
Gudomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Siciid Dabayl ayaa sheegay in ay xabsi dhigeen kooxo doonayay in Goblka Sool ay kasameeyaan munaasaba 20 guuradii ka soo wareegay markii ay shaaciyeen in mamulka Somaliland ay ka goosteen Somaliya.
Dabayl ayaa sheegay in ciidamada Dawlada Puntland weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen kooxo soo qaatay qarashaad doonayana in dhulka Puntland ay munaasabadaa ka dhigaan.
Waxaa uu ku eedeeyay mamulka Somaliland in maalmihii udanbeeyay wadeen qorshayaal ay kumajaxaabinayaan amaanka Puntland waxaana uu ku eedeeyay in ay lug ku leeyihiin falalka amaadaro ee kadhacaya deegaanada Puntland.
Godomiyaha ayaa sheegay in somaliland ay gacan siiyaan kooxaha dagaalka kula jira Puntland ee uu hogaamiyo Maxamed Siciid Atam cadaymo cadna ay u hayaan.
“Waxaan haynaa xog rasmiya oo muujinaysa in Somaliland gacan siiso Atam waxaan ognahay xeryaha ay tababarada ugu soo xirtay waxaan soo jeedinayaa in talaabo laga qaado.
Waxaa uu sheegay in madaxda sare ee Puntland ay u gudbiyeen xogtan isagoo sheegay in aan ladhayalsan arintan oo madaxda sare ay talaabo cad kaqaadaan.
Dabayl ayaa intaa ku daray in uu kadhamaaday dulqaadkii mamulka somaliland bilihii udanbeeyay ay wadeen daandaansi aan geed layskugu soo gaba qorshayaalbadana ay wadeen balse qaarkood ay fashiliyeen.