Khudbadihii Khaatumo Aqoonyanada Cali Ciise & Cali Khaliif

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Khudbadihii Khaatumo Aqoonyanada Cali Ciise & Cali Khaliif

Post by EastAfrica »

[youtube]uGOs0GxjYqc&[/youtube]



Last edited by EastAfrica on Fri May 13, 2011 2:15 pm, edited 1 time in total.
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: Khudbadihii Khaatumo Aqoonyanada Cali Ciise & Cali Khal

Post by EastAfrica »

Image

Maqaal: Labo Cali Alla-yaa Cizak.!


Xaqiiq ahaantii in badan ayeynu maqalnay dhaliilo aan loo meel dayin oo, Ooda lagaga qaadi jirey Aqoonyahanada SSC, weliba loo soo jeedin jirey dhaliilo aad moodo in ay sida Togga u soo Rogman jireen, kuwaasoo aan weli la arag cid Garoow muujinaysa. Inkastoo ay ayana jireen Aflagaadooyin aan loo Meel dayin, kuwaasoo ayagu aan ku jirin dhaliilaha eek u jira Af-xumada iyo meel ka dhacyada aan loo aabo yeelin.



Hadaba dhaliiluhu maxay ahaayeen.



Dhaliishu sideedaba waa toosin, waa hadii ay ka soo fusho, Maskax caafimaad qabta, Aqoon leh, Waayo aragnmo leh, Xishood leh, Xaq dhawrleh, Wadaniyad leh, Hadafleh, isla Markaana nafta wax dhaliilaysaa ay tahay mid hurtay dhamaan waxa ay qofkaas ku dhaliilayso ama ku dhaleecaynayso.



Waxaase waayadan buux dhaafiyey Meelo badan oo Webeb ka mid yihiin, E_groups ka mid yihiin, Aflagaadooyin qaawan, Been abuur cad, Nacayb aadan aqoon meel uu sal ku lee yahay iyo weerar Gardaro ah, oo shakhsiyaad kula kacayeen Aqoonyahanada Shafran ee SSC.



Waxaana shakhsiyaadkaasi ay inta badan ahaayeen kuwo aan waxba ku salaynayn, dhaliil toosineed iyo Waano waxgarad, ee ay ahayd ku dheerarsi dad aysan gaadheyn, Xag xagasho been loo Cuskaday iyo Canjarafeeyn aan geedkaas gaadhsiisnay.



Dhaliisha saxda ah waxaa soo jeedin kara qofka la yimaada Sifaadka hore, ee naftiisa ku Tirtirsiiya inuu u diro hawlaha aan kor ku sheegnay, ka dibna ku dhaliilo qofkii/Dadkii, garabkiisa ahaa ee gaashaan u noqon waayey, asagoo ugu Tiraabaya in hawl lagaga baxay isla markaana wax laga mudnaa amase uusan Awoodin uu tuurta u riday. Waxaase wax furan aan ahayn oo Xaaraan ah, in wax aadan adigu weligaa isku dirin aad qof ku dhaliisho hadii aad ku Aflagaadeyso, ku been abuurto ayaduna ayba ka daran tahay sida shakhsiyaadka aan sheegay, inaad qof aadan markaas gaadhi Karin, aqoon ahaan, Karti ahaan, Waayo aragnimo, ahaan iyo wadaniyad ahaan aad been abuur iyo Aflagaado cad aad Ooda kaga qaado, taasoo weliba qofka aad ka hadlaysaa aysan jirin xil uu u hayo markaas adiga iyo cidaad u doodaysidba.



Ujeedkaaguna uu yahay uun, ceebee qofkaas, Cay qofkaas, Fogee ruuxaas, Ixtiraamka Lumi, cadaawad tus , cadoowgiisana ka farxi , adiguna ku Nafis. Waxaana hubaal ah in ruuxa noocaasi ah uu yahay danbiile, kan koobaad uu danbi ka galay qofka uu dusha uga baxay asagoon hayn wax sababa, tan labaade asagoo ah mid ka hooseeya ruuxaas isla markaana aan sinaba wax uu qabto iyo halka uu maro uusan Hiigsan kareyn.



