
Buundada Liiqliiqto ee Beledweyne oo dib u howl-gashay kaddib dayactir lagu sameeyay
Isniin, Abriil, 25, 2011 (HOL) Munaasabad si wanaagsan loo soo agaasimay ayna soo qaban qaabiyeen mas'uuliyiinta maamulka goballka Hiiraan ee Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab laguna qabtay xarunta maamulka goballka ayaa xarigga looga jaray Buundadii Liiqliiqato ee magaalada Beledweyne.
Waaliga walaayada islaamiga ee goballka Hiiraan Shiikh Yuusuf Cali Ugaas oo munaasabada furitaanka Buundada ka hadllay ayaa sheegay in muddo ku dhan 11-bilood kadib mar kale dib u howgashay, waxaana uu intaa ku darray in arintaa ay ku timid iskaashi dhaxmaray bulshada goballka iyo maamulka xarrakada Al-shabaab.
''Runtii waa wax lagu farxo in maanta bulshadu garatay in iyagu isku tashadaan halkii ay hay'addo wax ka sugi lahaayeen, waana awood markii hore naga maqneyd laakiin ilaah nagaransiiyay ayuu yiri,'' Shiikh Yuusuf Cali Ugaas.
Dib u howlgalida Buudada Liqliqato ayaa waxaa siweyn u soo dhaawayay waxgaradka, iyo guud ahaanba dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo markii hore dhibaato ku qabay bur-burka Buudada.
Shiikh Yuusuf Cali Ugaas waaliga walaayada Islaamiga ah ee goballka Hiiraan waxaa uu dhinaca kale sheegay in ay jabeen sida uu hadalka u dhigay guud ahaanba shaqooladii iyo isku deygii wax uu ku tilmaamay cadawgga Alle, isaga oo intaa raaciyay in arintaa sababteeda ay lahaayeen bulshada ku dhaqan goballka oo u istaagtay sidii u difaaci lahaayeen ayuu yiri Diintooda.
Buundada Liqliqato ee magaalada Beledweyne ayaa bur burtay 22-May, ee sanadkii ina dhaafay, waxaana mudadii ay bur bursaneyd Buundada hakad ku yimid guud ahaanba isku socdkii ganacsiga ee goballada Koonfurta iyo W/qooyiga Soomaaliya oo ay muran muhiim ah u aheyd.
Pic from when it collapsed
