But the funny thing is the comments..read the comments after the article
Xaggee Somalimidnimo.com ka Taagan Tahay Qaddiyadda ONLF
Muqdisho:- ALLAAHU AKBAR. Horta annaga waxaa halbeeg noo ah Kitaabka Qur’aanka ah iyo Sunada Nabiga (SCW). Ma nihin dad muqaladdiin ah oo qof kasta iskama dabogalnno. Wixii Xaq wada waa taageereynnaa waana soo dhoweyneynnaa.
Annagu ma nihin dad sheekh Qardaawi iyo wadaaddo Carabeed oo maalinba wax sheega iska daba orda. Muslimiintu waa noo siman yihiin. Kii Xaq la yimaadda ama Carab ha ahaado ama Cajam waan soo dhoweyneynnaa; kii Xaq-darro la yimaadana waan diideynaa ama Carab ha ahaado ama Cajamme.
Sidoo kale halbeeg waxaa noo ah in muslimka daciifka ah nooga dhow yahay gaal kasta! Miyedaan arag inaan taageernnay shucuubta Tuunis, Masar, Yemen, iyo Liibya? Miyedaan arag waxa calan ay ruxayaan shacabkaas Carbeed? Ma maqashaan dimuqraadiydda ay ka hadlayaan? Waxaan ognnahay xukaamta shacabkaas baa dadka ugu liita oo iyagu waa gaalo gaalo kale u shaqeysa. Iyadoo taasi jirto haddana annagu takfiir ma nihin oo shucuubta ma gaaleynno xitaa hadday yihiin muslim caamo dhego waaweyn ah.
Ilaa hadda lama hayo wadaaddo la cuskado oo wax ka sheegay shucuubtaas Carbeed. Bal wadaaddado Ikhwaanul Muslimiin iyo Salafba leh waa taageereen! Sababtu waxay tahay xornimada lafteedaa faa’iido leh. Qofka Tuunis jooga waxaa hadda u furan inuu masaajidkuu rabo galo. In ninku gar la baxo. In gabadhuhu Xijaab qaataan. Marka xitaa haddaan Shareeco Islaam horay ka imaan; intaas baa guul ah. Maaddaama dadku muslim yahay wey dhib yartay inay Islaamkooda ku noqdaan hadday xornimo helaan. Waa arrintaas waxaan kacdoomadaas u soo dhoweynnay. Haddii dadku xurnimadaas ka faa’iideysan waayaan oo inta codeeyaan dimuqraadi iyo cilmaaniyad doortaan haddee Ilaahay hortiis cududaar kama helayaan.
Ogoow ciidamada waddamadaas intooda badan waa muslim. Qaarkood waa u damqanayaan dadkooda. Halka ONLF waxay la xaalayaan yihiin gaalomadow. Hadda gaalomadowdii waxaa ku soo darsamay ciidamadii Ibraahim-dheere ee jihaadka sheegan jiray!
Marka see annagoo Soomaali ah nooga fileysaan in Soomaalida la dagaaleysa Tigreega xasuuqaya shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ee jooga Soomaali Galbeed iyo weliba Soomaaliya aan dhahnno: idinku shacab Soomaaliyeed baad tihiin marka haddaydaan Carab ahayn uma qalantaan inaan idin soo dhoweynno?Ama aan dhahnno weli arrintiina sheekh Qardaawi kama hadal! Hadduu Qardaawi aqoonsado qaddiyada ONLF oo soo dhoweeyo; annaguna waan idin taageereynnaa! Ma Qardaawi baan ka sugnnaa inaan ONLF soo dhoweynno? ONLF iyo shacuubtaas Carbeed waxay u dagaalayaan inay heeryada gumeysiga iska ridaan. Shacabka ONLF baa ugu sii dhib badan. Marka caqligu wuxuu keenayaa in kuwa aadka u dhiban loo badiyo taageerada.
