dagaal fool ka fool ka socda inside Beled Hawo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

dagaal fool ka fool ka socda inside Beled Hawo

Post by CoolPoisons »

War Deg Deg Ah: Dagaal Ka Fool Ka Fool Ah Oo Hadda Ka Socda Gudaha B/xaawo Ee Gobolka Gedo...

Waxaa hadda magaalada B/xaawo ee gobolka Gedo si toos ah uga qarxay dagaalo ka fool ka fool ah oo u dhexeya ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwa Ahlusuna waljameeca,waxaana dagaalkaasi yahay mid ay hubka noocyadiisa kala duwan isu adeegsanayaan kooxahaa dagaalamaay.

Dagaalka hadda waxaa ka horeyey madaafiic ay ciidamadaasi ku soo garaaceen fariisimihi Xarakada Alshabaab ee degmada B/xaawo,waxaana markii dambe xigey inay ciidamada dawladu weerar dhawr jiho kaga soo qaadeen magaalada Baladxaawo iyagoo ka soo galay qaarkood dhinaca kiniya & suufka itoobiya.

Sidoo kale ciidamada dawlada ayaa la sheegay inay ka soo weerareen magaalada Baladxaawo dhinaca degaanka loo yaqaano Modikaarey ee duleedka magaalada Baladxaawo,waxaana hadda dagaalka socdaa yahay mid xoogan oo kooxaha dagaalamayaa isu adeegsanayaan madaafiic xoogan.

Ugu dambeyntii waxa hadda dagaalka xoogiisu ka socda gudaha Degmada B/xaawo halkaasi oo ay ku dagaalamaayan ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwo Ahlusuna waljameeca,.waxaana dagaaladaasi geysanayaan qasaare lixaadleh oo labada dhinac ah inkastoo aan tirada rasmiga ah la hayn.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”