puntland denmark diaspora visit galgcio hospital

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

puntland denmark diaspora visit galgcio hospital

Post by FBISOMALIA »

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka Isbitaalka guud ee Magaalada gaalkacyo oo maanta ay qaarkamid ah Qurbajoogta reer Puntland ee magaalada Arhus ee dalka Denmark gudoonsiiyeen lacag loogu talagalay Nadaafadaynta Isbitaalka guud ee gaalkacyo ayaa soo saaray warqad mahadcelin ah islamarkaasna ay ku codsanayaan in qaarkamid ah shaqaalaha Nadaafada ee Isbitaalka mushaar ay jaaliyadu u qorto.

Warqada kasoo baxda Maamulka Isbitaalka Gaalkacyo ayaa u qornayd sidan:-

DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND STATE OF
PUNTLAND EE SOOMAALIYA SOMALIYA
Wasaaradda Caafimaadka Ministry of Health (MOH)
Isbitaalka Guud Gobolka Mudug Mudug Regional Hospital (MRH)
¬¬¬Ref No/71/MRH/011 Date: Feb. 24th 2011

Ku: Jaaliyada Denmark
Magaalada Arhus

Ujeedo: Mahad Naq & Codsi

Waxaan u mahad celinaynaa walaalahayaga Degan Magaalada Arhus ee Denmark lacagta ay ugu deeqeen isbitaalka guud ee Gaalkacyo, Gaar ahaan qeybta nadaafada lacagtaas oo dhan 3.000 oo dollar.

Waxaana ka gudoomay isuduwaha isuduwaha caafimaadka Gobolka mudug & agaasimaha isbitaalka guud ee gobolka Mudug.

Waxaa walaalahayo ka codsanaynaa in ay noosii wadaan lacagaha nadaafada isbitaalka oo bishii ay ku baxayso $600 oo dollar taas oo lagama maarmaan ay tahay in nadaafada joogto loo helo meelihii la dayactirayna lagu sameeyo iyo guud ahaan isbitaalka oo dhan

Waxaana lacagtaas ka gudoonay walaalahayo

1. Jaamac Max’ed Xasan (Jaamac Dheere)
2. Cabdi Yuusuf Qanjoor

Mahadsanidiin

Agaasimaha isbitaalka G/Mudug Isuduwaha Caafimaadka G/Mudug
C/raxmaan Max’ed Jaamac Axmed Faarax Max’ud
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: puntland denmark diaspora visit galgcio hospital

Post by Somalian_Boqor »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”