ONLF waa dad hadda sidii ganatadii iska yaacaya oon awood ciidan oo badan heysan. Bal qofkii xukumaya ha sugo inta Ilaah gacanta wax u galinayo. Markay xoroobaan haddii madaxdoodu dimuqraadiyad ama cilmaaniyad doortaan haddee madaxda waa la gaaleynayaa laakiin shacabku mar kasta wuxuu la mid noqonayaa kuwa Somaliland, Puntland, Carabaha, iyo muslimiinta kale. Xitaa waa suurtal in madaxda ururka daaqadda lagala baxo laakiin shacabka taageersan iyo wiilasha dagaalaya waxay la mid yihiin Soomaalidaas Puntland iyo Somaliland joogta.
Marka annaga ummaddaas muslimiinta ah isku meel bay naga joogaan. Marka qofkii raba Ictisaam iyo Islaax ha aado iyagaa shucuubta Carabta oo dimuqraadiyadda ku dagaalayana soo dhoweynaya; ONLF gaalo ku sheegaya!
Marka annagu dadka muslimiinta ah ma gaaleynno. Waxaan ugu baaqeynnaa ONLF inay Shareecada Ilaahay doortaan.
Qofoowna yaan muran kaa galin! Annaga ONLF waa nooga sokeeyaan Zenawi. Wey nooga sokeeyaan Faroole! Wey nooga sokeeyaan Siilaanyo. Siilaanyo iyo Faroole waxaa xukuma Zenawi. Wey dhici kartaa in hogaamiyaha ONLF ku xiran yahay gaalo! Marka qofkii raba isaga hala simo Faroole iyo Siilaanyo laakiin ha la iska jiro shacabka ururkaas taageersan! Xaqiiqdii ONLF ka qaddiyad fiican Puntland iyo Somaliland! Maxaa yeelay Zenawi baa xukuma Puntland iyo Somaliland halka ONLF la dagaalayaan Zenawi. Waa laga yaabaa in la arko ONLF qaarkeed u gashay Zenawi sida dhacday sida horay loogu arkay kuwo Salafiyo sheeganaya sida Ibraahim-dheere iyo Axmed-madoobe ugu galeen Zenawi.
Sida Carabaha iyo Soomaalida looga helayo dad gaalo ah waa laga yaabaa qof qof ONLF ah ama taageera inay gaalo yihiin laakiin shacabka Soomaali Galbeed iyo ONLF waxaan u aragnaa muslimiin. Qaabka shucuubtaas Carabta iyo ONLF u dagaalamayaan ma aha qaabkii la rabay. Marka qofkii gaaleeya shacabka Masar, Liibiya, iyo Tuunis haba gaaleeyo ONLF. Laakiin qof shacabkaas u arka muslimiin; macquul ma aha inuu gaaleeyo ONLF ama halgankooda caayo hadduuba halka Carabtaas taageeray!
Haddaad Ictisaam weydiiso arrinta ONLF waxay u dhowdahay inay caayaan laakiin waxaad arkeysaa iyagoo muxaadarooyin ku soo dhoweynaya kacdoonka Liibya!
Marka haddaan nahay Somalimidnimo.com haddaan ka weynay muslimiinta sidaan rabnnay; ma dhaheynno waan idin tuurnnay laakiin ka quusan meynno inaan la xiriirnno oon iskugu yeernno mabda’ saxda ah. Marka wixii aan kala qaban karo la-dagaalanka Tigreega waan kala qabaneynnaa haddii Ilaah idmo. Sidoo kale sida shacabka Puntland, Somaliland, iyo muslimiinta dhammaantood taageero nooga mudan yihiin baan shacabkaas u taageereynnaa. Marka wadaaddo wareeray marna ha dhaheen shacabka Carabaha ee dimuqraadiyada doonaya “cibaaday” ku jiraan; marna ha gaaleeyaan ONLF oo ha dhaheen cadaab bay ku socdaan!
