Haddaan dib u jeleecsanay dhanka kale ee togga Sidimo ayaan waxaan maqalay qaaylo-dhaan iyo gabar yar iyo dameer u rarnaa oo biyuhu jiiddayaan. markaan gaarnay gabadhii iyo dameerkii oo aan isku dayayno in aan biyaha ka saaro ayay inta istaagtay tiri:
"
"Talxe maas tihiin?"
"Maya"
"Maxaas tihiin?"
"Galti iyo dhowr Gumarwaaq ah"
"Galti iska deeyaan ku dhahay dameerkeena. Taxle haddaas jooggin.....abti Gumarwaaq jiidaas lagu dhahay dameerka iyo karateeyihiisam.
Markaan weeydiinay sababta aanay gargaarkeena ugu baahney waayba ka sii dartay markaay ku jawaabtay:
" Galtaas i caawiyay maan hooyo iyo aabe u sheeggi karaa "
Runtii aad baan ula yaabay cunugta yariista ah iyo halka qabyaaladu ka gaartay. malaha waa dabeecad Soomaalida oo dhan ay ka wada simantahay marka la yimaada deggaankooda?

Mid Galti Wagar ah oo nala socday ayaa inta qoslay ku yiri;
"Inaan rag reer Diini ahi nagu jirin ayaa mahad leh saay waxaay haddalkaaga kaaga bilaabi lahaayeen, ina adeer, quruxleey ilmo ugaas baan nahay ee na tus sida laguu guday in aay sax tahay iyo in kale aan aragnee"
"Kir aas lagu dhacay Galtiyahow" aas ku jawaabtay