C/weli oo wiil raacato ah waxaa laga helay isagoo geed ku yuurura sida uu sheegayna uu ku xidhnaa sadex habeen iyo labo maalmood waxaana si naxariis daro ah loogu giijiyay xadhig nooca bunjiga ama cayngeriga ah
sida uu war baahinta u sheegay c/weli wuxuu yiri aniga oo geel la jooga ayaan maqlay sanqadh dagaal meel ku dhaw deegaankla hagoogane oo aan geel ku hayay, ka dib waxaa igu soo baxay gaadhi ah nooca beebeega loo yaqaan oo ay saaranyihiin ciidamada SNM (waxay igu dhigeen gacanta waxayna si naxariis daran iila dheceen qori dabadii kadibna waxay isaareen beebeegii iyagoo dusha iigaga fadhiistay kadib waxaa kusoo dhawaaday dagaalkii waxayna qaateen go’aan kaasoo noqday in geed la igu xidho maan garankarayn inay igu soo laaban lahaayeen iyo in kale laakiin waxaa la Ii dhaafiyay iyaga oo dabada lagaga jiro aniguna sidaas ayaan geedkii ugu noqday wehel. yadoo uu dhuuxayga xadhigu kusii durkayo
waxaana ku xidhnaa mudada intaas leeg waxaana igu soo baxay caruur xoolo la joogta subixii sadexaad kuwaasoo ii noqday badbaado. waxaana kuu muuqda waxyeeladii xadhiga la igaga tagay uu ii gaystay anigoo aan waxba galabsan.
Hadaba muuqaalka ka muuqda c/weli waa mid cadaynaya cadaawada ku jirta jabhada SNM ee uu siilaanyo hogaamiyaha ka yahay iyagoo hore u urursaday dad xoolo dhaqato ahoo ay ku sheegeen maxaabiis dagaal.





