Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo La Filayo In

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo La Filayo In

Post by Siciid85 »

Image

Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo La Filayo Inuu Maalinta Beri Oo Khamiisa Safar Ugu Kicitimo Dalalka Imaaraadka Carabta Iyo Kuwait

(Hadhwanaagnews) Wednesday, April 13, 2011
Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)iyo wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay maalinta beri oo Khamiis ah safar ugu kicitimaan dalalka Imaaradka carabka Iyo waddanka Kuwait.

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay maalinta beri oo Khamiis ah safar ugu kicitimaan dalalka Imaaradka carabka Iyo waddanka Kuwait.

Sidaa waxa shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyey ilo-wareedyo ku dhodhow Qasriga Madaxtooyada Somaliland, Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuummada Somaliland, lamana garanayo inta uu qaadan doono,hasayeeshe Wararku waxay tibaxayaan inuu Madaxweynaha Somaliland casuumad ka helay waddamada Imaraadka Crabta iyo waddanka Kuwait.

Safarka la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland ugu kicitimayo dalalkaasi ayaa waxa ku wehelin doona Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan,iyo Marwada kowaad Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-Waris).Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Madaxweynaha loo soo direy diyaarad khaas ah, taasi oo Madaxweynaha ka qaadi doonta Madaarka Magaalada Berbera.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Safarkan la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)m iyo Weftiga uu hogaamin doono ugu kicitimo dalalkaasi ayaa noqonaysa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ugu safro dalalkaasi tan iyo markii xilka madaxweynanimada loo dhaariyey 27-July-2010.

Si kastaba ha ahaate, Waddamada caalamka badidooda ayaa daneynaya dalka Jamhuuriyada Somaliland tan iyo markii ay doorashada madaxweynanimada si xalaal iyo xor ah dalka uga qabsoontay 26 June 2010, taasi ay keentay inay muddooyinkii ugu danbeeyey ay dalka wufuud tiro badan dalka ku soo qul-qulayaan.

Hadhwanaagnews.com/Office
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo La Filay

Post by Siciid85 »

Image


Madaxweynaha Somaliland Oo Markii U Horeysay Isaga Iyo Wefti Uu Hoggaaminayaa U Kicitimeen Dalalka Kuwayt Iyo Imaaraadka Carabta
(Hadhwanaagnews) Thursday, April 14, 2011
Hargeysa(HWN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa Saaka u anbobaxay socdaal shaqo oo ay ku tagayaan markii uugu horeysay Dalalka

Hargeysa(HWN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa Saaka u anbobaxay socdaal shaqo oo ay ku tagayaan markii uugu horeysay Dalalka carabta tan iyo intii uu xilka hayey,

Madaxweynaha Somaliland ayaa saaka Hiimasa- hiimsihii hore ka anbobaxay Caasimada Hargaysa iska oo u sii jeeda Madaarka magaalada Berbera kaasi oo uu ka dhoofaayey, dhoofka oo uu ku tagaayey dalalka Kuwayt iyo imaaraadka carabta.

Mudane Axmed (Siilaanyo) oo qolka nasashada hadalo kooban ku siiyey warfidiyeenada ayaa shaaca ka qaaday sababaha socdaalkiisan waxaanuu yidhi “Socdaalkani waxa uu salka ku hayaa sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi iyo wax wada qabsi ee Somaliland la leedahay dalalka carabta”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu sheegay in labada dalba uu ka helay marti qaad rasmi ah isla markaana uu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta wadamadaasi oo uu kala hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland.Waxanuu madaarka Berbera salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka,

Sidoo kale waxa socdaalkiisan ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Ganacsiga Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, Chief of Cabinet-ka Md. Xirsi Cali X. Xasan, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.waxaanu sii raacay diyaarad khaas ah oo ay u keentay dawlada Kuwayt.

Sikasba ha ahaatee madaxweynu waxa intii aanuu anbobixin xalay soo saaray Digreeto uu xilka kaga Xayuubinaayo maareeyaha wakaaladda Koronta iyo agaasimihii Guud ee tacliinta sare.


Hadhwanaagnews/Office
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”