BREAKINGNEWS:Al-Shabab vacate parts of Galgaduud & Hiiraan

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

BREAKINGNEWS:Al-Shabab vacate parts of Galgaduud & Hiiraan

Post by XimanJaale »

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Maxaas, Wabxo, Ceel-buur iyo Ceeldheer ayaa la sheegayaa inay isaga baxeen ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay dib ugu biireen beelihii ay ka soo jeedeen, iyadoo xalay gudaha degmada Ceelbuur lagu dhacay gaari Rinod ah oo uu lahaa Guddoomiyihii degmadaas ee xarakada Al-Shabaab.

Lama oga madaxii Al-Shabaab ee degmada Ceelbuur oo ka soo jeeda gobolada Jubada dhexe halka uu ku sugan yahay, waxaana dhammaanba degmooyinkaasi ay faarujiyeen xarakada Al-Shabaab la sheegayaa inay maamulaan dadka degaanka.

Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya gobolada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in maamulada xarakada Al-Shabaab ee degmooyinkaasi isaga baxay ay timid xeelad dagaal iyo ciidamadii degmooyinkaasi oo iyagu ku maqan howlgallo ay sameynayaan gobolka kale ee dalka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Lama oga ka bixitaanka maamulada iyo ciidamada xarakada Al-Shabaab ee faarujiyay gobolada Galgaduud iyo Hiiraan inuu la xiriiro hadal dhowaan ka soo yeeray afhayeenka xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo sheegayay inay bedeleen taatiiga dagaaladii ay ka wadeen gudaha dalka Soomaaliya.
User avatar
greenday
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12366
Joined: Wed Jul 28, 2010 10:31 am
Location: Ruux bukaanka ku nacay, adoo bahan katagay....Ala barasho, barasho wacanaa!

Re: BREAKINGNEWS:Al-Shabab vacate parts of Galgaduud & Hiira

Post by greenday »

Ha cararaan ma xumee intee adaan :?
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: BREAKINGNEWS:Al-Shabab vacate parts of Galgaduud & Hiira

Post by XimanJaale »

greenday wrote:Ha cararaan ma xumee intee adaan :?
Caqalada hooyadood bey ku caraaran. They run to their mother's home in their tribal land.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”