Xuska Maalinta Miinada Aduunka Oo Puntland Laga Xusay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Xuska Maalinta Miinada Aduunka Oo Puntland Laga Xusay

Post by FBISOMALIA »

Image

Garowe (RBC Radio):- Xuska maalinta miinada ee Aduunka ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, halkaasi oo lagu soo bandhigay khatarta miinada.

Munaasabada maalinta miinada ee Aduunka ayaa waxaa lagu qabtey xarunta Wasaarada Amniga ee dowladda Puntland, waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweyne xigeenka Puntland Gen, C/samad Cali Shire, Wasiirka Amniga ee dowladda Puntland Gen, Yuusuf Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay hay’adaha ka shaqeeya arimaha miinooyinka.

Wasiirka Amniga dowladda Puntland Gen, Yuusuf Axmed Kheyre ayaa ka sheekeeyay khatarta miinada iyo waxyeelada ay soo gaarsiiso bini’aadamka, wuxuuna tusaale u soo qaatey qatartii ugu dambeeyay ee dadka u geysato oo ka dhacdey degmada Laasqoray, wuxuuna intaa ku daray in ay jirto howlgalo lagu saarayo miinooyinka looga tagey goobihii colaaduhu ka dhaceen.

Madaxweyne xigeenka Puntland Gen, C/samad Cali Shire oo ka hadley munaasabadii lagu xusayey maalinta miinada Caalamka ayaa wuxuu mahad celin iyo boggaadin u diray dhamaan hay’adaha miinooyinka ka shaqeeya ee ka howlgala Puntland kuwaasi oo uu tilmaamey in ay jiraan howlgalo ay miinooyin kaga saareen dhowr goobood oo qaarkood ku yaaliin gobolka Mudug.

Xuska maalinta miinada Aduunka ayaa sidoo kale waxaa xus u dhigtay hay’adaha Handicap International oo ah hay’ad ka shaqeysa khatarta miinada isla markaana dadka ka wacyi gelisa oo barta sida ay uga digtoonaan karaan goobaha miineysan, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Puntland

link audio voa radio

http://www.voanews.com/somali/news/Garo ... 83169.html
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”