Kaftan
Waxana ku talin lahayn jabhadda hala daayo! Horta marka hore waxaan ONLF ka dhigeynnaa ANLF! A= Absame. Marka xiga KNLF! K= Kablalax! Marka xiga DNLF! D = Daarood! Marka xiga SNLF! S= Soomaali. Marka ugu dambeeya MNLF. M = Muslim. Marka inta jabhaddu sida Ibraahim-dheere kulligood u gali lahaayeen Zenawi yaan sheydaan ka lagu caawin ee u nasteexeeya
Tafatiraha
Somalimidnimo.com
14 Responses for “Xaggee Somalimidnimo.com ka Taagan Tahay Qaddiyadda ONLF”
Abuzubeida says:
March 15, 2011 at 1:56 pm ASSLAAMA CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU
ALLAAH DARTIIS AYAAN IDIIN JECLAHAY , ALLAHANA IDIIN XAFIDO, SIDAASNA KU SOCDA QOFNA HA U JOOJININA, XAQANA KU SUGNAADA , ALLAHANA IDIIN SUGEE INSHALLAAH
WAXAAN IDIINKA CODSAN LAHAA INAADAYDAAN DIB DAMBE U SOO GUDBIN TACLIIQA QOFKA MAGACA DIRIR WATA OO AAN U FAHMAY INUU CANIID YAHAY ALLAHA SOO HANUUNIYEE, FADLAN DAD KALE OO QABIIL HALAKEEYEY AYUU SALFAN KARAA OO SOO DHOWAAN LAHAA MARKAY KAASOO KALE ARKAAN OOBA IDINLA DIRIRSAN ” WAR TUURA KAAS WARBIXINTIISA QASHINKA KU TUURA KHEYR ALLAHA IDIIN SIIYEE WWW
Dirir says:
March 15, 2011 at 2:14 pm hahahahaha kaftankiina ayaan ku qoslay.
Dee tifatirow horta waad soo dhowaysay laakiin darroodnimadiina waxaad ku darsateen xariifnimo. kkkkkkk. Maanta waxaad nagu wacdinaysaan warkii aad ku haysateen Ibraahim Dheere
Waxaad tidhaahdeen and quote:
“Ilaa hadda lama hayo wadaaddo la cuskado oo wax ka sheegay shucuubtaas Carbeed”"
Dee Ka warrama Qardhaawi iyo salmaan Cawdaha ama Usama Bin ladan?
“. Bal wadaaddado Ikhwaanul Muslimiin iyo Salafba leh waa taageereen! Sababtu waxay tahay xornimada lafteedaa faa’iido leh”"
Waa waareey. Waar ka warrama xoriyadda dacwada iyo nolosha walow nisbiyan ee ay Iitxaadka Soomaali galbeed heleen.
Ka warrama xorriyadda aad MNPLS aad uga soo qortaan webkan iyada oo America aduunka ku gumaadayso muslimiinta as we speak off?
Inta qaadataan midda carabta oo aad tuurtaan tan Ibraahim dheere waa qiyaas macal faariq.
Waana xujo aydan meelna uga bixin karin.
Dee Somalimidnimo timahiina meel ha isugu xiidhmaan. Somali Galbeed raggaasi way xeeriyeen haddii qori wax ku qaadi waayeen. Qoriga ha la iska wato mahan ee inuu ka dhiijiyaa gaalka. Haddii uu dacwadii, xijaabkii, noloshii cibaadka uu dhib u geysto oo dumarkii qaadwale wada noqdaan ama kuwa aan xijaabnayn ama dugsi iyo masjid duminaya dee maslaxa lagu yareyn karo.masfadada wayn in la eego weeye cala saxiix.
