Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa goordhaweyd oo Caawa ah Bumbooyinka nooca gacanta lagu tuuro ah lagu weeraray Ciidamo kamid ah kuwa Amaanka ee Puntland ee maalmihii lasoo dhaafay Howlgalada baaxada leh kawada gudaha Gaalkacyo gaar ahaana kuwii la wareegay Xerada Dayax oo mudo farabadan ay dawladu ku hamiyeysay.
Qaraxan oo ahaa mid lagu tuuray qeyb kamid ah Ciidankan Amaanka oo fariisin kuleh Afaafka Galbeed ee xerada ayaa ay wararku sheegayaan in midkamid ah Askartii goobta kusugnayd uu dhaawac kasoo gaaray,walow aysan jirin war rasmi ah oo weli laga heyo khasaaraha goobtaas ka dhacay.
Midkamid ah Saraakiisha ciidamada Amaanka oo ay APL Khadka Taleefoonka kula hadashay ayaa sheegey in qaraxani uu ahaa mid kooban islamrkaasna khasaaro ahaan yaraa,wuxuuna meesha ka saaray inay jiraan khasaaro ay sheegi karaan ama laga hadli karo oo ciidanka kasoo gaaray weerarka Bambaano.
Inkasta oo Qaraxa kadib ay ilaa & imika askartu kor u ridayaan Rasaas fudud islamarkaasna aysan jirin ilaa & hada cid ay Saraakiisha Amaanku sheegeen inay qaraxan usoo qabteen ayaa hadana wuxuu imaanayaa xili ay ciidamada Amaanka Puntland awood ku galeen xeradaas labo cisho ka hor islamarkaasna maanta la gubay Kumanaan & Kumanaan dhalo oo Khamri ah kuwaas oo intooda badan lagu soo qabtay Howlgalkii Dayax,waxaana sidoo kale ay Ciidanka Amaanku maanta burburiyee guri dhawaan laga dhex dhisay xero Dayax oo kamid ahaa guryihii lagu iibin jiray maandooriyeyaasha.
Qarax Bambaano gordhaweyd lagu weeraray Ciidamadii galgcio
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 458 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 10243 Views
-
Last post by Rabshoole
-
- 0 Replies
- 362 Views
-
Last post by Publicopinion
-
- 0 Replies
- 422 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 3 Replies
- 6006 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 0 Replies
- 466 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 2 Replies
- 314 Views
-
Last post by aweys_gedoow
-
- 9 Replies
- 958 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 0 Replies
- 305 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 441 Views
-
Last post by Voltage