Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Post by Mr_Alfaas »

1moonlight wrote:Image

Nin Sheegtay inuu yahay Nabi oo oo lagu magacaabo Shariif Axmed Cabdi oo Maxkamada Degmada Hargeysi ay markii ugu horaysay Dacwadiisa dhegaysatay, iyadoo ay Maxkamada horteeda-na ay yimaadeen dad sheegay inuu Xanuuno ka dawaynayo, balse cadeeyay inuu waxyaabo aan jirin oo indho-sarcaad ah Lacag kaga gurtay.
Ninkan sheegtay Nabinimada ee ka soo jeeda Somalia, isla markaana ku eedaysan Kiiskaasi ee Shariif Axmed Cabdi ayaa la filayaa in Maanta ay Maxkamada Degmada Hargeysi ay go’aan ka soo saari doonto Xukunkiisa iyo falkaasi uu ku eedaysan yahay.
Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Dr C/rashiid Maxamed Xirsi (Beer-geel) oo dhagaysiga Kiiskaasi uu ku eedaysan yahay Ninkaasi oo lagu qabtay Xarunta Maxkamada Degmada dhagaysigeeda oo ugu horayn ka hadlay Kiiskaasi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “11/4 2011 dhagaysiga Dacwada Ciqaabta ah ee sumadeedu ay tahay.
DD/265/1, iyadoo uu Guddoominayo Guddoomiyaha Maxkmada Degmada Hargeysa C/rashiid Maxamed Xirsi goob-joogna uu ka yahay Kaaliyaha Maxkamda Degmada Khadra Xasan Nuur, goob-joog-ma uu ka yahay Wakiilka Xafiiska Xeer-ilaalinta Mr Farxaan Mirre Cismaan goob-joogna uu ka yahay eedaysane Shariif Axmed Cabdi. Haddaba waxay maraysaa Maxkamadu in la hor keeno markii labaad dhagaysiga Dacwadu-na markii labaad ay Maxkamadu u fadhiisanto, iyadoo maraysay in Maxkamada la hor keeno Markhaatiyaasha eedaysanaha ku cadaynaya Dambiga ee ku xusan qodobka Sharci 314 ee Xeerka ciqaabta guud oo sheegaya khal-khal galin hawlo diineed”
Maxamed Cabdi Faarax oo ka mid ahaa Markhaatiyadii la hor keenay Maxkamada ayaa sheegay in Ninkaasi uu u sheegay Fiix dhabarka kaga taala, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Da’daydu waa 42, waxaan ka shaqeeyaa Ganacsi waxaanan deganahay Xaafada Sheekh Muuse Ducaale, Shariifka waxaanu isku baranay Al-Beerko ku taala Harta Sheekha, dabadeed saddex Cisho oo aanu Al-Beerkada isku aragnay, Hargeysa-na waxaanu isku aragnay 27-kii Bishan, wakhtigaa iyada ah waxay wada socdeen laba Nin iyo Gabadh, Gabadha-na waxay geeyeen Al-Beerkada oo ay igu sheegeen inay yihiin Rag-qariiba, Maalintii saddexaad baa la igu yeedhay, anigu markii aan Gurigayga qabtay ee aan Ninka geeyay waxa uu ii sheegay inuu Dawaynayo Xanuunada Dhiig-karka, Macaanka, Babaasiirta, Fiixda, ADISKA, Faaliga, Waalida iyo dhalmo la’aanta, markaa waxaan ka codsaday Fiix aniga igu taalay oo Dhabarka igaga taalay inuu iga Daweeyo, Kacbacdi Bakoorad yar oo uu sitay ayuu halkii Nabarku ku yaalay iga saaray, ka bacdi Jidhiidhico ayaa Jidhkayga kor iyo hoos-ba yaacday, ilaa Jidhiidhicadaasi ay dabooshay ilaa Madaxayga ilaa Jijahayga sida ay u dhamaystiran yihiin, laba Habeen buu markaa aniga ii hoyday, marka aanu halkaa iska raacnayna Caawa Gurigaaga ayaanu u hooyanayanaa, habeen dambe-na Guri ay Gabadha Walaasheed leedahay bay Balantayada hore ee aan ku kexeeyay ahayd, marka dambe ee aan Guriga geeyay intaan Bakoorada la ii saarin dabadeed anigu waxaan siiyay Gurigayga, taasina waxay keentay inaan ka war helay Buuq iyo hadal igaga yimid Xaafadayada oo la leeyahay Ninkani muxuu ahaa, dabadeeto, waxaan u kireeyay Guri Jaarkayga ah markii Buuqaasi yimid ka bacdi wixii Maacuun ahaa ee wax lagu cunayay aniga ayaa u soo dhigay, maalintii shanaad waxa yimid Niman Xafada ah iyo Niman Bilays ah oo Ninka soo qabtay anigana igu yidhi waad Sixran tahay oo ma hadli kartid, muddadaa shanta Cisho ahayd ee aanu wada joognay Magacyadii uu noo sheegtay waxa ka mid ahaa, waxaan ahaya Mahdigii, waxaan ahayd Nabi Khadar, waxaan ahay Xaaji Cabdi Ayuub, Salaada Jamaca-na ha la Tukanin, asbaabta aan Dalka ku imid waxa la ii soo diray 20,000 Malag, Dawladii adduunka ugu weynayd-na halkan baan ka dhisayaa waxa aan hayaa buu yidhi Furayaasha Khasnadaha Ilaahay Habeenkaa uu caynkaasi lahaa waxay ahayd Habeenkii Jimcaha oo waxaanu kula fadhinay 7 Nin, Habeenkaa Jimcaha waxa uu yidhi 1,400 Nabi baan’idiin geynayaa, waxa ka mid ahaa hadalkiisii waxan ogahay Ceel Xareed ah oo aan G’u iyo Jilaal go’ayn oo ku yaala deegaanka Beesha Ayuubku ay degto ilaa 2,000 $ keentaan Afka saari maysan. Waxa kale oo uu yidhi Dawladan Somaliland 8 Bilood baan Xilka kaga qaadayaa oo aan kala wareegayaa Xilka, dadkii ila socday Magacyadooda waxa ka mid ah Maxamed Cabdi Faarax (Ina-Cabdi Malaw), Ibaraahim Suldaan, C/laahi Baaxeer, C/wali iyo aniga”

