Ciidamada amaanka gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag hubaysan oo soo weeraray ciidanka amaanka degmada Gaalkacyo,xilli ay hawlgalo ka wadeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Gaashaanle sare Cabdirashiid Cadceed Gelle oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in raga ciidanka ay gacanta ku dhigeen tiradoodu ay gaarayso 4-qof kuwaasi oo u uu ku tilmaamay inay yihiin xagjir.
Cabrirashiid Cadceed Geele ayaa hoosta ka xariiqay in weerarkaasi uu qayb ka yahay weerarada inta badan ka dhaca deegaanada Puntland,waxaana uu sheegay in dadka la soo qabtay ay ciidamada gacanta ku hayaan islamarkaana ay ku xiranyihiin xabsiga wayn ee magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada amaanka gobolka Mudug ayaa dhowaan hawlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ka bilaabay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,ka dib markii falal amaanka ka dhan ah ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Hawlgalkana ayaa ku soo beegmaya xilli xaalada amaan ee magaalada Gaalkacyo ay muddooyinkii ugu dambeeyay si wayn u soo hagaagaysay.
Horseed Media
Rag soo weeraray ciidanka ayaan gacanta ku dhignay
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 402 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 4 Replies
- 818 Views
-
Last post by samatar133
-
- 2 Replies
- 378 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 4 Replies
- 538 Views
-
Last post by udun
-
- 8 Replies
- 1164 Views
-
Last post by Adali
-
- 0 Replies
- 10256 Views
-
Last post by C_sharaf
-
- 16 Replies
- 1207 Views
-
Last post by paperino
-
- 3 Replies
- 713 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 14 Replies
- 1485 Views
-
Last post by original dervish
-
- 7 Replies
- 1287 Views
-
Last post by TarTar