Ciidanka Dolow near Bardera

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Ciidanka Dolow near Bardera

Post by CoolPoisons »

Afhayeenka Ahlusuna ee Gobolka Gedo oo sheegay in Ciidamadooda iyo kuwa Dowlada KMG ay kala qaybsadeen Agaga Dagaalka iyo Alshabaab oo iskugu tagay Duleed Baardheere

Afhayeenka Culamaa’udiinka ahlu sunna waljamaaca ee gobolka Gedo Shariif Cabdi waaxid Shariif Aadan oo u waramayay Saxafada ayaa waxaa uu sheegay in ay is qeebiyeen iyaga iyo ciidamada Dowlada, islamarkaana ay ku kala baxeen deegaanada Gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab isla markaana halkaasi ay kala wareegi doonaan oo ay weerar dhinac kasto ah ay ku qaadi doonan.

Shariif Cabdi Shariif Aadan waxaa uu sheegay in degmada Buur-Dhuubo ay aadeen Ciidamada ahlu sunna waljamaaca deegaanada Garsaale iyo Bowarna ay aadeen ciidamada dowlada iyo kuwa kale oo ahlusuna ka tirsan isagoona sheegay in ay jiraan deegaano badan oo ay isaga baxeen Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka ahlu sunna waljamaaca ee gobalka Gedo waxaa kale oo uu sheegay in hada Al-shabaab ay isaga baxeen degmada Baardheere islamarkaana ay ku sugan yihiin afaafka hore ee degmada kuwaas oo meel ay ka sii baxaan sida uu sheegay waxaana sidoo kale uu sheegay in tuulo Barwaaqo iyo Gariley oo dhamaan kawada tirsan gobolka Gedo ay hada qorsheenayaan in ay tagaan oo ay kala wareegaan Al-shabaab inkastoo uusan carabaabin xiliga ay la wareegayaan oo ay weerarada ay ku hanjabeen ay qaadi doonaan.
Todobaad yadii lasoo dhaafay ayaa xiisadaha colaadeed ee udhaxeeya ciidamada ahlu sunna iyo kuwa Dowlada oo is dhinac socda iyo kuwa Al-shabaab ayaa waxaa ay ka jiraan degmooyin fara badan oo ka kala tirsan Gobolada dalka soomaaliya waxaana deegaanada qaar oo horay ay ugu sugnaan jireen Alshabaab ay hada ku sugan yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa culumaa’udiinka ahlu sunna waljamaaca ka dib markii dagaalo ay halkaasi ku dhaxmaraan halka qaarna ay Al-shabaab iskood isaga baxeen.
User avatar
LooxJiid
Posts: 220
Joined: Tue Feb 22, 2011 9:16 am
Location: Caasimadda

Re: Ciidanka Dolow near Bardera

Post by LooxJiid »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”