Deeqo La Gaarsiin doono Deeganada Abaaraha ay Ka Jiran pland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Deeqo La Gaarsiin doono Deeganada Abaaraha ay Ka Jiran pland

Post by FBISOMALIA »

Boosaso ( RBC Radio ) Dawlada Imaaradka Carabta ayaa Doon Raashin ah Waxaa ay ugu Deeqday Dadka Abaaraha Ku Habsadeen Ee deeganada Puntland.

Sida uu Warbaahinta U sheegay Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire Waxaa dhawaan Guud ahaan Gobolada Puntland Loo kala diri Doona Deeq Raashin ah Oo loogu Talagalay Meelaha Sida Adag u saameysay Abaarta ka jirta Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay In La Bilaabay Dajinta Raashinka Loogu Talagalay Dadka abaaraha ku Dhaceen Ee Puntland Ku Dhaqan Waxaana Uu intaasi raaciyay Gobol Walba oo Puntland ah In Rashiinkan Wixii Ku Soo Beegma La Gaarsiin Doono.

Qaabka Bixinta raashinkani ay dawlada Imaaradka Carabta Ugu Deeqday Puntland ayaa Waxa uu sheegay in Dhamaan Maamulada Gobolada kala duwan Ee Puntland ka Qayb qaadan Doonan sidii Raashinkasi Loo Gaarasin Lahaa Dadka U Baahan ee Abaarta Saameynta ku Yeelatay.

Dhinaca kale Wasiirka Maliyada Puntland Faarax Cali shire ayaa u sheegay Bulshada Puntland in ay Iyaga Gudahooda is Caawinaan Marka La eego dhinaca abaaraha Taasi oo sheegay in ay Tahay Wadad Looga Bixi karo Abaarta saameynta ku yelatay Dalka Oo Dhan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”