Gabiley elders support somcable company project

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Gabiley elders support somcable company project

Post by The_Emperior5 »

Odayaasha, Cuqaasha iyo Boqorka Gobolka Gabiley oo Taageeray Sharikadda Somcable
Boqor Muxumed geele seed oo ka mid ah Boqorada Somaliland kana soo jeeda gobolka Gabiley ayaa ugu baaqay Dadka ku mashquulsan hawlo aan suuro gal ahayn oo wakhtigeedii dhamaaday ka hadalkeeda kuwaasi oo dabada ka riixaya sharikad aan wadani ahayn oo uu leeyahay ganacsade reer soomaaliya ah , boqor muxumed geele seed waxa uu u mahad naqay Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo ogolaansho siiyay inay ka hirgeliso Sharikadda Somcable isgaadhsiin Casri ah taasi oo uu leeyahay Ganacsade Reer Somaliland ah oo kasoo jeeda Gobolka Gabiley taasi oo farxad gaar ah u ahayd Dadweynaha reer Gabiley ayuu yidhi boqorku.

Boqor Muxumed geele seed wuxuu u soo jeediyay Ashkhaasta ku hawlan inay docadoceeyaan heshiiskii Madaxweynuhu ugu ogolaaday sharikadda SOMCABLE inaanay ku habsaamin ama aanay isku hawlin wax ka hadalkeedu aanu taagnayn islamarkaasna waxa uu sheegay inaan cidna aanay is garab dhigayn sharikad wadane i ah iyo mid aan wadani ahayn .

Sidoo kale in ka badan 10 ka mid ah Cuqaasha iyo waxgaradka reer Gabiley ayaa sidoo kale Taageeray Goaankii Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed maxamed maxamuud siilaanyo uu ugu ogolaaday inay sharikadda SOMCABLE ay ka Hirgeliso Somaliland Fibre OPTIC .

Dhalinyarada Reer Gabiley ayaa sidoo kale taageeray Sharikadda SOMCABLE Waxaanay dhalinyaradaasi dhamaantood sheegeen inay Taageerayaan Maxamed siciid Aw geedi mulkiilaha sharikadaasi loo ogolaaday oo ay sheegeen inuu yahay muwaadin u dhashay Somaliland kana soo jeeda gobolka Gabiley waxaana dhalinyaradaasi ka mid ah ahaa Shiine Maxamuud diraysle , Xassan sheekh muxumed Warsame , Warsame sheekh Muxumed Warsame .

Xildhibaan Fanax Aw aadan oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha deegaanka ee Gabiley ayaa isna sheegay inay dadweynaha reer Gabiley dhamaantood ay ka Go,antahay Taageerada Sharikadda SOMCABLE Waxaanu tilmaamay inay sharikadaasi horumar weyn ay ka hirgelin doonto Somaliland .
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”