Saraakiil u hadashay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in Gaadiidka oo saarnaa Qoriga Dhashiikaha ay la socdeen labaatameeyo Ciidan oo ku hubeysnaa Hubka boobayaasha, iyadoo Horjoogayaal la socday Ciidamada soo goostay ay la hadleen saxaafada
Xidigle C/naasir oo ka mid ah Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada isa soo dhiibay ay ahaayeen ragg walaalahooda, kana faa'ideystay mudada ay Dowladda u qabatay, isagoo sheegay in Ciidamada Shabaab u qeybsameen kuwo haraad iyo rafaad ku dishay deegaanada Howdka iyo kuwo raadinaya inay isaga soo baxaan.
"Ciidamadan waxay ahaayeen kuwii gobolka Gedo ka dagaal galayay, shalay galab ayay noo yimaadeen, waliba iyagoo haraad ka muuqda iyo diif, sidaas darteed wan soo dhoweynay"ayuu yiri Xidigle C/naasir.
Sidoo kale Sarkaal hogaaminayay Ciidamadan ayaa sheegay inay jiraan ragg kale oo ay saraakiil ku jiraan inay isaga soo tagaan Shabaab, kuwaasoo uu ka xusay Gudoomiyihii hore Xisbiga u qaabilsanaa Gobolkaas Barre Qooje sida uu yiri.
Xarakada Alshabaab ayaa dhowaan gacantooda ka baxday deegaano badan oo ka mid ah Gobolka Gedo, kadib dagaalo culus oo ka dhacay degmooyinka Beledxaawo iyo deegaano u dhow dhow Ceel-waaq.
Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Afhayeenada Shabaab oo warka beeninaya iyo in kale, iyadoo inta badan dhinacyada iska soo horjeeda ay wada sheegtaan inuu isu soo dhiibay ciidan dhanba dhanka kale ka soo goostay.
Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com
http://www.jowhar.com/news.php?readmore=551
Once again Unite Beesha Sade!!
