Operation Ceel Madigaan

Faranacab
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3407
Joined: Fri May 01, 2009 12:40 am

Operation Ceel Madigaan

Post by Faranacab »

March 10, 2011 (QOL) Wariyaha Qorahay Online uga soo warama Ogaadeenya ayaa sheegaya dagaal xoogan oo ka dhacay meesha loo yaqaano Ceel Madigaan oo kamid ah aaga Baabili, wararku waxay intaas ku darayaan in Ciiddka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenay ay weerar baalaadhan ku qaadeen Ceel Madigaan dagalkaas oo ay si qorshaysan u fuliyeen ayaa la sheegayaa in ciidanka cadowga dhibaato badan loogu gaystay, ciidkan gumaysiga ee halkaas lagu weeraray oo aad u yaraa ayaa la sheegayaa in si aad ah loo waxyeelleeyay.

Wararka Qorahay Online ka soo gaadhay Ogaadeenya ayaa shegaya ciidanka gumaysiga Itoobiya ee Ceel Madiagan daganaa in ay dhibaato badan ku hayeen shacabka Ogaadeenya ee halkaas daganaa kadib waxayna todobaad ka hor halkaas ku wax yeelleeyeen dad shacab ah oo aan waxab galabsanin waxaana arrintaas ak war helay CWXO oo weerar ku qaaday qaniinyadii cadawgana shacabka ka fujiyaya , wararku waxay sheegayaan in CWXO ay qabsadeen saldhigii ay ciidanka gumaysigu daganaayeen kaas oo ay ka heleen saanad ciidan &qalab akal duwan.

CWXO baryahan dambe weerarada ay ciidanka gumaysiga ku qaadayaan aad u kordhiyaya waxaana dhulka Ogaadeenay ka socda dagaalo aad u faro badan oo ay CWXO si balaadah ugu ekeyunayaan fidhiisimada ay ciidanka gumaysiga Itoobiya dhulka Ogaadenya ka dagan yihiin, waxana ciidanka gumaysiga Itoobiya ku adkaaday in ay qorshe dajiyaan ayaga oo ka aamin baxay dhamaan jawaasiistii u shaqayn jirtay oo kuwo badan oo kamid ahaa ay fashilmeen.

Si kastaba ha ahaateen CWXO waxay wadaan qorshayaal milatari lagu dardar galinyo halaganka huabysan ee dhulka Ogaadeenay gumaysiga Itoobiya lagaga xoraynayo lagana dareemayo dhamaan Gobalada Ogaadeenya oo ay CWXO bilihii u dambeeyay dagaalo qorshaysan ku qadeen saldhigyada ciidanka gumaysiga Itoobita.

Qorahay Online
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Operation Ceel Madigaan

Post by ina aadan »

Walee jawxo way faaftay oo ay fogaatay, war joqoraafiga baaban ku baran e ceel madigaana xaguu ku yala tolow.
Faranacab
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3407
Joined: Fri May 01, 2009 12:40 am

Re: Operation Ceel Madigaan

Post by Faranacab »

Cududii jwxo ee la xakameyn jirey ,,, ayaa qudha harar hoosteeda gaadhay....ceel madigaan waa baabile aga gaarkeeda..
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Operation Ceel Madigaan

Post by Shift »

Walee jwxo horeey u socotaa guul insha allah :up:
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Operation Ceel Madigaan

Post by hanqadh »

Wali JWXO mayna tusin xogeeda militari itoopiya, mar dhow aduunow wadahal noo fura iyo kaalaya nasoo kala gaadha baad maqli doontaan.
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Operation Ceel Madigaan

Post by hanqadh »

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya oo cagta mariyaya xero uu gumaysigu lahaa

Image

Waxuu shalay ka dhacay dagaal xoogan xero ay ku lahaayeen ciidamada gumaysiga Gabagabo oo ka tirsan deegaanka Xamaro. Dagaalkaa oo dhowr saacadood socday ayay CWXO ku qabsadeen xeradii iyadoo ciidankii gumaysiga ee fadhiyay uu soo gaaray khasaare laxad leh oo bakhtigoodii iyo dhaawacoodii uu geed walba hoos yaalo.
Xeradii ciidanka gumaysiga oy gacanta ku dhigeen naftood-hurayaasha CWXO ayaa laga furtay hub iyo saanad farabadan.

Wararka ugu dambeeyay een ka helnay ayaa waxay sheegayaan inay hadda xeradii ciidanka ay ku jirto gacanta CWXO oo uga sii ruqaansaday goobaha kalee u astaamaysan naftood-hurayaasha.

Dagaala xoogan ayaa ka socda dhamaan dalka waxayna waraysiyo aan la yeelanay dadweynaha noogu sheegeen in ciidamada gumaysiga uu jab weyn ka soo gaaray weerarada ku socda iyadoo ay dagaaladii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ay ka soconayaan gobolada Shiniile, Dhagaxbuur iyo agaagrka Jigjiga gaar ahaan wadada isku xidha Harar iyo Jigjiga.

Guusha gobanimadoonkaa leh Inshaa Alaah.

ONA.
Faranacab
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3407
Joined: Fri May 01, 2009 12:40 am

Re: Operation Ceel Madigaan

Post by Faranacab »

guul iyo gobanimo Idam Alle....
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Operation Ceel Madigaan

Post by The_Patriot »

JWXO :up: 8-)
Faranacab
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3407
Joined: Fri May 01, 2009 12:40 am

Re: Operation Ceel Madigaan

Post by Faranacab »

Another successful operation in Cobale...,,,,
User avatar
jamols2
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 596
Joined: Tue Feb 24, 2009 9:31 am

Re: Operation Ceel Madigaan

Post by jamols2 »

guul :up:
User avatar
kismayogedojubaland
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1115
Joined: Sun Jul 25, 2010 12:20 pm
Location: Ceelcade, Gedo, Jubbaland State of Somalia

Re: Operation Ceel Madigaan

Post by kismayogedojubaland »

GUUL JWXO GUUL INSHALLAH :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”