BREAKING NEWS Al Shabaab oo dib u qabsaday Carra Case,Tuulo-

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

BREAKING NEWS Al Shabaab oo dib u qabsaday Carra Case,Tuulo-

Post by grandpakhalif »

Xarakada Alshabaab ayaa go’doomiyay wadada isku xirta magaalooyinka B/xaawo iyo Garbahaarey ee Gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo Ahlu sunah.

Wararka ka imaanaya deegaanada ay gobolka Gedo ka maamulaan DKMG ah ayaa xaqiijinaya in xaalado dagaal iyo qal-qal uu soo wajahay shacbka ku haray magaalooyinka Garbahaarey iyo B/xaawo kaddib markii la sheegay in Ciidamada Alshabaab ay go’doomiyeen wadadii isku xiri jirtay labdaasi magaalo oo dhawaan ay faarujiyeen Alshabaab.

Tuulooyinka Carra-Casse iyo Tulo Barwaaqo ee Duleedka Garbahaarey ayaa waxaa la wareegay Alshabaab kaddib markii ciidanka Dowladda ee horay ugu sugnaa ay u dhaqaaqeen Garbahaarey, kadibna Alshabaab ayaa jaray dhowr wado oo muhiim u ah gaadiidka isaga kala goosha B/xaawo iyo Garbahaarey.

Saraakiil ka tirsan DKMG ah ayaa sheegay inay ka warqabaan go’doominta xarakada Alshabaab ee wadooyinkaasi, balse saacadaha soo socda ay dagaal kaga qabsan doonaan.

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa kasoo dhaqaaqay Buurdhuubo kuwaasoo soo gaaray meel 4 KM u jirta Garbahaarey, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo culusi dhex maraan labada ciidan ee Garbahaarey isku hor fadhiya.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka reer Gedo ayaa baqdin weyn ka qabo in ay dhexda u galaan dagaalada gobolka ku dhex maraya xoogagga hubeysan ee ku loolamaya gacan ku haynta gobolka.

——–
Allgedo News Desk, Gedo/Somalia.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”