Dee lama odhan qori keliya ayaa dhul lagu xoreeyaa. Somaliya qori laguma xoreyn. Masar qori laguma xorayn, Suudaan qori laguma xoreyn, Aljeeriya qori baa lagu xoreeyay markii dambe. Dee bal eega qori waa qayb, dhamaystirka waxaa uu ahaa wada hadal iyo heshiis. Dee yaa yidhi Xabashi qori qudha halagu cabo iyada oo aan awood jidhin.
ONLF aniga waxaan qabaa inay tahay mooryaan dadkii iyo cibaadkii baabisay oo ku leh qori baan sitaa gabadhii aan qori qaadi karin hoosteeda ha u furto bilaa nikaax maleeshiyadeeda. Dilkii iyo dibandaabyada ay u gaysteen shacabka iyo itixaadkii Soomali galbeed waxaa ka daran qandaraaska ay ku qaateen la dagaalanka islaamka saxda iyo beenta iyo marin habaabinta. Dee annaga na siri maayaan.
ONLF waa jabhad dadkeedii iyo xoolahoodi caydhiin cuntay inta Xabashi gaadhin. Jabhad akhlaaqdii iyo diintii Somali galbeed baabisay. Qaabiilkii degaanka Soomaali Galbeed isku dirtay. Jabhad damiirkeeda ka iibasay gaalo oo qaadatay cilmaaniyad. Cisho dhowayd waxay dileen Sheekh Maxamed Dubad raxmatullaahi calayhi isaga oo salaad ka soo baxay, just he want to build Isamic Center in Somali Galbeed.
Mawaasiintiina saxa marka aad wax qiimaynaysaan
Dirir says:
March 15, 2011 at 2:59 pm Abu Zubeida
Dee haddii ay Somalimidnimo maqaaxi kuu shidan dee la arki doone. Waxaad dilaysaa nuxurkii mowduca ay ka hadlaysay Somalimidnimo oo doonaysay inay wax uruuriso. Why as salafiyiinta qaar u yihiin diktaatoor dhar la’ oo sawir xun diinta ka bixiya.
Waar inta iskaadhtid afxmuda iyo jahliga cilmiga sharciga baro. Dirri buu leeyahay qabiiliste weeye. Adeer ONLF dee diin nooma ahan. Kitaabun yutlaaa iyo sunnatun saxiixa wacalaa fahmi salax alsaalix ayaa diin noo ah.
Guuleed says:
March 15, 2011 at 3:48 pm hahaha Dirir dhibadanaa somalimidnimo Dirir malaha waa wadaad yare oo kale ayuu noqday maad naga qabataan, annagu taageerayaasha ayaan nahay, Dirirow horta hadalkaaga lahjad reer waqooyi ayaa ku irta haddii ay saas dhabtahay oo aad Gobalada somaliland la baxay ka soo horjeedo nimankaan somalimidnimo iyo anigaba waxaa amiir u ah abu zubair makr maad naga xishooto nin yahow oo aad murji;adaan aad daba ordaysid maad ka hartid.
Nin wax u kala baxsan yihiin ayaad u egtahay waxbna akhriya waxna dhagaysta marka maad naga daysid jarxi wa tacdiilka aad nagu wado hahaha mida labaad Somali Salafi xaggee ka baxay ma ka raysay
walaalkaa Guuleed oo ku leh Dirirow amaad salafiya jadiidiya tahay wale hadalkaagu nin aan aqoon ayuu u eg yahay Niqaash diyaar ma u tahay?
feerfeer says:
March 15, 2011 at 3:56 pm Dirir waa laga qeyliyey. Miyuusan Dirir ogayn in wax kasta oo la qoro aan la dabodhigan? Marka waxay u muuqataa in Dirir meesha ugu jiro dan khaas ah.
