Furataanka cisbistaalkan oo dhismihiisa ay fuliyeen hay’adaha gargaarku, waxa ka soo qaybgashay wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland, madaxda gobolka Daad-Madheedh iyo dadweynaha ku nool magaalada Oodweyne, iyada oo la dhamaytiray inta badan qalabka loogu talagalay cisbitaalka sida ay sheegeen madaxdii ka hadashay furitaanka cisbitaalku.
Wasiirka ku xigeen caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ka hadashay munaasadaas, ayaa sheegtay in cisbitaalku uu wax weyn ka tari doono baahida caafimaad ee ay qabeen shacabka gobolka oo ah mid ay ballaadhan tahay baxaadeedu, waxaana ay sheegtay in wasaarada caafimaadku ay gacan ka gaysan doonto socodsiinta adeegyada cisbitaalka, isla markaana ay bixin doonto agabka loo baahan yahay iyo mushaharka shaqaalahaba.
Dhanka kale, waxa isna xadhiga laga jaray cisbitaalka TB-da ee magaalada Oodweyne, oo isna xidhnaa muddo dheer , si toos ahna loogu daaweyn doona bukaanka qaba xanuunka qaaxada.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.


