SNM evil group fake story King Makhir took $4000

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

mashallahbro
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 685
Joined: Fri Feb 25, 2011 9:30 pm
Location: Sultan from Upstate Hadaaftimo with that Oil Paper........BALLINNNNnNN

SNM evil group fake story King Makhir took $4000

Post by mashallahbro »

Warbaahinta Somaliland-tu maxay ka qortey Suldaan Siciid, $4000 IYO BAABUUR LASIIN LAHAA OO UU SALUUGEY!!


Posted by Abu Mucaad on March 22, 2011 in Warar | 0 Comment
Warbixin dheer oo ay qortey maareegta Hadhwanaag oo ay kaga faalooneyso Suldaanka Guud ee Beesha Maakhir ayaa waxay ku sheegtey in Suldaanku saluugey kulankii Hogaamiyaha Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo mareegtu sheegtey inuu Suldaanku Saluugsan yahay $4000 oo dollars ah oo ay Xukuumada Siilaanyo siisey iyo baabuur loo balan qaadey oo looga baxay.

Hadaba maqaalkan ayaanu ugu talo galney iney akhristaan raga u milicsanaya una gacan haadinaya maamulka Siilaanyo iney u danbeyn doonto sharaf dhac, aflagaado, cay iyo bahdilaad.

Waxaa xusid mudan in Suldaan Siciid uusan kasoo qeyb gelin howlihii doorashooyinka Golaha Badhan iyadoo taasi ay dad badan u fasirteen iney tahey inuu Suldaanku noqdey SIYAASI isla markaana maamulka Badhan diidan oo kasoo horjeeda?

Akhristow, maqaalka ay qoreen mareegaha Somaliland kadib waxaa furan dooda ama comments-ka oo qofkasta uu ka dhiiban karo fikir arintan sharaf dhaca ah ee in suldaan beel ay leedahey sameeye waayo maxaaba aslan geeyey Hargeysa?

Maqaalkii Waakan

Suldaanka Warsangeli iyo Xubno Wehelinayey Oo Niyad-jab Kala Laabtay Kulan Ay Madaxweyne Siilaanyo La Yeesheen
Ceerigaabo(HWN):- Suldaanka guud ee Beesha Warsangeli Suldaan-Siciid Suldaan-C/salaan oo muddo saddex toddobaad ku siman isaga iyo xubno odayaasha beeshiisa ahi safar ku joogeen

Ceerigaabo(HWN):- Suldaanka guud ee Beesha Warsangeli Suldaan-Siciid Suldaan-C/salaan oo muddo saddex toddobaad ku siman isaga iyo xubno odayaasha beeshiisa ahi safar ku joogeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa wxay horraantii toddobaadkan dib ugu laabteen magaalada Ceerigaabo.

Suldaankan iyo xubnaha weheliyey ayaa muddadii ay caasimadda ku sugnaayeen waxay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo xubno sar-sare oo xukuumaddiisa ka tirsan haseyeeshee kulankaas kaddib waxa soo baxay warar tibaaxaya saluug suldaanka iyo xubnihiisu kulankaas ka muujiyeen “Madaxweyne-Siilaanyo iyo xukuumaddiisa waannu is aragnay balse afar nin oo isku reer ah ayaa miiska noo soo fadhiistayoo arrintayadu waxay u muuqatey laba beelood oo kulmay”. Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah xubnihii suldaankaa kulankaas ku weheliyey oo isagoo Hargeysa jooga telefoonka kula hadlayey saaxiibkiis oo Ceerigaabo ku sugnaa”.

Sida uu ku soo warramayo Weriyaha HargeisaStar ee Gobolka Sanaag Cabdirisaaq-Terra, ila-wareedyo iyaguna kulankaas xog ogaal u ahaa ayaa sheegay xukuumaddu dhinaceeda si weyn in ay usoo dhowaysey suldaanka iyo xubnihiisa islamarkaasna kasokow suldaanka sooryo ahaan xubnihii isaga weheliyey oo in badan oo markii hore aan la soconi Hargeysa kaga biireen mid kastaba la siiyey sooryo dhan US$ 4000.

Dhinaca kale maaddaama suldaankani aanu jeclayn inuu saxaafadda la kulmo taasna saxaafaddu aragtiyo kala duwan ka qabto, taasi darteed ma jirto wax war arrintan kusaabsan oo dhinaca suldaankan iyo xubnihiisa kasoo baxay sidoo kalena saxaafadda oo suldaankan axaddii ku booqatay gurigiisa magaalada Ceerigaabo ayuu ka gaabsaday wax wada hadal ama waraysi uu siiyo iyo xataa inuu waqti danbe la kulmi doono intaba isagoo yidhi “Imminka hawl baan haystaa oo oday ayaa ila jooga”. Sidoo kalena markii saxaafaddu codsatay waqti inuu u qabtona wuxu yidhi “Waynu is arki doonnaa”.

Waxana wararku intaas kusii darayaan saluugga xilligan in ay qayb ka tahay suldaankan oo kulanka madaxweynayaasha dhex mara ay geed ka-go’an u ahayd hal baabuur cusub oo lasiiyo kaasoo xilligan gacantiisa ka maqan.

Sikastaba ha ahaatee saluuggan soo kala dhex galay suldaankan beesha Warsangeli iyo xukuumadda sare ee Somaliland ayaan dhab ahaantii la ogayn halka uu salka ku hayo islamarkaasna aan lasii saadaalin karin saamaynta wada shaqayneed ee isaga iyo xukuumadda Somaliland.

Waxaana Suldaankani xilligan kusii jeedaa dhinaca degaannada bariga Sanaag ee fadhigiisu yahay oo waqtigan ay ku sugan yihiin xubno sar-sare oo maammul-goboleedka Puntland ka tirsan oo beryahanba degaannadaas ka wadey hawlaha dar-dar gelinta iyo tayaynta maammulkooda ilaa iyo hadda inta la ogyahayna fuliyey arrimo ay ka mid tahay maammul-degaaneedyo (local councils) ay degaannadaas ka hirgeliyeen.

Mustafe-Janaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
mashallahbro
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 685
Joined: Fri Feb 25, 2011 9:30 pm
Location: Sultan from Upstate Hadaaftimo with that Oil Paper........BALLINNNNnNN

Re: SNM evil group fake story King Makhir took $4000

Post by mashallahbro »

SNM Silaanyo Warlord is desperate how could anyone support Somali killers! Brothers and sisters you need to repent for supporting groups spreading death chaos murder and propaganda to undermind Somalia. The King of Sanaag and Bari will not let SNM groups belittle his traditional power. Yaa akhi!


Your brother

Mashallahbro
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: SNM evil group fake story King Makhir took $4000

Post by Keyse_0208 »

Enjoy the song maanshalla bro :lol:

mashallahbro
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 685
Joined: Fri Feb 25, 2011 9:30 pm
Location: Sultan from Upstate Hadaaftimo with that Oil Paper........BALLINNNNnNN

Re: SNM evil group fake story King Makhir took $4000

Post by mashallahbro »

Ceeb ilaahi ka baaq! Be informative and engage in this post or do not waste with useless insults.

Your brother

Mashallahbro
User avatar
Kukri
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6571
Joined: Thu Oct 02, 2008 8:21 am
Location: Jigjiga

Re: SNM evil group fake story King Makhir took $4000

Post by Kukri »

mashallahbro

As Del boy would say...'you dozzy twong!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”