puntland project to Provide puntlanders more jobs

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

puntland project to Provide puntlanders more jobs

Post by FBISOMALIA »

Image

Waxaa Maanta ka furamya Xarunta wasaarda Shaqada Iyo Shaqaalaha Kulan ay soo wada Qaban Qaabiyeen hay’adda Ilo iyo Wasaarda Shaqda iyo Shaqaalaha ee Puntland kulan kaas oo ahaa mid kusaabsan xog uruurin heerka shaqo la’aan ee ka taagan deegaanda Puntland.

Xog uruurintaan oo lasoo waday illaa sanadkii 2009 ayaa waxaa looga goleeyahay in lo ogaado shaqalaanta dadka reer Puntland inta ay legatahay iyo qaabka looga gudbi karo in lahelo.

Waxaan kulan kaan furitaan kiisa kasoo qayab galay Wasiirka ku xigeenka Shaqad iyo Shaqaalha Puntland Saciid Daahir Qodax Iyo Saraakiil Kasocata Hay’adda ILO.

Waxaa ugu Harayn Goobtaa Ka hadalya Sarkaal Sare oo ka tirsan hay’adda Ilo oo Lagu Magcaabo Cali Suudaani waxaan uu sheegay in Barnaamijkaan uu yahay Mid Ku Saab San Daraasaad Mudo socaday Kasoo ahaa In lo ogaado Xaalda Shaqalaan ee haysa dadka reer Puntland.

Cali Sudaani ayaa intaa raaciya In kulan kaan uu yahay Mid Kusaabsan sidii dadka loogu abuuri lahaa Shaqo Nadiif ah. Wuxuuna intaasi raaciyey in kulaankaan uu yahay mid kii ugu danbeeyay oo kamid ahaa kualmadii wada tashiga ahaa ee horay loo soo qabtay.

Kulanka maanta wuxuu ahaan doonaa mid lagu soo gaba gabeenayo xogtaas loon gudbo barnaamijkii shaqo wanaag ee Soomaaliya kasoo ay Puntland qayab ka ahayd.

Wasiir Ku xigeenka Shaqad iyo Shaqaalha Saciid Daahir Qodax, oo si rasmi ah u furay kulan kaan ayaa waxaa uu sheegay in kulan kaan uu yahay mid kii sadexaad kulamdii hore qaybtoodan ay ka dheceen dalka, kuwana ay ka dheceen dalka dibadiisa oo ayna ku wajahnaayeen sidii loo samayan lahaa shaqo abuuris ayana kulamdaa hore ay isgu yimaadeen qayabha shaqo abuurka.

Wasiir Ku xigeenka Shaqada Iyo Shaqaalha Saciid Daahir ayaa Intaa Ku daray in qaybaha Kulankaan kasoo qayab galay looga baahan yahay in ay ka fiirasdaan xogta lagu soo bandhigaayo kulankaan madaama ay tahay kulan kii ugu danbeeyay.

Kulankaan Maanta ayaa Waxaa Kasoo qayab galay Qayabaha Bulshda rayidka ee kala gadisan iyo wasaardaha dowalda Puntland qaybtood.

Maxamed Saciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe-Puntland
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: puntland project to Provide puntlanders more jobs

Post by quark »

:som: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”