Tan sadexaade inuu jebshey xuduud Eebe oo ah inuu kaa Xarimay ruux Muslim ah, Cirdigiisa iyo Maalkiisaba. Waxaana wax laga xumaado ah in qof aan weligiis Lugooyo mooye aan wax tar muujin uu marba meel kaga Dhawaaqo ama ku Xar xariiqo Aflagaadooyin waa weyn oo huwan Been abuur lagu ladhay Aqoon gaabni iyo Maaan gaabni is Barkan.

Labo Cali:

Dr: Cali Ciise Cabdi iyo Pro: Cali Khaliif Galaydh oo Bud dhige u ahaa shirkii Khaatumo ee London, waxay Faydeen wax badan loo haystay Aqoonyanada SSC, taasoo ahayd dhaliisha Maskaxda caafimaadka qabta, oo ahay Dhaliil toosineed.



Kana soo yeedhaysay dad badan oo tol iyo Taagba u la’aa sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibkan baahay ee ku habsaday mandaqada SSC. Kooxdani waxay tabaysey kaalintii Aqoonyahankooda, ay ka mid yihiin Labo Cali, iyo Macoodu’ waxayna in badan arkayeen baahi ay u qabaan shacabkoodu, kuwaasoo ay kala boobayaan dad Aqoon ahaan, Taariikh ahaan, wax qabad ahaan iyo Tayo ahaanba ka hooseya Aqoonyanada SSC, maanta lee dahay guud ahaan iyo gaar ahaan labadan Odey ee daadihinayey shirweynihii Khaatumo/Midnimo/Guul ee SSC-London.



Kooxdani waxay markastaba garoowsanaayeen in Aqoonyahankooda, loo adeegsanayey Askar u shaqaysa labada maamul ee Hareeraha kuwaas oo kaashanaya Kuwo lagu sheegay Madaxdhaqameed, oo shaanbado waa weyn Hulaaban, kana Amar qaata Garoowe iyo Hargaysa, labada qolona ku qaba mushaharaad caam ah oo aan ahayn mid xaneed iyo Nuxnuxeed ee u cad sida Cadceedu u cadahay.



Waxaa sahlan sidii ,Madaxdhaqameedkaasi u quweyn lahaayeen, una xaq dhawri lahaayeen Horboodayaasha maamulada SNM iyo SSDF, qaarkoodna maba fogeyn goorteey ugu yeedhayeen Madaxweynayaal jamhuuriyadeed, qaarna habeen iyo maalin waxayba ku Salelaan Puntland cid aan ahayn ma lihin Eebe-na Israaqdayadii buu ku Ladhay.



Waxaase ay ahayd in Aqoonyanada SSC guud ahaan, gaar ahaan labo Cali oo aan Caaawa tusaalahayga ku wato, inaysan dadkooda ku sii deyn oo ka qabtaan Waraabaha haliilaya ee adeegsanaya kuwii loo doortay geedka hoostiisa, iyo Afmiishaarada kala ah Horgalada iyo Hoosgalada, kuwaasoo waxay gelin ku qadeeyaan, dhaafsaday dalkoodii iyo dadkoodiiba.



Aqoonyahanadan laga yaabo, in kooxdaas Horgalada ahi ay ugu hanjabaaan ama ka sheegtaan deeganadooda, waxaa ay Hogaamiyeen dal dhan, tusaale ahaan Pro: Cali Khaliif Galaydh wuxuu jagooyin waa weyn ka soo qaybtay dawladihii Soomaaliyeed gaar ahaan tii Military-ga ahay, asagoo ka gaadhay heer wasiiro oo Muhiim ah. Wuxuu kaloo gaadhay jago qof Siyaasi ah oo reer SSC ah uu ka qabto dalka Soomaaliya taasoo ah Ra’iisal wasaare, wuxuuna gacantiisa midig ku magacaabay Golle wasiiro oo gaadhay 70 ruux.



Dadka Soomaaliyeed aad ayey u Xushmeeyaan, waxayna u arkaan nin ka mid ah kuwii Soomaray hogaaminta dalka intii dawladdu dhacday kii ugu muhiimsanaa, waxyaalaha ugu xasuusta badan ee Galaydh lagu xasuusto waxaa ka mid ah, in dalkeena Soomaaliya uu u matelijirey QM, Abdul-majiidkii Itoobiyaanka ahaa, kaasoo dalka Itoobiya Safiir u ahaa, isla markaana Soomaaliya odhan jirey anaaga ka wakiil ah.



