Alshabaab oo maanta weeraray Fariisimo ay ciidanka Dowladu

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Alshabaab oo maanta weeraray Fariisimo ay ciidanka Dowladu

Post by grandpakhalif »

Dagaal Khasaare geeystay ayaa maanta Degmada Luuq ee Gobolka Gedo kudhexmaray ciidamada Dowladda iyo Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab .
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayeey isku adeegsadeen hubka kala duwan iyadoo weerarka ay qaadeen Ciidamada Alshabaab oo bartilmaameedsaday Fariisin ay Ciidanka Dowladdu ku lahaayeen Deegaan lagu magacaabo Banmuudalo oo qiyaastii 4KM dhinaca Bari kaga beegan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Sida ay ku waramayaan Dadka Deegaanka uu dagaalku ka dhacay inkabadan 2 Ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay ayaa goobta ku geeriyooty iyadoo aan laheyn tirada rasmiga ah ee ku dhaawacantay dagaalkii maanta Luuq ku dhexmaray Alshabaab iyo Dowladda.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyadaasi oo ku aadan Dagaalkaasi iyadoo xaaladu ay haatan degantahay ,inkastoo bilihi lasoo dhaafay ay jireen dagaallo soo laalaabta oo udhaxeeya Dowladda KMG ah iyo Alshabaab oo ka dhaca Qeybo katirsan Gobolka Gedo.

Allgedo News Media Network
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”