1. Waxa laga Hirgeliyey Madaarka Caasimada Dhismayaal Cusub oo badna iyo Dib u habayn badan kuwaas oo looga golleeyahay in korlooqaado tayada adeegyadiisa iyo in la Buuxiyo Shuruudaha Madaarada Caalamiga ah.
The H. airport is being revamped as we speak, as can be seen at the start of the following video .
2. Sidoo kale wax Dib u habayn lagu sameeyey Madaarka Magaalada Berbera Adeegyadiisa kala duwan tusaale ahaan Barxada wayn ee u dhaxaysa dhismaha Madaarka iyo dhabada Diyaaradaha oo Ciid ahaan jirtay waxa loo dhalan gediyey Wado laamiya iyo Marmar Bilic leh oo lagu dhex beeray Geedowaxa kale oo Madaarka lagu Qalbeeyey Kamaradaha (Camera ) ee loo adeegsado Nabad-gelyada iyo Agab Casriya oo isugu jira kuwo wax lagu baadho iyo kuwo lagu wada hadlo, waxa kale oo Dhirgoyn lagu sameeyey Ranway-ga dheer ee 5-ta Km ah talaabdan oo xoojin u ah Abniga Diyaaradaha.

3. Waxa la ansixiyey Lacagtii 3-da Dollar ahayd ee adeegyada Madaarada lagu Filin jiray iyadoo aan marka hore laga qaadi jiray aanay Ansax ahayn.
4. Waxa la suurto geliyey in la Bilaabo Hordhici Mashruucii ay Dawlada Kuwayt inoogu deeqday, iyada oo la hawl geliyey Shirkad talo bixineed oo heer caalami ah oo hada gacanta ku ahaysa Qiimaynta, Nashqadaynta iyo Diyaarinta qandaraasyada dib u dhiska madaarada Hargeisa iyo berbera
---
W. Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga:
- Iyada oo laga duulayo Balan-qaadkii Madaxweynaha waxa gobollada iyo degmooyinka dalka loo kala diray 30 kooxood oo ka tirsan Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Dhakhaatiir madaxbanaan oo iska kaashanaya daawaynta iyo daryeelka xoolaha, kooxahaas oo ka kala hawl-galay Afar gobol ee xuduudka la leeyahay Itoobiya (Sool, Togdheer, Maroodi-jeex, Awdal iyo Gobolka Saaxil oo ah marinka Xoolaha ee ugu wayn Geeska Afrika. Kooxahaas gurmadku waxay u kala hawl-galeen Saddex weji oo kala duwan, iyada oo weji kastana ay goboladaasi uga hawl-galayeen min 10 kooxood.
- Dawooyinka ay kooxuhu ku hawl-galeen ka sokow waxa gobolka Sanaag loo diray dawooyin badan si loola tacaalo cudurada ka dhashay abaaraha, iyada oo ay u qorshaysan tahay weliba in laba kooxood xarunta lagaga daro si loo xoojiyo hawlaha gobolkaasi.
- Intii lagu guda-jiray gurmadka iyo daawaynta xoolaha Somaliland, waxa lagu guulaystay inay ka soo baxdo natiijo wax ku ool ah
---
Wasaaradda Isgaadhsiinta Boosaha
v Isku-xidhka shirkadaha Isgaadhsiintu waa ahmiyada ugu wayn ee ay xukuumadani ku taamayso, si loogu adeego dadweynaha macaamiisha shirkadaha, loogana baxo kala qoqobnaanta shirkadaha, isla-markaana looga maarmo adeegsiga telefoonada kala duwan, si uu qof kastaaba ugu koobnaado Hal Telefoon, isla-markaana uu kula xidhiidhi karo dhamaan shirkadaha kala duwan ee Telefoonada, ayaa waxa lagu dhaqaaqay sidii loo meel-marin lahaa isku xidhka adeegsida isgaadhsiin tayo leh oo qiimo jaban.
v Hawl-galka isku-xidhkaas oo bilaabmay 21-kii December 2010-kii, xililgaas oo qalabka la rakibay, tijaabadaasi la sameeyay waxay soo jarantay 25 March 2011 markii si mug leh loogu guulaystay isku xidhka shirkadaha Telesom iyo Somtel, waxaana haatan lagu guda jiraa sidii loo dhamaystiri lahaa shirkadaha hadhsan iyagana in lagu soo xidhiidhiyo isku xidhkaa hore ee tijaabada ku fulay.
v Xeerka Isgaadhsiinta ee imika Horyaala Golaha Wakiilada oo ay doodiisu socoto waxa loo qabaa Baahi badan waayo Xeerkani Muhiimada uu leeyahay ka sakow wuxuu qayb ka yahay misaaniyada Sanadka oo ay isgaadhsiintu ka mid tahay Illaha ugu mudan ee Dakhliga lag Sugaayo sidaa awgeed anaga oo ixtiraam u hayna Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xil gudashadooda distuuriga ah ee ay ka gudanayaan Xeerka waxa aanu ku dhiiri gelinaynaa oo aanu ka Codsanaynaa in ay Xeerka hore u sii daayaan.
Waxa ay xukuumadu u hawl-gashay sidii looga baraan-degi lahaa qalab lagu fulin karo xal u helida dakhliga cashuuraha isgaadhsiinta, sugidda ammaanka iyo kobcinta awoodda Qaranka ee isgaadhsiineed.
