Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Puntland iyo qaar katirsan qurba joogta gobolka Sanaag ayaa maanta kormeero ku tagay qaar ka tirsan deegaano hoosyimaada gobolka Sanaag iyagoo u kuurgalaya qaabka ay u socoto imtixaanaadka dugsiyada waxbarashada ee gobolka Sanaag oo lagu wado in maata la soo gabagabeeyayo.
Gudoomiyaha wasaaradda waxbarashada Puntland ee gobolka Sanaag Cabdiqani Cali Maxamuud oo u waramayay Horseed Media ayaa sheegay in masuuliyiinta ay maanta booqdeen deegaanada Hadaftimo,Badhan,Ceelbuh iyo degmada Xingalool waxaana uu sheegay in habsami usocodka imtixaanaadka dugsiyada ee ka socda gobolka Sanaag uu yahay mid ku soo dhamaaday jawi wanaagsan inkastoo uu sheegay inay horay ka soo wajahday caqabad ka dhalatay dhinaca wadooyinka oo ay roobabka xireen.
Saciid Maxamed Ismaaciil oo ka tirsan qurba joogta gobolka Sanaag ee kormeerka ku wehlisa masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa sheegay in kormeerka ay ku tageen gobolka Sanaag inay u soo baxday hormar dhinaca waxbarashda ah oo ay gaareen bulshada gobolka Sanaag.
Waxaa uu sheegay in gobolka Sanaag uu ka soo jeedo uusan arag muddo ku siman 19-sano waxaana uu sheegay in heerka gobolkaasi uu joogay sanadkii 1993-dii ay wax badan iska badaleen dhinaca waxbarasho,waxaana uu intaasi uu ku daray in gobolka Sanaag imtixaanaadka kala duwan ay u fariisteen shan kun oo arday sidaasi darteed uu hormar dhinaca waxbarashda ah uu sameeyay gobolka Sanaag.
Dhowaan ayay ahayd markii dugsiyada waxbarasho ee gobolada Puntland ay hal mar u wada fariisteen imtixaanaadka dugsiyada kale duwan ee ku yaala deegaanada Puntland,waxaana lagu wadaa in maanta la soo afmeero imtixaanaadka qaar ka tirsan dugsiyada waxbarasho ee gobolada Puntland.
Horseed Media
Masuuliyiin iyo qurba joog koormeero ku tagay gobolka Sanaag
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 415 Views
-
Last post by dalalos101
-
- 11 Replies
- 1649 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 2 Replies
- 402 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 0 Replies
- 8022 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 714 Views
-
Last post by Iqsom
-
- 6 Replies
- 733 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 15 Replies
- 2977 Views
-
Last post by Meyle
-
- 0 Replies
- 1695 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 2 Replies
- 641 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 0 Replies
- 556 Views
-
Last post by Coldoon