Breaking news ciidaamo ka tirsan DKMG isku dhiibay Al shabab

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Breaking news ciidaamo ka tirsan DKMG isku dhiibay Al shabab

Post by grandpakhalif »

Maamulka Islaamiga Gobolka Gedo ayaa caawa sheegay in ay iskusoo dhiibeen ciidamo katirsanaa Dowladda KMG ah oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Ceel-Waaq ee Gedo.
Gudoomiyaha Gedo ugu magacaaban Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabaas oo caawa lahadlay qaar katirsan warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka maamulkooda ee ku sugan tuulada Buursaar ay usoo galeen 3 Askari oo katirsanaa ciidanka dowladda ee Ceel-Waaq ku sugan.
Sheekh Cabaas wuxuu sheegay in Askarta isisoo dhiibtay ay Tababaro kusoo qaateen deegaanka Siyeelow ee gudaha Kenya islamarkaana ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan.
“Ciidanka maamulka Islaamiga Gedo ee ku sugan Buursaar waxaa iskusoo dhiibay 3 Askari oo ku hubeysan qoryaha AK47 si wanaagsan ayaan ula dhaqmi doonaa”ayuu yiri Sheekh Cabaas.
Ilaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Saraakiisha Ciidanka Dowladda KMG ah oo ku aadan ciidamada la sheegay in ay Ceel-Waaq iskasoo dhiibeen.

http://www.allgedo.com/2011/03/22/ciida ... b-ee-gedo/
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”