Eedaysanaha Shariif Axmed Cabdi ayaa Markhaatigii ayaa Maxkamada ka codsaday in Markhaatiga ay u weydiiso inuu u ku yidhi Mahdigii baan ahay, waxaanu yidhi “Markhaahtiga waxaad ii weydiisaa inaa idhi Mahdigii ayaan ahay. Waxa kale oo aad ii weydiisaa wax ka baxsan waxyaabahaa uu sheegay oo aan Ilaahay dartiid isku baranay, dadku ii keenay 9 qof bay ka badnaayeene Xoolo miyaan ka qaatay Walaalkay ii weydii, qadarka Lacagta ah ee aan ka qaaday ii weydii, wax Kitaabka ka baxsan oo aan weydiiyay ma jiraan ii wediiya”.

Markhaatiga ayaa isna, waxa uu ku jawaabay “Magaalada ayuu naga kaxeeyay wuxuu na geeyay Maqaamkii Sheekh Yuusuf Kawniin, manaan galin ee wuxuu nagu yidhi todobaadka dambe ayaynu galaynaa, laakiin Caaw la inooma ogola oo 7 Qof baanu ahayn oo lix baanu ku raacnay mid-na wuu naga hadhay, Gaadhiga inta aanu ka degnay oo Lugaha dhulka saarnay ayuu yidhi dib ugu noqda Gaadhiga, waxa aan bireeyay Nin Yuhuudiya oo Gadh-dheer oo meesha joogay ayaan Gawracay buu yidhi, markaa waxa la inoo igmaday in aynu noqono Maanta, horta waxwaabo qalad ahi wey jireen oo markii aan ka soo noqday wuxuu noo dhiibay waxyaabo uu leeyahay waa Dirays oo ay ka mid yihiin Cumaamado, Koofiyado, Shaadhadh uu noo galiyay baa jiray, markaa waxyaabihii uu iidhiibay intaan Bac ku xidhay ayaan damcay inaan Gubo, dabadeeta-na Gubitaankoodii dhib ayaa iga soo gaadhay oo waxa lagu igu weeraray wax aad moodo Shucaac oo kale, sida Roob Caydha oo kale, markii aan Telefoonka kala hadlay ee aan weydiiyay ee aan ku idhi Ninyahow waxani waa maxay, wuxuu igu yidhi Waxyibaa kugu soo degaya Ilaahay dartii ayaanan u sheegayaa, xitaa Gubitaankii Kabriidka waan Gubi kariwaayay oo anigoo asqaysay oo dhaguhu i qaylinayaan ayaan Guriga dib ugu noqday. Waxa kale oo uu yidhi Bisha sideedaad inta ka horaysa Roob ma da’ayo buu yidhi”.
:lol: :lol:

iam sure langadhe is behind this :lol:
User avatar
Blue_609
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 758
Joined: Sun Aug 23, 2009 11:52 am
Location: Kabaal nagi kobtii laygu dhalay kaydka inankayga

Re: Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Post by Blue_609 »

he needs to be in a mental health facility.
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Post by Somalistan »

aahahhaaahhaa this guy is joka... :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: Ciyaathu Bilaah. Allahu Ma Najjaynaa haadathal Shaqzi.

He said he knew of spring that never goes away dry or rainy season but only you will get to drink from it if you gave him $2000 lool sounds like a scheme artist.
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Post by Mr_Alfaas »

.
Last edited by Mr_Alfaas on Thu Apr 14, 2011 11:50 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Post by Mr_Alfaas »

...
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Post by Mr_Alfaas »

.
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Post by Goljano Lion »

Mr_Alfaas wrote:.
:lol: :lol: :lol: Waa xaal aduun, muxuu aha kan Ayuub-kee nebiga sheegtay :lol:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Post by Rightwing »

I think this poor guy is mentally challenged? tolow ma buusaradaa waashay?
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Post by Mr_Alfaas »

Goljano Lion wrote:
Mr_Alfaas wrote:.
:lol: :lol: :lol: Waa xaal aduun, muxuu aha kan Ayuub-kee nebiga sheegtay :lol:
war wan ka yaabaanahay inader waa reer xamar oo rabay in uu lacag kaga dhufto ayubka :lol: :lol:


war wuxu 2,000 ayukuleeyahay isiiya aan ceel aan goayn idin sheegee :lol:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Post by Cali_Gaab »

Lol, kii waalan ba miyaa la xidhaa? Hadey sidaas tahay dee Reer Burco ha la soo wada xidho, kuwaasi diinta iyo nebi ba ayeey caayaan eh.
samadoon-waaxid
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4228
Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories

Re: Nin Nabi-nimo sheegtey Hargeysa

Post by samadoon-waaxid »

Blue_609 wrote:he needs to be in a mental health facility.
he is prolly a mental,nigga needs to be in a hospital and not a court.bloody cruel Somalis :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”