onlf man says:
March 15, 2011 at 4:30 pm dirir nin madax adag ii qalbiga mujrim ka ah waana la yaqaanaa dadka noocaas kula dagaalama umadaha muslimiinta ah ee jeclaada inuu aakhirka sida ibraahim dheere oo kale noqdo maxaa yeelay ibraahim dheere waa siduu odhan jiray hadii ay jiraan madax onlf ah oo aaminsan dimuqraadiyad cilmaaniyad shucuubta caalamka iyo wax la mid ah aniga oo ah onlf ma aaminsani markaa kaanaga la tuhmayo inuu dimuqraadi yahay iyo kaanaga wadadka ah inaan gaalada madaw jafno ayay diidan yihiin wadada kaliya ee ay u soo mari karaan halgankana waa dhinaca diinta dhinac aqabiilka illaahay ayaa xiqdigiina idinka xisaabin anaguna dadna ma gaalayno mana nihin kuwo shar aaminsan dhibaatada aad nala damacsan tahay diriroow illaahay ayaa kaa xisaabin doona
waxaan ilaahay ka rajaynaynaa inay meeshaas ogadeniya la dhoho qabsadaan wadaado salifiyiin ah oo diinta illaahay ku xukuma
asalkeena ayaa ah muslimiin aan aaminsanayn sharka aad nagu sheegaysaan
Abdirahman(ONLF) says:
March 15, 2011 at 4:38 pm SC.
Somaali hanagu wareerina marka hore,kaliya waxaa ogaataan dhowrkan arimood oo aan filayo in ay muhiim tahay si aan idiinka nabdgalno(iibsigiina iyo aflagaadadiinaba) idinkuna aad xal u hesheen(waaba hadii uu jiro wax aad xeerisaane).
In aan nahay dad muslimiin ah oo gaalo sooduushay la dagaalamaya.
In aan dul,adkaysi,iyo wax iska caabin dabiici ahba Allahset.noo siiyay dhibaatooyinkan
In aan dhika ku sugayno nasriga Allah balse aanaan marnaba odhanaynin waxaan la heshiinay Abbassina.
In hadii aad taariikhdiina wax ka taqaanaan aan nahay kuwii bixin jiray kaarka soomaalimada iyo islaanimada ee geeska africa aanuna bixin doono hadii alle yidhaahdo.
Ogsoonaada:in inta badan gobolada soomaalida ay gumaysigii Biritan iyo Italy dabo dhoon u ahaayeen markaan aangu diinta islaaka in taan Harar ka soo qaadnay aan soo gaadhsiinaya Gilgil oo u dhaxaysay Nairobi iyo kampala angoo ka soo duulay saldhigayagii Goobweyn ee kismaayo dusheeda ahaa.
Soomaali afkiina reebta oo naga warsuga intaan idiinka talinayno hadii Allah yidhahdo anaga iyo Abbassiniyadda mucatab ku dirirka in yarbaa isugu kaana hadhay,xaaladda hada lagu jirana waxaa guursada ninka gaya oo kali ah ee ma ahan mid ninkasta u furan.
In aan qolo ogaadeen la yidhaahdo kali ah nahay iyo aan qaran soomaaliya la eg nahay geeska afrikana anaga wax nalaga waydiin doono waa khidda aan ku soconno ilaa iyo hadda siddii aan ugu talo galnay ayay u socota.
Allaahu akbar wacizatu lil muslimiin.
Muslim says:
March 15, 2011 at 4:38 pm Ac
Bacda salaam.
War somalimidnimo waa soo fashilmayaa! waxaan waydiinayaa magadhanaysaan tastuurka ONLF mase akhridaan? hadii aad taageerdh santiihiin urur calmaani ah oo la mid ah SPM, NSF, USC, SSDF iyo kuwa la midka ah ee qabiilka ku dhisnaa warkiina waa fahamnay lakiin dadka inay u cadaato waa ku faraxsanahay. Shacabkuna hadsa waa idiin fahmay.
