pland participate health international conference in euro

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

pland participate health international conference in euro

Post by FBISOMALIA »

Image

Genava: Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland waxaa ka furmey Isniinta Maantey ah (16-May-2011) shirkii 64-aad ee Ururka Caafimaadka aduunka ee
WHO. shirkan kak furmay magaalada Geneva ayaa looga hadlayaa caafimaadka aduunka

Image
Shirkan oo ah mid balaaran oo dhawr maalmood socon doona ayaa Wasiirada Caafimaadka aduunka iyo khubarada dhanka caafimaadka ku xeel dheer waxay ka doodi doonaan ajandayaal badan oo ku saabsan caafimaadka aduunka iyo dhibaatooyinka caafimaadka soo wajaha.

Image
Shirkan Caalamaiga ah ee Caafimaadka aduunka waxaa Soomaaliya uga qaybgalay Wasiiradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Somaliland iyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxaana shirkan aad xooga loo saari doona xaaladaha caafimaad ee wadanka Soomaaliya iyo wadamada dhibaatooyinka ka jiraan ee kale.

Image
Magaalada Geneva waxaa xalay gaarey wafti uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame waxaana uu goor dhaweyd ii xaqiijiyey inuu shirku maantey furmey uuna socon doono maalmaha soo socda iyado laga doodo badan la isku waydaarsan doono shirkan. Wasiirka

Caafimaadku waxa uu intaas ku darey in shirkan marka uu dhamaado laga soo saari doono war murtiyeed wadajir ay usoo saari doonaan ergooyinka ka qaybgalaya shirkan kaasi oo ku saabsan waxyaabaha laga wada doodey ee dhanka caafimaadka ku saabsan ee la isla gartey.

Wasiirada Caafimaadka ee Puntland, Dowladda KMG ah ee Soomaaliiya iyo Somaliland waxay u tahay markii ugu horeysay oo ay wadajir uga wada qaybgalaan shirka Caalamiga ah ee Caafimaadka aduunka, horey masuuliyiinta Soomaalidu waxay uga wada qaybgaleen shirar ka dhacay Magaalooyinka Jabuuti iyo Nairobi halkaasoo kulamo caafimaadka Soomaaliya ku saabsan lagu qabtey.

Wasiirka Caafimaadka Dowalddda Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada GENEVA ee wadanka Switzerland waxa uu la kulmi doonaa Jaaliyadda reer Puntland ee wadankaasi dagan iyo kuwo dalalka ku dhow dhow ka tagay oo shirkaas ka qaybgali doona iyadoo uu wasiirku jaaliyada kulanka uu la qaadanayo u jeedin doonaa khubad ku saabsan xaalada caafimaadka ee Puntland iyo waxqabadka Wasaaradda Caafimaadka Puntland 15-kii bilood ee u danbeeyey ee uu Dr. Cali C/aahi shaqadaas hayay caafimaadka.

Wixii ka soobaxa Shirka Geneva ee Caafimaadka aduunka iyo kan Wasiirka Caafimaadku la yeelanayo Jaaliyada Puntland waan idinla socod siin doonaa.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”