Afhayeenka Ciidamada AMISOM Barigiye Bahoku ayaa ka shanqariyay qorshahooda ku aadan la wareegitaanka dalka, isagoo sheegay in muhiimadooda gaarka aanu kaliya aheyn qabashada Caasimada Soomaaliya ee MUqdisho.
Barigiye Bahoku ayaa sheegay inay doonayaan inay qabsadan Gobolada dalka, qaar si ay Ciidamadooda ugu howl galaan, isagoo cadeeyay in maalmaha soo aadan ay la wareegi doonaan meelo ay ku jirto Magaalada Istiraatiijiga ah ee Kismaayo.
"Qorshaheena kaliya ma ahan inaan Muqdisho ku negaano, Inkasta oo Muqdisho muhiimad gaar noo tahay, hadana Gobolada waan la wareegeynaa maalmaha soo socda, Bakool, Bay, Gedo iyo Kismaayo dad soomaali ah ayaa jooga, nabada ayayna jecel yihiin"ayuu yiri Bahoku.
Sidoo kale Barigiye Bahoku oo hadal siinayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Gobolada Koofur Galbeed ay inta badan yihiin goobo ay gabaad ka dhigaan ajaaniibta gacan saarka la leh Al-Shabaab, hadafkoodana uu yahay inay meel walba ay tagaan si uga saaraan waxa uu ugu yeeray Xagjiriinta.
Mar la weydiiyay arrinta suuqa bakaaraha oo maalmahan xaaladiisa ay adkeyd kadib markii dagaalada ay saameyn ku yeesheen ayuu xusay in Bakaaraha aanay istiraatiijiyad milateri u aheyn qorshahooda xilligana aanu qeyb ka aheyn inay galaan suuqa, hase ahaatee ganacsatada ayuu ugu baaqay inay aadaan suuqyada kale ee Muqdisho sida Madiina iyo Xamar weyne.
Hadalka Afhayeenka AMISOM ayaa ku soo aadaya, xilli uu jiro qorshe milateri oo Dowladda KMG iyo dalalka deriska ay wadaan, iyadoo markii u horeysay laga war helay in Ciidamada AMISOM saldhig ka sameysanayaan Magaalada Kismaayo oo ah magaalada 3aad ee ugu weyn Soomaaliya, waxaana ujeedka uu yahay in dhanka dhulka ay kaga soo gudbaan xuduuda Kenya.
Bahuuko: We will go to Kismaayo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
- XimanJaale
- SomaliNet Super

- Posts: 12577
- Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
- Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
- Contact:
Re: Bahuuko: We will go to Kismaayo
They are already in the border of Jubada hoose and Kenya.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 233 Views
-
Last post by Meru
-
- 1 Replies
- 249 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 14 Replies
- 1911 Views
-
Last post by UgaaskaBarakaysan
-
- 28 Replies
- 4750 Views
-
Last post by Tallman77
-
- 4 Replies
- 1008 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 10 Replies
- 2696 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 7 Replies
- 2576 Views
-
Last post by HorseedS
-
- 3 Replies
- 610 Views
-
Last post by noer
-
- 36 Replies
- 2074 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 2 Replies
- 6856 Views
-
Last post by StormShadow