Dirir says:
March 15, 2011 at 5:16 pm Muslim iyo Guuleed
Waar kuwan calalada sita oo habraha u habaartamaya dee maxay ahaayen. maanta waxay maraysaa haddaad ONLF taageersanayn Somalimidnimo halaga saaro. Wagar. Dirir waa Jihaadi diidan dad aan matali karin jihaadka. ONLF waxaan qabo dee qeexay. Dood ninkii qaba daaha ha iska qaado.
Imminka waxaa nolosha igu qalaya waa qaar ka mid ah Somali Galbeed oo doonaya inaad diintayda ku iibsado beenta ONLF.
Guuleed
Salafiyada jadiidiga waa niman gabay ka run sheegidda diinta.
umu mujaahidiin says:
March 15, 2011 at 5:16 pm asc akhwani fil caqiida bacda salaan walalayaal ninkaan wata magaca dirrir waa rufiyaan ee iska saara oo tacliiq danbe yuusan soo dirin waa nin jiran oo qalbigiisa qabyaalad baaa qudhmisay ee iska jara veyrus buu wataaa dhowr mar baaan arkay isagoo qabyaalad ka hadlaya ama wax caayaya
to Dirrir ilaahey baaa Daarood naga dhigay alxamdulilaah marka haduu ku dhibaayo magaca Daarood walaale sagaal galaas biyo cab oo seexo kkkkkkkkkkkkkkkkkk
siyaad says:
March 15, 2011 at 6:22 pm aww
waxay ila tahay si guud marka looga hadlayo madaxda Somaliland,Puntland iyo kuwa xukuma ONLF waa isku shacabka halkiisa udaa .sidaas daraadeed nooma kala sokeeyaan sadexdaa murtad ninkii gacan bidixaynayaa yaanuu diinta ku gaban
siyaad says:
March 15, 2011 at 6:35 pm aww
inta aad kala qaadaysaan madaxda Somaliland,Puntland iyo kuwa Onlf xukuma arinkiinu sax maaha ONLF waxay la mid tahay kuwa la socda Tigreega ee uu shariif wato waxay galaana waan la soconay dhawr iyo tabanka sano markaa dameer iyo labadiisa dhegood hay kal qaadin.Admiralka,Silanyo iyo Faroole waa isku mid ciidankooduna waa la mid shacabka cidii taageertaana waa la mid ee bahasha qabiilka ka daa
SOMALIMIDNIMO says:
March 15, 2011 at 7:15 pm Dhibta Soomaalida heysata waxaa weeye waxay diidaan uma keenaan caddeyn. ONLF ma aha ninka xukuma iyo ciidan kaliya! Waxay leeyihiin boqollaal kun oo shacab ah oo ka badan ciidankooda! Xitaa haddii la yiraahdo hogaamiyahooda iyo ciidanka hala dhaho Ashahaado-la-dirir sida kuwa Puntland iyo Somaliland; yaa garanaya wax gaaleeyey shacabka Puntland iyo Somaliland ileyn waa iyaga intaas oo jeer shirar ku qabsada dunida dacalladeeda?!
Teeda kale meeday arrintii kacdoonka Carabta! Inkastoo dad kheyr badan ka buuxo laakiin mid kastoo saxaafadda la hadla oo shacabka Carabta ee kacdoonka sameynaya wuxuu leeyahay: waxaan rabnnaa dimuqraadiyad! Shaki ma leh inay khalad tahay ee yaa arkay sheekh leh waa gaal qofkaasi? Ma u maleynayo in shacab badan oo caamo ah ay yaqaannaan micnaha dimuqraadi! Laakiin qofkii fursad u hela madaxtinimo oo halkaas la soo istaago dimuqraadiyad isagoo Shareeco heli kara waa la gaaleyn karaa marka ma dadkoo dhan baan gaaleynnaa?
