Xabsi gaar ah oo ku yaala dekeda magaalada Boosaaso ayuu maalintii saddexaad ku xiran yahay Garsoore Maxamed Dhuuke waxaana halkaasi ku ilaaliya ciidamada amaanka ee dekeda magaalada Boosaaso.
Ilo ka agdhow Garsooraha ayaa RBC Radio u sheegay in markii ugu horeysay ee Garsoore Maxamed Dhuuke ay soo xireen ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland ay geeyeen xabsi gaar ah oo ku yaala dekeda magaalada Boosaaso, waxaana Taliyaha ciidamada Dekeda Cali Fanax iyo ciidamadiisa lagu wargeliyay in ninkani uu yahay khatar isla markaana ay ilgaar ah ku hayaan, isla markaan aysan u ogolaan in loo yimaado ama la soo booqdo.
Garsoore Maxamed Maxamuud Xirsi waxaa loo geystay tacadi xun oo ka baxsan xuquuqda aadanaha iyo tan muwaadinimo 24-kii saac ee ugu horeeyay xarigiisa, maadaama ciidamada amaankiisa sugayey lagu wargeliyay in ninkan maxbuuska ah uu yahay nin khatar ku ah Puntland.
“Si xun ayaa la iila dhaqmey 24-kii saac ee ugu horeeyay waan xanuunsadey, waxaan qabey xanuun neerfaha oo igu sii kacay, Taliyaha Dekeda Cali Fanax ayaa ii ogolaaday in la iga dejiyo bareysharka oo la iila dhaqmo si mas’uuliyadi ku jirto, maadaama uu ogaadey in aan ahay Garsoore” ayuu yiri Garsoore Maxamed Dhuuke oo uu la sheekeystay mid ka mid ah dadkii booqday.
Xogta RBC Radio ay ka heshay qaar ka mid ah ehelada Garsoore Maxamed Maxamuud Xirsi (Dhuuke) ayaa sheegaya in Garsooruhu u xiran yahay Madaxweynaha Puntland iyo Wiilkiisa, isla markaana waxaa jiray xiriir dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo ehelka Garsooraha, xiriirkaasi oo aan miro dhalin.
“Odayaal iyo Waxgarad ka socda qoyska Garsooraha iyo Culimaa’udiin ka xumaa xariga Garsoore Maxamed Dhuuke ayaa la xiriiray Madaxweynaha Puntland, waxaana xiriirkaasi sahlay Wasiir xigeenka Arimaha Gudaha Puntland Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ha yeeshee Madaxweyne C/raxmaan Faroole wuxuu ku jawaabay Aniguu ii xiran yahay Garsooraha inta aan ka soo laabanayo Nairobi wuu ii sii xirnaanayaa” ayuu hadalkiisa raaciyey qof la kulmay Garsoore Maxamed Maxamuud Xirsi.
Warar hoose oo RBC Radio ay ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Taliye xigeenka Booliska Puntland G/sare Maxamed Siciid Jaqanaf uu habeenkii xalay ahaa tagey Dekeda Boosaaso isagoo doonaya in uu la soo wareego Garsoore Maxamed Dhuuke si uu ugu xiro Xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, waxaana arintaasi ka biyo diiday Taliyaha Ciidamada Dekeda Cali Fanax oo sheegay in ninkani markii la soo xirayey aan la marin maxkamad isla markaana aan loo jarin waaran lagu geeyo xabsi, balse isaga si gaar ah loogala balamay in uu usii ogaado oo uu ku sii xirnaado xabsiga dekeda Boosaaso.
Mar la weydiiyay Garsooraha sida ay xaaladiisu tahay hadda wuxuu sheegay ” Xaaladeydu hadda waa fiican tahay, ciidanka dekeda iyo Taliyahoodana waxay iila dhaqmeen si wanaagsan oo muwaadinimo leh”.
Garsoore Maxamed Maxamuud Xirsi oo horey uga soo shaqeeyay Maxkamada Gobolka Nugaal ayaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada Puntland 22-kii bishan ay ka soo xireen gudaha magaalada Boosaaso xilli isaga iyo Garsoorayaal farabadan ay lahaayeen aqoon isweydaarsi ku saabsan Garsoorka, waxaana xariga Garsoore Maxamed Dhuuke sida la cadeeyay ka qeyb qaatey Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland Mudane C/qaadir Shiikh Axmed.
Hal ku dhiga Garsoore Maxamed Dhuuke ayaa ahaa {inta aan noolahay waxaan xaqiijinayaa oo ka shaqeynayaa caddaalada iyo nidaamka Puntland, waxaan kaloo dhowrayaa Dastuurka Puntland iyo xeerarkiisa camaliga ah oo si toos ah la isugu qaadi doono qodob qodob}.
Cawil Maxamuud Cabdi
RBC Radio, Gaalkacyo
Cawil@raxanreeb.com



