
Gaalkacyo : Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo waxaa ka soconaya Olole balaaran oo Indho-fiiqid ah oo ay wado hay’ada MSF-Holland waxaana fulinaya dhakhaatiir Soomaali iyo Pakistan-niyiin isugu jirta kuwaas oo ka kala socda Ururada qaabilsan indhaha ee AL-Basar iyo Al-Nuur.
Dhakhaatiirtan waxay kala yihiin 7 Soomaali ah oo uu hogaaminayo Dr. C/risaaq Axmed Dalmar iyo 11 Pakistan u dhalatey, ololahan waxa uu soo bilawdey 12-Maarso-2011 waxaana uu ku bilawdey diiwaangalin iyo baaris wada socda waxaana ilaa hadda ay diiwaangalinta iyo baaristu maraysaa 1712 qof waxaana qaliin ka noqdey tiradaas 233 qof.

Isuduwadaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalka Mudug Axmed Faarax Maxamuud waxa uu sheegay in Ololuhu uu siweyn u socdo ayna sii badanayaan dadka u imaanaya diiwaangalinta iyadoo laga imaanayo Gobalo kale sida Nugaal iyo Dhinaca Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.
Isuduwuhu waxaa uu sidoo kale sheegay in Maantey ay dhakhaatiirtu bilaabeen Indho-fiiqida iyagoo qalay maanta 78 qof Maantey oo Jimce ah waxay dhakhaatiirtu sameeyeen qaliin waxaana indhaha loogu fiiqay 78 qof, bari oo Sabti ah hadii alle idmo waxaa la qali doonaa 102 qof, Axada waxaa la dhamaystiri doonaa dadka qaliinka noqdey, insha allahu Isniinta oo ku began 28-ka Maarso 2011 waa lasoo gabogabyn doonaa ololahan oo soo bilawdey 12-kii bishan”. Ayuu yiri Isuduwaha Gobalka Mudug ee Wasaaradda Caafimaadku.

Mashruucan Indho-fiiqida ah ee ka socda Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo waxaa iska kaashaday hay’ada MSF-Holland iyo Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland. MSF-Holland waxay bixisay wax walba oo kharash ah oo ku baxayay Ololahan. Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa aad u amaan iyo mahadcelinba u jeediyey waxqabadka hay’ada MSF-Holland iyadoo uu sheegay wasiirku in qaybaha TB-da iyo Caruurta ee ay MSF-Holland gacanta ku hayso ay yihiin qaybaha ugu shaqada fiican Puntland

Dr. Cali Cabdullahi Warsame waxaa amaan gaar ah usoo jeediyey Madaxda hay’ada MSF-Holland ee Xafiiska Nairobi, isagoo sheegay in hada ka hor si xun loola dhaqmay MSF-Holland arintaasna uu aad uga xun yahay hayeeshee wasiirku waxa uu tibaaxay in xiriirka MSF-Holland uu yahay mid aad u wanaagsan. Qorshaha ololahan lagu fulinayay ayaa ahaa mid Wasiirka Caafimaadku uu ka codsaday hay’ada MSF-Holland in ay fuliso mashruuca Indha-fiiqida ah kadib markii ay ku kulmeen magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