Xagayaga xukaamtu muslimiinta xukunta waa gaalo. Waxaan ka hadleynnaa kuwa Qurumada Midoobay ictiraafeen. Ma qabnno mana arag cid tiri ciidanka Masar ama kan Sacuudiga waa wada gaalo! Ogoow ciidanka waddamadaas marar badan waxaa si toos u ah u xukuma Maraykan! Wey dhici kartaa in ONLF taageero ka helaan gaalo laakiin marna kama hoos mari karaan ciidamada Carabtaas. Marka qofkii ciidanka Carabaha iyo shacabkooda gaaleysiinaya ha gaaleysiiyo ONLF iyo shacabkooda laakiin haddii xukaam laga hadlayo arrinta halagu koobo ninka madaxda u ah jamhaddaas. Mar kale ciidamada jabhaddaas kama dhacaan kuwa Sacuudiga, Siiriya, Masar, Lubnaan oo qaarkood si toos ah Maraykan ugu shaqeeyo.
Hadal lama saarnaadee waa kee sheekha ciidamada iyo shacabka Carabta wada gaaleeyey? See marka nooga fileysaan inaan ciidanka ONLF iyo shacabka taageera u wada gaaleynno?
Annagu waxaan qabnnaa wixii iyaga ah oo soo raaca gaalada iyo gaaloraacyada haddee seeftaa qaadeysa laakiin wixii raba inay Zenawi la dagaalaan in la taageero. ONLF oo Itoobiya xukunto baan ka jeclaan lahaa in Zenawi xukumo. Inkastoo Siilaanyo iyo Faroole aan labo murtad u aragnno haddana tagitaanka Puntland iyo Somaliland baa ka fiican Addis Ababa! Sabab? Weli si toos ah uma xukumo Zenawi, sidoo kalana Faroole iyo Siilaanyo weli ma leh awood buuxda sida Qadaafi oo kale. Waxaa la xiraa qofkii shacabku uusan dan ka lahayn oo diin lagu xiro. Ileyn shacabku ma gaarin heer ay u damqadaan diintee. Laakiin qofkii qabiilkiisu difaaco cidna wax kagama qaadi karto Puntland iyo Somaliland. Waa arrintaas waxay culumada iyo musaafirka u xiraan! Marka wixii ciidankaas ah ee Zenawi la dagaalaya halagu taageero. Teeda kale miyedaan arag inaan isticmaalnno Qabuurogaleen iyo gaaloraac.
Marka la leeyahay Mushrikiin waxaa ku jira labo arrimood:
1- madaxda nimankaas waa gaalo oo arrimo badan bay diinta uga baxeen.
2- Marka qabuurogaleenka oo dhan la siiyo magaca mushrikiinta yaan loo qaadan in laga wado kulli waa gaalo. Saas maaha. Waxaa laga hadlayaa shirkiga noocyada badan leh ee ay ku jiraan. Markii aan kulli xujada ku oognno oo fursad la helo; hadday kulli diidaan waan wada gaaleyneynnaa laakiin Suufiyada oo dhan lama dhihi karo waa gaalo. Marka mustalaxa hala barto.
Haddii la arko Faroole ama Siilaanyo ama Maxamed Cumar oo la leeyahay waa murtadiin yaan loo qaadan in ciidankooda iyo shacabkoodoo dhan gaalo yihiin!
Somalimidnimo.com
Dirir says:
March 15, 2011 at 7:24 pm Umu Mujaahideen
Nacmal ismu ismuki wa bisa maa qulti huunno. Dee daaroodkaada hayso laakiin diidnay ONLF in la difaaaco. Taasi dee qabiil mahan. Wagar war dumarkiibaa daaqad nagal bixi raba. hahaha. Waar towxiidka iyo alwalaa walbaraagi halkuu idanka jiidhay. Why marka la waayo nusuus lagu difaaco khaladka diiniga ama baadhilka lagu qurxiyo loogu galalaxaa waa qabyaalad iwm.
Magaca mujaahidiinta ha ceebaysan haddii kale walle habalahaada ayaad geed ku xidhaysaa.
Siyaad
Alla yacizak.
