W/Caafimaadka Puntland oo gurmad Caafimaad gobolka Bari

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

W/Caafimaadka Puntland oo gurmad Caafimaad gobolka Bari

Post by FBISOMALIA »

Boosaaso:(Allpuntland)-Iyadoo Sadexdii maalmood ee u danbaysay ay socdeen dadaalo loogu jiray siday Gurmad Caafimaad loogu diri lahaa Degmooyin kamid ah gobolka bari oo ay aad u saamaysay Abaartu islamarkaasna ay dad ugu le’deen Abaarta ayaa waxaa maanta si rasmi ah loo diray Wajigii ugu horeeyey ee Gurmadka Caafimaadka ee deegmooyinka Rako,Iskushuban & baargaal oo ay kujiraan deegaanada hoosyimaada Degmooyinkaas.

Gurmadkan Caafimaadka oo ay Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland dirtay ayaa ka koobnaa 25-xubnood oo isugujirayTakhaatiir,Kalkaaliyeyaal & Kalkaaliyeyaal Caafimaad kuwas oo ay qeyb kayihiin 6-Baabuur oo ka qeybalaya Gurmadkan culus,waxaana gurmadkan oo soconaya Mudo 10-Cisho ah dadka ay dhibaatadu hayso lagaarsiin doonaa Cunto Nafaqaysan,Talaalo Caruurta & Haweenka ah oo lagula dagaalamayo cudurada ka dhashay Abaarta & Dawooyin Bilaash ah kuwaas oo laga fulin doono dhamaan tuulooyinka & Miyiga hoostaga sadexda Degmo oo ah kuwa ugu daran ee ay abaartu saamaysay.

Xaflad balaaran oo isugujirtay Sagoontin & Dardaaran oo lagu sagoontinayey lagulana dardaarmayey dadka fulinaya gurmadkan deg deg ah oo ka dhacday Machadka Caafimaad ee Boosaaso ayna ka qeybgaleen madax sarsare oo katirsna Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland oo uu horkacayey Wasiirka Caafimaadka ee Puntland oo ay kamid ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaarada,agaasimaha Waaxda cudurada Aasaasiga ah & Xubno katirsan Wasaarada xafiiskeeda Bari ayaa si rasmi ah galabta loogu diray ka qeybgalaasha gurmadka Caafimaad.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee dawlada Puntland Dr.Cali Cabdullaahi Warsame oo ka hadlay Xafkada ayaa dadka ka qeybgalaya gurmadka Caafimaadka ku booriyey in ay si hagar la’aan ah Daacadnimona kujirto wax ugu qabtaan dadka dhibaataysan islamarkaasna ay Naftooda badbaadiyaan,wuxuuna Wasiirku intaas kudaray in Wasaaradu ay qorshaynayso in Gurmad kale oo Caafimaad ay u diraan Deegaanada kale ee gobolka ee ay Abaartu saamaysay.

Xafladani intii ay socotay ayaa dhanka kale uu Wasiirka Caafimaadka ee Puntland ku wareejiyey kuxigeenka Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Bari Mr,Siciid Waraabe gaari nooca ‘Four Wheel Driv’ka loo yaqaano ah kaas oo uu Wasiirku sheegey in ay ugu talagaleen in lagu fududeeyo Howlmaalmeedka Xafiiska Wasaarada ee Bari & Kormeerada Maamulka Wasaaradu ay ku tagayaan degmooyinka & Tuulooyinka gobolka Bari isagoo Madaxda Wasaarada ee gobolka Bari kula dardaarmay in ay si labajibaaraan shaqooyinka ay bulshadooda u hayaan.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”