


Ceerigaabo(Sanaagnews) Dugsigan cusub oo kq kooban 3 Class, 1 Office, 1 Store iyo Deyr weyn kuna yaalla magaalada Ceel-la-helay oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn, dhismihiisana ay iska kaashadeen Jamciyadda HILAL AHMAR Al-EMIRATY iyo Hay’adda Waddaniga ah ee SOMTRACT ayaa waxa si rasmi ah markii ugu horraysey dugsigaas xadhigga ka jaray Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre iyo Xil-dhibaan Askar (Golaha Wakiillada) oo isagu degaankan kasoo jeeda.
Xildhibaan-Askar ayaa isagoo in badan ka hadlay baahida dugsi waxbarasho ay u qabeen bulshada degaankan uu kasoo jeedo ku dhaqani wuxu si weyn ugu boorriyey in bulshada degaankaasi ku dedaalaan sidii carruurtoodu wax u baran lahaayewen oo uga faa’iidaysan lahaayeen fursaddan maanta ay haystaan, si ay ula tartami karaan degaannada kale ee dalka.
Iyo in looga baahan yahay wax wada qabsi dhinacyada horumarka arrimaha bulshada ah.
Qaar ka mid ah waayeelka degaankaas Ceel-la-helay oo iyaguna fagaarahaas ka hadlay ayaa kasokow mahadnaq weyn oo ay usoo jeediyeen booqashada badhasaabka Sanaag iyo xildhibaankoodu halkaas ku tageen waxay sidoo kale u mahadnaqeen hay’adahan iska kaashaday suurta gelinta dhismahan cusub ee dugsigaas, waxayna ballan qaadeen ilaalinta iyo joogtaynta dugsigan cusub ee loo dhisay.
Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo ugu danbayn hadal kooban halkaas ka yidhi ayaa wuxu halkaas uga mahad celiyey hay’adaha dugsigan iska kaashaday iyo cid kastoo gacan ka geysatey, danaynaysa, ama u heellan horumar kasta oo degaankooda ka hir gala, wuxuuna sidoo kale dadweynaha ku boorriyey ilaalinta iyo adkaynta nabadgelyada oo furaha kowaad u ah horumarka iyo wada noolaanshaha bulshada iyo weliba ilaalinta xaalufka iyo nabaad-guurka deegaanka, wuxuna badhasaabku bulshada ku boorriyey in ay gartaan dugsigan cusub ee loo dhisay in uu yahay mid ay wada leeyihiin loogana baahan yahay cid kastaba ilaalinta waxyaabaha danta guud iyo faa’iidooyinkooda oo maantaba ay ka mid tahay carrurrtii bannaanka iyo dabaysha fadhidey in ay heleen hoy ay wax ku bartaan.
Web Master Terra
Sanaag.Org
http://oodweynenews.com/news/54453-badh ... cusub.html