Boqolaal dad ah ayaa maanta ka dhigay magaalada Gaalkacyo banaan-bax ballaaran oo lagu cambaareynayey dacwadda calooshood u shaqeystaasha Somaliland ka soo jeeda ay u heystaan wasiirkii hore ee gaashaandhigga Somalia Gen: Maxamed Cali Samatar.
Banaan-baxa oo ay soo qaban-qaabiyeen ururrada bulshada rayidka u dooda ayaa waxaa ka soo qeybgalay siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed,haween, dhallinyaro iyo qeybaha kale ee bulshada ku dhaqan Gaalkacyo, dadweynaha oo watay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ka dhan ah dacwadda iyo sawirrada Samatar ayaa ku qeylinayey erayo lagu cambaareynayo dowladda Mareykanka iyo shakhsiyaadka dacwadda wada.
‘’Mareykan ha dhaco, Somaliland dooni-meyno, qof kasta oo Somali necab guuldarro ayaa kuu dambeyn doonto’’, iyo kuwa badan oo kale ayaa kamid ahaa wixii ay dadku ku qeylinayeen.
Qaar kamid ah banana-baxayaasha ayaa sheegay in dacwaddan ay tahay been abuur la soo dhoo-dhoobay oo diblamaasi sare oo wadan kale magangalyo u jooga lagu haleynayo sharaftiisa, iyagoo ku baaqay in ay jiraan dad badan oo galay dambiyo ka waa weyn kuwa lagu eedeynayo Gen: Maxamed Cali Samatar kuwaasna la soo taago Maxkamadda.
Waxay tusaale u soo qaateen Axmed Siilaanyo madaxweynaha hadda ee Somalia iyo kii ka horeeyey ee Daahir Riyaale Kaahin oo ay sheegeen in ay iyaga laayeen reer waqooyiga.
Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa oggolaatay in dacwad lagu soo oogi karo Cali Samatar oo mar ahaa madaxweyne ku xigeenkii Somalia berrigii dowladdii kacaanka iyadoo lagu eedeynayo qeybtii uu ku lahaa duqeyntii gobolada waqooyi ee dalka loo geystay sanadkii 1988-dii markii kooxihii nabad-diidka ee SNM ay damceen in ay dalka kala qeybiyaan.
Somalida dal iyo dibad way ka soo horjeesteen dacwaddan, waxaana haatan socda qorshe lagu hor-istaagayo maxkamadeynta mas’uulkan.
Axmed Sujuu
Boosaaso.
Breaking news: Large protets in Galkacyo to defend Cali Sama
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
- abdalla11
- SomaliNet Super
- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: Breaking news: Large protets in Galkacyo to defend Cali
They should mind their own business
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 6 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 0 Replies
- 553 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 17 Replies
- 1874 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 19 Replies
- 2306 Views
-
Last post by Arabman
-
- 40 Replies
- 2478 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 1 Replies
- 292 Views
-
Last post by FAH1223
-
- 20 Replies
- 1529 Views
-
Last post by MALMAHA
-
- 29 Replies
- 2262 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 14 Replies
- 1044 Views
-
Last post by juzme123
-
- 4 Replies
- 532 Views
-
Last post by original dervish