisuna u bed qabaan.

^
i read it ofcourse if someone believes on ssc what would he write sxb about sland or pland...!!!
and how could faroole sending his bodyguard to tukaraaq if some news says darawishii takeover lasscound airport even they about to begin fight tomroorw inside lasscound
sxb everything will be shown near soon dont worry pland moved long time ago three darawishii section in the war zone .... one in cayn two in sool
the result three daraiwshii solder died in cayn so we actually in the fight not like what ssc says

- LiquidHYDROGEN
- SomaliNet Super
- Posts: 14522
- Joined: Fri Mar 16, 2007 10:48 am
- Location: Back home in Old Kush
Re: War Today ( Somaliland VS Puntland TODAY
LiQaaye_TDH wrote:airport?

They think by saying lies a thousand times it will come true for them.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 1515 Views
-
Last post by TarTar
-
- 36 Replies
- 2386 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 15 Replies
- 826 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 23 Replies
- 1795 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 8 Replies
- 853 Views
-
Last post by Shift
-
- 39 Replies
- 3394 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 9 Replies
- 567 Views
-
Last post by Nubis
-
- 14 Replies
- 1335 Views
-
Last post by Buursalax
-
- 14 Replies
- 917 Views
-
Last post by Wareer
-
- 2 Replies
- 558 Views
-
Last post by FBISOMALIA