kadib dagaalo qaraar oo maanta ka qarxay tuulada Barwaaqo ee duleedka magaaladda Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa u suurta gashay in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay dagaalo kula wareegeen tuuladaasi.
Wararka ka imaanaaya tuulada Barwaaqo ee duleedka magaaladda Garbahaarey ayaa waxay sheegayaan in si buuxda ay ula wareegeen ciidamadda dowladda Soomaaliya, kadib markii ay Shabaab saakay kusoo qaadeen dagaalo kedis ah.
Weerarada ay qaadeen ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa waxay sababtay in uu Shabaab kaga hor yimaado weeraro iska caabin ah, hase yeeshee laba saacadood kadib ayaa waxaa ciidamadda dowladda u suurta gashay in Shabaab ay halkaasi ka saaraan.
Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxay u ruqaansadeen dhinaca magaaladda Garbahaarey, isla-markaana waxaa iminka tuulada Barwaaqo ku sugan ciidamadda dowladda Soomaaliya oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulka Dowladda Kmg ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil oo warbaahinta xiriir lasoo sameeyay ayaa wuxuu sheegay in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay iminka ku sugan yihiin tuulada Barwaaqo, isagoo intaasi ku daray in dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab ay iskaga baxeyn.
Sidoo kale dadka ku dhaqan tuulada Barwaaqo ee duleedka magaaladda Garbahaarey ayaa waxay sheegeen in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay si buuxda leh ugula wareegeen gacanta ku heynta tuulada Barwaaqo eemagaaladda Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Si kastaba ha-ahaatee tuulada Barwaaqo ayaa waxay qiyaastii 16km ay u jirtaa magaaladda Garbahaarey, isla-markaana sahan ka socda dowladda ayaa waxaa la-sheegay in laba habeen kahor ay gaareen magaaladda Garbahaarey ee Gobolka Gedo, kuwaa oo isku daray shacabka ku dhaqan magaaladda.
Ciidamada dowlada oo la-wareegay tuulada Barwaaqo ee magaal
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 39 Replies
- 289 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 44 Replies
- 3437 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 1 Replies
- 1978 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 8 Replies
- 1224 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 13 Replies
- 1425 Views
-
Last post by biko
-
- 12 Replies
- 1374 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 2 Replies
- 731 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 0 Replies
- 527 Views
-
Last post by Even123
-
- 5 Replies
- 775 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 0 Replies
- 1457 Views
-
Last post by Hiiraan boy