Wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan ayaa ku dhawaaqday inay soo gabagabeysay dhismaha wejigii koowaad ee Buunada Liiq-liiqato oo ka mid ah Buundooyinka muhiimka ah ee dhex mara magaalada Baladweyne.
Munaasad ballaaran oo ka dhacday magaalada Baladweyne, islamarkaana ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka islaamiga ah ee magaalada ayaa lagu soo bandhigay dhismihii iyo dayactirkii lagu sameeyay Buundada.
Wariyaha Wakaaladda islaamiga SomaliMeMo ee wilaayada Hiiraan oo goobjoog ka ahaa Munaasabadda ayaa soo sheegaya in dayactir iyo dib u hagaajin ballaaran lagu sameeyay Buunada Liiq-liiqato, isaga oo tibaaxay in la filayo in maalaha soo socda la bilaabo wejigii labaad ee dhismaha Buunadadaasi.
Buundada Liiq-liiqato ee isku xirta Xaafadaha magaalada Baladweyne ayaa bur burtay 22-kii bishii May ee sanadkii aan soo dhaafnay, waxaana bur burka Buundadaasi ay saameyn ku yeelatay isku socodkii magaalada Baladweyne ee Xarunta wilaayada islaamig ah ee Hiiraan.
http://www.amiirnuur.com/images/Liiq%201.JPG