---
W. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare:
· Dal kasta oo Caalamka ka tirsan waxa umadiisa lagu qiimeeyaa heerkooda aqooneed, hadaba si loo kobciyo heerka aqooneed ee bulshadeena ayaa waxa lagu talaabsaday sidii loo horumarin lahaa waxbarashada iyo tacliinta Sare ee umadeena. Hadaba 3-bilood ee u dambeeyay waxa la shaqaaleeyay 2233 macalin oo 1500 oo ka mid ah ay dawladu bixinayso mushaharkooda, halka ay 733 ka mid ahna ay naga caawisay dawlada Denmark.
· Iyada oo la fulinayo balanqaadkii Madaxweynaha ee la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul-wanaaga, waxay Wasaarada Waxbarashadu ku guulaystay in la sameeyo Sanduuqyo (Accounts) u gaar ah macalin kasta oo mushaharkiisa loogu shubo, taasoo meesha ka saaraysa caaglihii iyo lacagihii la lunsan jiray.
· Wasaaradda Waxbarashadu waxay 300 oo Arday oo ka baxay Dugsiyada Sare ee dalka u fidisay deeq-waxbarasho (Scholarships).
· Waxa markii u horaysay la dhisay Studio loogu talo-galay in lagu duubo barnaamijyo loo diyaarayo waxbarashada Radio-ga.
· Waxa la dhamaystiray.
· Madbacadii Buugaagta ee Wasaarada Waxbarashada oo la keenay 2008 ayaa markii u horaysay laga shaqaysiiyay oo hawl-gashay.
· Waxa la dhisay Hool wayn oo lagu saxo Imtixaanada laguna kaydiyo.
---
Wasaaradda Warfaafinta:-
Warfaafintu waxay door muhiim ah ka qaadataa isku-xidhka xukuumada iyo dadweynaha, barbaarinta dareenka wadaniga ah, kobcinta dimuqraadiyada, xoojinta amniga iyo horumarka bulshada. Inkasta oo aanay jirin idaacad wayn oo dalka oo dhan wada gaadha, hadana waxa ay xukuumada cusubi xooga saartay sidii looga bixi lahaa baahida umadu u qabto helitaanka Idaacad ku filan oo dalka oo dhan wada gaadha, hadaba iyada oo laga duuliyo balanqaadkii Madaxweynaha ee uu ku soo qaatay khudbad-sanadeedkii Goleyaasha Qaranka, ee uu ku sheegay in sanadkan gudihiisa la keenayo Idaacad awood leh, waxay ku jirtaa miisaaniyada sanadkan, iyada oo lagu rajo-wayn yahay in sida ugu dhakhsaha badani Idaacadaasi u soo gaadho dalkeena.
- Warfaafintu waxay la gashay Heshiis sanad iyo badh mudadiisu tahay Hay’ada BBC World Trust Service, taasoo lagu tababari doono shaqaalaha barnaamijyada Idaacada, iyada oo sidoo kalena qalab ku soo kordhin doonta Studio-yada Idaacada.
---
Waasaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Jidadka iyo Biriijyada: -
Wadooyinku, gaar ahaan kuwa xidhiidhiya deegaamada kala durugsan ee dalka gudihiisa waxay muhiimad wayn u leeyihiin dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo xidhiidhka bulshada.
Hadaba, 3-dii bilood waxqabadka dhinacyada jidadka iyo biriijyada ee balanqaadkii Madaxweynuhu ee ku jiray khudbadii uu ka jeediyay labada gole sanadkan waxa uu fulay 90%,
Madaxweynaha Somaliland ayaa xadhiga ka jiray 7-dii bisha 3-aad ee sanadkan Biriijka Maroodi-jeex ee caasimada Hargeysa, kaasoo bulshadu ay baahi wayn u qabtay, in badana naawilaysay.
Waxa meel wanaagsan maraysay oo haatan gebo-gabo ku dhaw, wadada Dila ilaa Boorama. Waxa kale oo la dhamaystiray dayactirka wadada isku xidha Dila ilaa Hargeysa oo dadku dhibaato badan kala kulmi jireen.
Sidoo kale, waxa dayactir laba qaybood ah, laba shirkadood lagu kala siiyay, haatana socda wadada Laascaanood, Gambadha iyo Laascaanood iyo Oog 75% ayaana dhamaystirmay.
Waxa socota oo gacanta lagu hayaa adkaynta Bariijka Burco oo dhismihiisa lagu ladhayo derbiyo iyo kaabado lagaga xidhayo daadka iyo weliba derbi ciid-celiye ah oo laga dhisayo bariijka agtiisa, dhinaca ay biyuhu u socdaan, si wanaagsan ayay hawshaasi u socotaa, waxaana lagu wadaa inay dhamaato bishan.
---
Waxqabadka Berbera·
Sadexdii Bilood ee waxqabadka waxay Dawladda Hoose ee Berbera samaysay 8 wado oo Cusub, kuwaasi oo Halbawle u ah Magaalada Berbera.
· Waxa kale oo ay Olole wayn ku qaaday Bilicda iyo Wadooyinka Suuqyada Magaalada Berbera oo si wayn looga Dareemay Muuqaalka Quruxda badan ee ay hada leedahay.
· Dekedu waxay samaysay Waax Cusub oo la yidhaahdo Waaxda Doonyaha si ay ugu Fududaato Ganacsatada isticmaasha Doonyaha Raristooda iyo Dejintoodaba.
· Dekedu waxay Banaysay Meheradihii ka Agdhawaa Afaafka laga Galo dekada waxaanay Dayactir ku samaysay Dayrka weyn ee dekada iyo Nawaaxigiisa ee banaanka ku yaalay iyada oo ka Duulasya Ilaalinta Amaanka.
· Waxa Afar Mashquur oo Biyo Gelina laga Sameeyey Magaalooyinka Sheekh, Xagal iyo Beeyo Dhaadheer.




