2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
This is in Burco just on the corner of Burco, This Project is being created by Some Malaysian Share Holders, and Gudoomiyaha Maalgelinta Mahsruucan is Cabdirizaaq who i met i in Berbera Airport on my trip to Somaliland, an since i have good Connection with, he use to leave in Slough, the man use to run his own a Computer Business In Slough his very wealthy Young man, his Reer Oog!!!

Axad, 06 March, 2011 (HOL)- Wefti uu hogaaminayo Wakiilka Somaliland ee dalka Malaysia oo isugu jira Maalgashadayaal iyo Ganacsato u dhashay Dalka Malaysia ayaa soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Weftiga waxa shalay Gelinkii Danbe Magaalada ku soo dhoweeyey Maamulka Gobolka iyo Degmada, iyagoo soo maray Gobollo kale oo ay ka mid yihiin SAXIL, HARGAYSA, iyo Gabiley.
Weftigan ayaa ujeedada safarkooda ku sheegay inay Maalgashi ku samaynayaan Dalka, isla markaasna ay imminka u socdaan inay indho indheeyaan, soona kormeeraan meelaha iyo goobaha ay jecelyihiin inay maalgashadaan, waxaana saaka Kormeer ay ku soo mareen Maxjarada Xoolo Naaxinta iyo wersheda Hilibka ee Magaalada Burco.
Weftiga waxa safarkooda ku wehelinayey warbaahinta dalka Malaysia, gaar ahaan TV-ga ugu weyn dalkaas oo la yidhaa TV3, waxaana maamulka gobolka Togdheer uu munaasibad soo-dhawayn ah ugu qabtay Hotel Barwaaqo ee magaalada Burco.
Munaasibaddaas waxa ugu horrayn ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Yaasin Muxumed Cabdi, wuxu Badhasabku sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin Imaanshaha weftigan ka socda Malaysia, “Aadbaanu u soo dhaweynaynaa Weftiga, iyagoo weftiga xubno ka mid ahi hore inoogu yimid wakhtigi furitaanka wershedda hilibka, waxananu tusi doonaa wershehadaha Gobolka sida Wershedda hargaha, hilibka,taydha, iyo weliba goobaha kale ee ay Danaynayaanba” ayuu yidhi Badhasabku.
Azis Bin Mustafa iyo Shamsudin Anwar oo iyagu ka mid ah Hormuudka Maalgashadayaashan reer Malaysia isla markaasna ah Ganacsato iyo tujaar ka socda waddankaasi ayaa aad uga mahad celiyey Maamulka iyo Bulshada Togdheer sida qiimaha leh ee ay u soo dhoweyeen iyo horumarka dhinaca Ganacsiga iyo wershedaha ah uu ka gaadhay Somaliland.
Weftigu intii uu kormeerka ku jirey waxa maxjarka naaxinta xoolaha wershedda hilibka ee Burco warbixin dheer ku siiyey weftiga Cabdirisaq Xaji Xusen Nuur oo ah Mareyaha Wershedda Hilibka iyo Maxamed Xashi Cabdi oo isna ah Mareyaha Maxjarka Xoolo Naaxinta ee Burco.
Ugu Danbayntii wuxu weftigu kulan la qaatay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo ilhan maxamed jamac, kulankaas oo ka dhacay Hotel City Plaza ee magaalada Burco, waxanay Weftigu uga xog warrameen hawlaha ay u socdeen iyo Kormeeradii ay ku sameeyeen wershedaha iyo maxjarada Dalka, waxayna wasiirku uga mahad celisay Maalgashadayaashan caalamiga ah Dhiirananta ay ku soo dhiiradeen inay Maalgashi ku sameyaan dal aan Dalkooda ahayn isla markaasna weli an la ictiraafin iyo weliba Doorka ay Maalgashadayashani ka ciyaarayaan horumarka Somaliland.
Niciima Cabdi Axmed, Hiiraan Online
shakiira03@hotmail.com
Burco, Somaliland

- Rightwing
- SomaliNet Super

- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
maansha allah, waxaad moodaa dadkii inay hada indhaha fureen oo rabaan inay dunida wax la qaybsadaan.
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
Exactly... Markaas maxa inaga Reebay inaka?Rightwing wrote:maansha allah, waxaad moodaa dadkii inay hada indhaha fureen oo rabaan inay dunida wax la qaybsadaan.
War Rightwing... ninyow INtaas ayaad UK Joogtay, Hadda wax Mashruuc ah Miyaanad hayniin? Share ayaan baadhaya beryahan? ive invested 4 diffrent projects at the moment!!!!!
- Rightwing
- SomaliNet Super

- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
LiQaaye_TDH wrote:Exactly... Markaas maxa inaga Reebay inaka?Rightwing wrote:maansha allah, waxaad moodaa dadkii inay hada indhaha fureen oo rabaan inay dunida wax la qaybsadaan.
War Rightwing... ninyow INtaas ayaad UK Joogtay, Hadda wax Mashruuc ah Miyaanad hayniin? Share ayaan baadhaya beryahan? ive invested 4 diffrent projects at the moment!!!!!
90s ayaa waxaa igu dhacay khasaare badan. Mashaariic intaan SL & Djibouti ka bilaabay ayaa lay caseeyey. Iminka waxaan ka fekerayaa bal inaan mardanbe lay casayn, iyo wixii aan ku bilaabi lahaa.
cheer rw
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
INader Nin Cajiib ah ayaad tahay, Bal Fikirka Djibouti inaad wax ka bilowdid halkaad ka keentay?Rightwing wrote:LiQaaye_TDH wrote:Exactly... Markaas maxa inaga Reebay inaka?Rightwing wrote:maansha allah, waxaad moodaa dadkii inay hada indhaha fureen oo rabaan inay dunida wax la qaybsadaan.
War Rightwing... ninyow INtaas ayaad UK Joogtay, Hadda wax Mashruuc ah Miyaanad hayniin? Share ayaan baadhaya beryahan? ive invested 4 diffrent projects at the moment!!!!!
90s ayaa waxaa igu dhacay khasaare badan. Mashaariic intaan SL & Djibouti ka bilaabay ayaa lay caseeyey. Iminka waxaan ka fekerayaa bal inaan mardanbe lay casayn, iyo wixii aan ku bilaabi lahaa.
cheer rw
Waxa Share ah ma Bixinaysa aniga aya kula Gelaya arrinka Djiboutiye!!!
- Rightwing
- SomaliNet Super

- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
It was 5 star restaurant in the GUUDKA Djibouti....30,000 $ ayaa layga caseeyey, Burcona 25,000 $ ayaa layga caseeyey. Years later I was still DHAAWAC culus
Now since I have had this bad experiences, I think myself qualified for such an assignment, markaa hada wixii ka danbeeya anaa gacantayda ku hayn doona waxayga.
cheers
rw
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
Caseeyay meaning waxa ku Dhacay, Dadki kula Shaqeynayay?
Ninyow laakin Business fiican ayaad ka ciyaarta.. Restaurants!
Ninyow laakin Business fiican ayaad ka ciyaarta.. Restaurants!
- Rightwing
- SomaliNet Super

- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
LiQaaye_TDH wrote:Caseeyay meaning waxa ku Dhacay, Dadki kula Shaqeynayay?![]()
Ninyow laakin Business fiican ayaad ka ciyaarta.. Restaurants!
Caseeyey = Dhicis technique ku jiro... waaxaa laga isticmaali jiray Burco when I was kid. Burco waxaan rabay inaan restaurant 5 star with see food ka iyana ka furo 2001kii isna waa lay caseeyey.
Inaar waxaan weligay ku hamiyi jiray restaurant & Hotels cuz waxaan wax ka bartay Hotel management school.
Iminka waan soo yara kabanayaa, markaa this time anigaa tegaya oo hawsha gacanta ku haynaya insha allah.
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
Ninyow Sidaa Lagu Dhaca, Miyaanad dad aanad Garanayn la Gelin marki Hore? anigo wallahhi haddi la ii dhaco, Reerkiisa Xabad Futada ka gelin laha
sow reer Ma Leh Ninnko? War ka Daba tag.. ama aniga ii sheeg aniga Isbaaro uu dhiganaye, oo odhanaya Inaderkay ayaad lacag ka qaadaye
sow reer Ma Leh Ninnko? War ka Daba tag.. ama aniga ii sheeg aniga Isbaaro uu dhiganaye, oo odhanaya Inaderkay ayaad lacag ka qaadaye
- Rightwing
- SomaliNet Super

- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
Liqaaye
Inaadeer after the civil war, apparently people became crooks even mosque imams are crooks.
Kuwa dad kuugu xiga ayaa ugu daran.
Marka wax kugu dhacaan waxaad arkay koox iskood isu magcawday oo leh we are here to revenge!! I stopped them and told to fock off, you won't kill somebody for the sake of my money . I find it easy to forgive and move on.
cheers rw
Inaadeer after the civil war, apparently people became crooks even mosque imams are crooks.
Marka wax kugu dhacaan waxaad arkay koox iskood isu magcawday oo leh we are here to revenge!! I stopped them and told to fock off, you won't kill somebody for the sake of my money . I find it easy to forgive and move on.
cheers rw
- *Nobleman*
- SomaliNet Super

- Posts: 6864
- Joined: Wed Jul 13, 2005 2:49 pm
- Location: United- Not arrogant, just better
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
Masha'Allah. Business and commerce is the way forward man.
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: 2500 jobs will be created by Odweyne Mashruuc
Rightwing wrote:Liqaaye
Inaadeer after the civil war, apparently people became crooks even mosque imams are crooks.Kuwa dad kuugu xiga ayaa ugu daran.
Marka wax kugu dhacaan waxaad arkay koox iskood isu magcawday oo leh we are here to revenge!! I stopped them and told to fock off, you won't kill somebody for the sake of my money . I find it easy to forgive and move on.
cheers rw
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 263 Views
-
Last post by BVSNet
-
- 27 Replies
- 1616 Views
-
Last post by FAH1223
-
- 3 Replies
- 291 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 3 Replies
- 3002 Views
-
Last post by MenaceToSociety
-
- 8 Replies
- 408 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 3 Replies
- 860 Views
-
Last post by Kramer
-
- 4 Replies
- 541 Views
-
Last post by Madelina
-
- 1 Replies
- 446 Views
-
Last post by Coeus
-
- 0 Replies
- 442 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 2 Replies
- 806 Views
-
Last post by Siciid85