Breaking news 2 captured behind bomb blast

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Breaking news 2 captured behind bomb blast

Post by CoolPoisons »

Baladxaawo: (Sh. M. Network) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen ragii shalay qaraxa la beegsaday Saldhiga ciidamada booliska ee degmada Baladxaawo ee gobolka Gede kaasi oo qasaaro kasoo gaaray Saraakiil ka tirsan dowladda.



Gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdi Kaliil oo u waramayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay gacanta kusoo dhigeen labo nin oo uu sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Shabaab kuwaasi oo lagu eedeynayo inay ka dambeeyeen weerar Miino oo shalay lala eegtay Saldhiga degmada Baldxaawo ee gobolka Gedo.



Max’ed Cabdi Kaliil ayaa waxaa uu tilmaamay in labadaani nin ay soo qabteen ciidamada dowladda Maxkamad lasoo taagi doono islamarkaana lala tiigsan doono sharciga, isagoo tilmaamay in qaraxii shalay ay ku dhaawacmeen Taliyihii Saldhiga degmada Baladxaawo oo lagu magacaabo Xasan Gacameey iyo Sarkaal kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Sanweyne oo ahaa ku xigeenka, waxaana uu la sheegay in dhaawacyadooda lagaarsiiyay dalka Kenya.



Qaraxii shalay ka dhcay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab islamrkaana waxaa ay tilmaameen in qaraxaasi uu qasaaro u gaystay ciidamo faraban oo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya hase ahaatee mudooynkii dambe ayaa qeybo ka mid a gobolka Gedo waxaa ka jiray dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”