
Waxaa maanta xariga laga jaray Kawaan weyn oo xoolaha lagu qali doono kaasi oo lagu wareejiyey shirkadda hilibka Puntland (Puntland Meat Company).

Xarig ka jarista dhismahan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin katirsan Dawladda Puntland, maamulka degmada Bossaso, hay’adihii maalgeliyey iyo qaar kamid ah ganacsatada magaalada Bossaso.

Dhismahan ayaa waxaa dhistay hay’adda (FAO) waxaana maanta si gaar ah loogu wareejiyey ganacsatada shirkada hilibka Puntland kuwaasi oo ku shaqayn doona.

Ugu horayntii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Faarax Beeldaaje oo afka hay’adaha maalgelisey mashruucaan ku hadlay, waxaana uu sheegay in hay’adda FAO ay dhistay dhismaha sare ee guriga xoolaha lagu qali doono, isaga oo intaasi ku daray in xeryaha xoolaha iyo wareega ay ku dareen ganacsatada Bossaso qaar kamid ah.

Duqa Degmada Bossaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in dhismahan hay’adda Faw markii hore ay dhamaysay ay ku wareejisay Dawladda hoose ee Bossaso.

Waxaana uu intaasi ku daray in Dawladdu ku wareejisay ganacsatada oo si khaas ah u maamuli doona, sidoo kale waxa uu sheegay in hilibka Bossaso lagu qali doono Kawaanka maanta laga furay magaalada.

Sidoo kale Cumar Ismaaciil oo ah guddoomiyaha ganacsatada la wareegay dhismaha gawraca xoolaha ee maanta xariga laga jaray ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey qaabka uu u shaqayn doono Gawaanku.

Waxa uu sheegay in Kawaanka lagu qali doono xoolaha sida Geela iyo Ariga kadibna la geyn doono magaalada, isaga oo xusay in 16-ka xaafadood ee Bossaso loo samayn doono meelo ay hilibka ka qaataan.

Waxa uu intaasi ku daray in mustaqbalka ay rajaynaayaan in hilibka shirkaddu soo saarto loo dhoofiyo dibadda, taasina waxa uu ku tilmaamay mid aad loogu baahnaa xilligan isla markaana ah horumar lagu talaabsaday.
Cumar Ismaaciil guddoomiyaha ganacsatada la wareegtay dhismaha Kawaanka ayaa mar uu ka hadlaayey faa’iidooyinka ku jira waxa uu sheegay in laga soo saari doono hilb la ilaaliyey nadaafaddiisa iyo sidoo kale in laga faa’iidaysan doono qaar kamid ah xubnaha xoolaha oo hadda la xooro ama la tuuro kolka neefka la qalo.
Qaar kamid ah ganacsatada hilibka iibisa ee magaalada Bossaso ayaa soo dhoweeyey Kawaanka loo sameeyey, waxayna balanqaadeen in ay siweyn ula shaqayn doonaan.
Waa markii ugu horaysay oo Kawaan caynkan ah laga furo magaalada Bossaso kaasi oo ay si gaar ah u maamuli doonaan ganacsatada magaalada ee ku bahoobay shirkadda hilibka Puntland, walow ay horay u jireen kuwo yar yar oo xoolaha ilaa hadda lagu qalo.


