Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidammo Itoobiyaan ah oo saakay la wareegay degmada Luuq ee Gobolka Gedo
Isniin, Maarso 07, 2011 (HOL) – Aroornimadii hore ee sakaay ayaa lagu arkay gudaha iyo daafaha degmada Luuq ee gobolka Gedo ciidamo DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna oo ay wehliyaan ciidamo Itoobiyaan ah, kaddib markii ay xoogaggii Xarrakatul Shabaab xalay isaga baxeen degmadaas.
Ma jiraan wax dagaallo ah oo dhacay, iyadoo goobjoogayaal ku sugan degmadaas ay u sheegeen saxaafadda inay arkeen taangiyada ciidamada Itoobiya iyo gaadiidka dagaallada ee dowladda iyo Ahlusunna oo gudaha u soo galay degmada Luuq.
Qabsashadan degmada Luuq oo aanu dhiig ku dadaadan ayaa timid kaddib markii laba maalin ka hor ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna oo kaashanaya ciidan Itoobiyaan ah ay dagaal khasaare badan dhaliyay oo socday muddo shan saac ah ay kula wareegeen degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay inay la wareegeen degmada Luuq saakay oo noqonaysa degmadii labaad oo ka tirsan gobolka Gedo oo ay kala wareegaan Xarrakatul Shabaab, balse saraakiisha Xarrakatul Shabaab ayaan weli ka hadlin arrintan.
Taangiyada ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin afaafka iyo gudaha degmadaas, iyadoo xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, dadkuna ay cabsi ka qabaan in la dhibaateeyo.
Dhanka kale, wararka laga helyoa degmooyinka Garbahaare iyo Ceelwaaq oo ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka taliso Xarrakatul Shabaab ayaa sheegaya inay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan xoogagga Al-shabaab.
Afhayeenno u hadlay dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa horay u sheegay inay sii-wadayaan dagaallada ay kula jiraan Xarrakatul Shabaab, iyadoo afhayeen u hadlay Xarrakatul Shabaab uu doorraad sheegay inay degmada Baladxaawo uga baxeen xeelad ciidan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
http://hiiraan.com/news/2011/Mar/warark ... -12778.htm