Dagaal xoogan oo ka qarxay degmada Baladxaawo
Baladxaawo: (Sh. M. Network) Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljmaaca oo garabka ka helaya ciidamada Ethiopian ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa ka qaraxay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa ku bilowday Madaafiic xoogan oo ay ciidamada Ethiopian-ka ku garaaceen xaafado ka mid ah degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo halkaas oo markii dambe ka qarxay dagaal fool ka fool ah oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Xarakada Al Shabaab
Ciidamada Ethiopian-ka ah iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa waxaa la sheegay in dagaalada ay ka qaadeenn degmada Dooloow iyo deegaan lagu magacaabo Buulo-hindi halkaasi oo mudooyinkii dambe ay iska abaabulayeen, waxaana la cadeeyay in iminka dagaalka uu ka socda gudaha magaalada Baladxaawo.
Macadda qasaaraha ka dhashay dagaalada iyo duqeymaha ka soconaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, hase ahaatee wararka laga helayo degmadaasi ayaa sheegaya in inta badan dadkii ku noolaa degmadasi ay isaga carareen kadib markii ay soo foodsaartay cabsi aad u xoogan.
Dadka faro ku tiris ah oo ku haray degmada Baladxaawo ayaa Shabelle u sheegay in ciidamo Ethiopian ah oo fariisimo ku leh deegaanka Suufka ay saakay madaafiic u badan PM- ay ku garaaceen degmada Baladxaawo halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Dhamaan waxaa kacsan xaaladda degmada Baladxaawo oo ay dagaalada xoogan ku dhexmarayaan ciidamada Ahlu Sunna oo garab ka helaya kuwa Ethiopian iyo Xarakada Al Shabab, iyadoo aan la’ogayn qasaaraha soo kala gaaraya dhinacyadaasi.
Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco Shabelle.net Hadii Alle Idmo Iinsha_Allaah
Al shabaab forces clash with Ethiopian forces in beledxaawo
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Al shabaab forces clash with Ethiopian forces in beledxa
very sad war to be homest a somali and a xabash killing another somali ceeb 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 710 Views
-
Last post by cyanide
-
- 2 Replies
- 466 Views
-
Last post by James Dahl
-
- 4 Replies
- 970 Views
-
Last post by Somaliman50
-
- 0 Replies
- 477 Views
-
Last post by Coeus
-
- 1 Replies
- 1703 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 13 Replies
- 1127 Views
-
Last post by gemini07
-
- 3 Replies
- 704 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 363 Views
-
Last post by *jr
-
- 0 Replies
- 647 Views
-
Last post by Coeus
-
- 0 Replies
- 3 Views
-
Last post by Coeus