Waxaana ugu danbaysey maalintii Cali Khalif UN-ka ka Qudbeeyey, waxaa kaloo meesha ka maqnaa calankii Buluuga ahaa ee xidigtu dhexda uga tiilay, kaasoo qashin qubka ku jirey laakiin mudadaas laga Lulay xarunta Umaddaha Midoobey.

Dr: Ali Ciise Abdi , nin ayaa maah maahay oo wuxuu yidhi , Walaalkaa oo dhintayna wax loo Faano maahaa, Naagtaasi waxay ku hadlaysana wax loo Dulqaato maahaa!! Dadka qaarkiis waxay qorayaan wax laga jawaabana maahaa, waxay ku hadlayaana wax loo Dulqaadan karo maahee, aan inyar ka bixiyo Dr Ali Issa wax qabadkiisa.



Dr: Cali Ciise kuba dheeraan maayo , waxaa inagaga filan hada muxuu yahay?, Waa gudoomiyaha, hay’ad lagu magacaabo Horn Economic and Social Policy Institute (HESPI). Waa maxad la taliya dawladdo fara badan oo ku jira urur goboleedka IGAD, waad garankartaa dawladdaha ku jira IGAD qaarbaa ku dhawaad 4 Qarni dawladdo ahaa, sida Ethiopia, hadana dalka taariikhda intaas le eg huwan ayaa u baahan Dr: Ali Isse iyo Akhyaarta kale ee la shaqaysa. Taasina waxay ka turjumaysaa, baahida loo qabo Aqoontiisa, Kartidiisa, waayo-aragnimadiisa iyo weliba Dadnimadiisa feker dhalineed.



Sidoo kale waxaa arimaha Geeska wax ka weydiiya dawladdaha horumaray, sida Maraykanka, Yurub iyo Australia, wuxuu wax ka dhahaa, Musuq maasuqa, Siyaasada iyo dhaqalaha, wuxuuna sheegaa in dalalkaas uu ku fooraro ay tahay in wax lala qabto iyo inkale.



Shakhsiyaadka noocaas ah, Ee Soomaali iyo Bini’aadam kaleba ka faa’ideysteen ayeynu habeen iyo maalin Xag xaganeynaa, anoo huba in dadka wax ma garatada ahi, aysan weedhaha Qaloocsan iyo hadalada aan meela jirin waxba ku yeelayn, hadana qoraalkeyga waxaan ugu talo galay inaan dadka Maskaxda nadiifta leh aan ugu dhaqo, isla markaana aan ugu mahad celiyo odayaashaas dedaalkaa ku baxshey Mideynta dadkooda.

Mahadnaq iyo ka Faa’ideysi arintan taariikhiga ah.



Hadiith ka sugnaaday Suubanaha ayaa ahaa, qofka aan dadka wax tara u mahadniqin Allaahna uma mahad noqo, sidaas daraaradeed, kooxdan Aqoonyahanada iyo Halyeeynimada sanadkan wada huwaday ee ay Hormuudka u yihiin Labo Cali Waa mahadsan yihiin, waxaana lee yahay waa mid mudan in qofkastoo SSCyahan ah uu u mahadnaqo.



Anoo og inay guteen waajibaadkoodii, og inay tahay wax Xaq loogu lee yahay, dareensan in goor loo baahnaa soo muuqdeen, kana soo dhalaaleen shaqadii ay isku xil saareen hadana, wanaaga ay qabteen iyo waajibaadka saarnaa waa kala weyn yihiin. Waxaa makhraati ma doonto ah inay 4 habeen iyo afar maalmood ay yarayd inteey seexdeen, naysteen isla markaana Naruuro dareemeen, waxay isku celinayeen dad wada dhashay oo kala Hafdey, waxay markastaba Hareeraha ka taagnayeen go’amada aad aragteen iyo kuwo badan oo kale oo aynaan arag. Waxaa kaloo ka horeeyey mudooyinkii kale ee ay hawshan ka fekerayeen, sidi ay u qabsoomi lahayd, sidi dadka loo Caasuumi lahaa, sidii loogu qancin lahaa, hadan aysan isku dal, isku qaraad iyo isku wakhti wada joogin. Waxa ay ku bixiyeen ay tahay, wakhti Feker iyo Maal, Jazaakallaahu Khayr Wa, Jazaa”.



