Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa xaflad aad u heer saraysa oo soo dhawayn ah loogu sameeyay dalka Malaysia oo uu haatan howlo gaar ah u joogo.
Xafladaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska jaaliyada reer puntland ay ku leedahay dalka malaysia, waxaana ka soo wada qayb galay dhamaan jaalyadaha Soomaliyeed ee dalka Malaysiya oo dhan iyadoo xafladda soo dhoweynta ay ahayd mid soo wada jiitay dhamaan madaxdii iyo marti sharaftii kasoo qayb gashay xafladaan.
Munaasabada ayaa ku bilaabatay sidii loogu talo galay waxaana daaha ka furay safiirka jaaliyada reer puntland ee Malaysia Ahmed Osman shabiin, oo halkaasi kasoo jeediyay kalmado aad u qiimo badan oo soo wada jiitay dhamaan dadkii kasoo qayb galay xafladaas. isagoo qiray inay dhamaan jaaliyada reer Puntland ee malaysia iyo xafiiskiisaba ay sharaf wayn u ahayd inay madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire kusoo dhaweeyaan dalka Malaysia.
Waxaa kaloo isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha guud ee jaaliyada somaliyeed ee Malaysia Mudane Prof: Muuse Maxamuud Axmed oo isaguna halkaasi hadalo kasoo jeediyay isagoo xusay isku xirnaanta umada somaliyeed inay tahay waxa ugu muhiimsan ee soo celin kara xasiloonidii guud ee dalka somaliyeed, waxuu kaloo xusay Puntland inay tahay hoygii nabada somaliyeed waxuuna shacabkeeda iyo madaxdeedaba ku booriyay sidii ay xil gaar ah isaga saari lahaayeen xasiloonideeda iyo nabadgalyadeeda. waxaa kaloo iyaguna halkaasi ka hadlay dhakhaatiir iyo aqoonyahan badan oo ay kamid ahaayeen Dr. Sayid Cabdala Xasan iyo prof:Cabdinaasir Shuuriye oo halkaasi hadalo iyo hambalyo u soo jeediyay masuuliyiintii goob jooga ka ahayd xaflada.
Kadib waxaa sascab iyo calamo laruxayay lagu soo dhaweeyay hadalka madaxwayne ku xigeenka oo runtii soo wada jiitay dhamaan dareenka dadwaynihii kasoo qayb galay xaflada isagoo xusay hormarka ay Puntland ku tilaabsatay iyo waliba xaaladaha kala duwan ee isaga iyo maamulkiisu ku guulaysteen inay wax ka qabtaan. waxuu kaloo mahad balaaran u celiyay dhamaan jaaliyada reer Puntland gaar ahaan gudigii soo qaban qaabiyay xafladaan soo dhawaynta ah.
isku soo wada duuboo gaba gabadii xaflada ayaa waxaa jaaliyada reer Malaysiya gudoonsiiyeen madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shiere bilad iyo shahaado sharaf uu ku mutaystay maamul wanaag iyo habacsani la,aan shaqadii loo igmaday ah.
big welcome in Malaysia for the vice president
Moderator: Moderators
- damu
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
big welcome in Malaysia for the vice president
- ToughGong
- SomaliNet Super

- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: big welcome in Malaysia for the vice president
Looking good
Hell of a lot of Somalis in that hall,I think Somalis are everywhere these days
- abdalla11
- SomaliNet Super

- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: big welcome in Malaysia for the vice president
The VP is a good orator, he gives speeches better than Faroole
- KingMJ
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4191
- Joined: Sun Dec 05, 2010 1:04 pm
- Location: Back frm the Dead
Re: big welcome in Malaysia for the vice president
Good to see lots of Somalis in Malaysia. Reer Puntland 
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: big welcome in Malaysia for the vice president
good pictures 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 722 Views
-
Last post by UgaaskaBarakaysan
-
- 1 Replies
- 487 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 7 Replies
- 1134 Views
-
Last post by anzeloti
-
- 3 Replies
- 673 Views
-
Last post by 26June1960
-
- 31 Replies
- 2668 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 11 Replies
- 1358 Views
-
Last post by TheAspiringMufti
-
- 6 Replies
- 1274 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 16 Replies
- 136 Views
-
Last post by GENERAL_SNM
-
- 21 Replies
- 1747 Views
-
Last post by Django
-
- 2 Replies
- 499 Views
-
Last post by shaamboo


