Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Gacanta Ku Dhigay Lix Nin Oo Bu

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Corruption1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1297
Joined: Fri Mar 04, 2011 8:30 pm
Location: London

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Gacanta Ku Dhigay Lix Nin Oo Bu

Post by Corruption1 »

Good Job by Ciidanka xeebaha :up: :up:
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Gacanta Ku Dhigay Lix Nin Oo Budhcad Badeed Ah


March 23rd, 2011

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag, ayaa galabta lix nin oo budhcad badeed ah ku qabtay biyaha rabshiga oo 30KM dhinaca Bari ka xigta Magaalada Maydh, sida uu shaaca ka qaaday Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf Otor.

“Waxaanu lixdan nin ee budhcad badeedka ah oo u dhashay maamul goboleedka Puntland aanu ku qabanay galabta abbaaro 4:00 galabnimo Biyaha Rabshiga oo 30Km dhinaca bari kaga beegan magaalada Maydh,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag.

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in lixdan nin ee budhcad badeedka ahi ay ku qabteen dooni dheeraysa oo ah nooca ay ku eryadaan maraakiibta.

“Nimankan waxa watay ninka la yidhaahdo Cumar Cabdilaahi Cabdi, oo aanu muddooyinkan oo dhan magaciisa haynay, waxa nala soo socod siiyay oo biyahooda ka soo eryay Ciidanka Xeebaha ee dalka Yeman oo aanu wada shaqayn leenahay,”ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Otor oo u waramayay Waraabintu.

Taliyuhu wuxuu ammaanay ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag ee hawl galka budhcadaasi lagu soo qabtay fuliyay waxaanu sheegay in nimankan oo ku xidhan saldhiga degmada Maydh la horgeyn doono maxkamadda.

Ma aha markii u horaysay ee Ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland ay gacanta ku dhigaan kooxaha budhcad badeeda waxaana jiray illaa shan kooxood oo hore oo lagu qabtay biyaha Somaliland isla markaana lagu maxkamadeeyay dalka.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

http://www.somaliland.org/2011/03/23/ci ... badeed-ah/
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Gacanta Ku Dhigay Lix Nin O

Post by SahanGalbeed »

Good job indeed .
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Gacanta Ku Dhigay Lix Nin O

Post by Cali_Gaab »

Fockin hell, the amount of bintilanders in our prisons is unbelievable. Somaliland needs to start taking advantage of their prisoners by forcing them to do hard labour, road works preferably.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”