Sidaas daraadeed, odayaashaas iyo ragoodii kale ee la shaqaynayeyba waa mahaadsan yihiin, waxaana lee yahay ha ka tegina ilaa aad ka midho dhalisaan go’amaadaas, isla makraana lagu sameeyo dabogal, talo joogta ah iyo weliba u noqosho Garbo ay ku duulaan kuwa la Igmaday.



Talo Shacabka iyo Hogaamiyaasha dhaqanka.

Shacabka SSC waxaan kula talinayaa in ay ka faaa’ideystaan fursadan dahabiga ah ee qaaliga ah maantana hortaala. In badan ayaad ku Tiraabteen Aqoonyahankii baa na gabay, waxba noo qaban waayey na hogaamin, waayey, ayagaa kala daad san , Reer xamarku waxay dhahaan” Ku Nuurso”. Waxaan idin lee yahay ku Nuursada Aqoontiinii waa kuwaas gacmaha is qabasadaye.



Waxaana la doonaya in maanta aynu noqono kuwii isla garabtaagi lahaa hiil iyo hooba, waxaana shacabka SSC gudo iyo debedba la gudboon inay ka faa’ideystaan fursada qaaliga ah.



Kuwa Madaxdhaqameedka ah, ayaga ku boorin ,maayo wax badan , waxaana la yidhi Dhegihii Ilaahay waan shaa waansan, inkastoo qaarkood ay wanaagsan yihiin, hadana badankoodu waa Ajuuro cunsan yihiine,waxaan idin lee yahay Siyaasada ka carara intaan la idinku soo gaadhin!, farahana ha kaga gubanina!, hadaad doonaysaan inaad Badbaadaana, nin waloowba Tuuladaadii aad, geed hoostiis adoo fadhiyana oo Tusbax sita ha lagugu yimaado, Kuna ducee waxii lagaa dalbado.



Waxa idinku soo maqan maanta maahaa shacabkii keliya, kuwaasoo aad uga Siiban jirteen Garoowe, waa shacabkii iyo Aqoonyahankoodii oo gacmaha is haysta, ogaadana inay ka Aqoon iyo kartiba badan yihiin kuwa shisheeyaha ah ee aad hoos joogtaan. Xasuusnaada inaad sharaf iyo Karaamo ku lee dihiin dadkiina dhexdiisa, iyo inaaad ku Hogaamisaan rabbitaankooda saxda ah.



Waa dhamaatay wakhtigaad odhan jirteen, nin waloowba juffadada aamin!!! Hada diidney nin Juffadiisa Aaminayaa ma jiree, waxaanu Aamiinaynaa Juffadayada weyn” Hadanu Xabaalo sheeganayno xabaasha weyn baanu sheeganaynaa, Xabaalaha yar yar dooni mayno”!.



Waxaan hubaa in kuwa maanta u baahan shacabka ay idinka yihiin, shacabka maaha kan maanta idin hoorsan doona, shacabku waa haystaan waxay doonayeen waa Aqoon, aqoontoodiina waa horkacaysaa ayaguna waa ku dabo tukanyaan. Maantana Soomaaliya ma jiro meel Hogaamiye dhaqameed wax la weydiiyo, waa siyaasi la gor gortama siyaasiga, waayo hada kuwa dhibta nagu haya ee Dhulkayaga ka gaysanaya Tacadiyada iyo dhibaatooyinka, ma waxaa hogaaminaya ,madax dhaqameed, sida Garaad, Ugaas, Suldaan , Malaaq iyo Boqor, mise Siyaasi, Sarkaaal, Saajin iyo Badhasaab, waxaan filayaa inaad garanaysaan taas.





Gebo gabo,



Waxaan ku soo koobayaa, in maanta ay tahay wakhtigi la shafri lahaa aqoonyahanka, wakhtigii la Quweyn lahaa, wakhtigii la Maqli lahaa, wakhtigii lala shaqayn lahaaa iyo xiligii ay ayaguna na hogaamin lahaayeen. Waana dhamaatay sheekooyinkii been abuurka ahaa, iyo sheekadii Bissadii hilibka gaadhi weydeyba!!!!!!!!!





Hamsa M, Abdi.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”